Waxa aad u muhiim ahoo mar walba khasab inagu ah in aan wax iska hubsano inta aynaan ku kicin, ee laga baaraan dego waxa yaabaha la isu sheegaayo, ee mararka qaarkood af-dhabaan-dhab dan lihi uu ku soo dhex ridaayo umada isaga oo ujeedo gaar ah oo shakhsi ahaan ka doonaaya in uu ku habaabiyo dad aan wax kala dhex oolin, oo uu fidmo ka kiciyo meel aan waxba ka jirin, aniga oo ku soo dhawaa-naaya arininka aan u soo qalin qaatay, waxa uu yahay sheekada la isku af dhaafay ee laga sheegay gudoomiyaha xusbiga ucid ee mudane faysal cali waraabe, lana lee-yahay wuxu ku af-lagaadooday beel weynta habar yoonis, hadaba waxa uu fasal yidhi way duuban yihiin, maaha wax aan la heli karin, kolay-ba anigu waan dhegaysatay oo weli-=ba markii ay sheekadu soo baxday aan tiraba 3 jeer ku cesheday, oo aan kolba si idhi malaha wax baad ka il-duuftay, ama ku dhaafay oo aanad maqalayn, ilaa imikana ma hayo meel ay ka duuban tahay cay iyo af-xumo uu u gaystay faysal cali waraabe beesha H.yoonis, waxan garan la’ahay halka ay khudbadiisu kaga jirto wax iin ahi oo uu ku eeday-naayo, ama loo sibir saai karo wax baa ku jira, waxa aan filayaa in is fahmi waa ka dhex oogan yahay gudoomiyaha iyo beesha uu hadalku dhex joogo, sababta oo ah dad baa ku dhex jira turjubaano ah, kuwaas oo ah nooca hadalka sarifa ee ka baayacmush-tareeya ee kolba sida ay rabaan u dhiga ddkana wax ugu sheega iyaka oo ka ay is lee-yihiin waad duufsan karaysaan dhegta wax u saara, kuwaas oo wakhtigan ku fara badan carigeena, shaqo kale oo y hayaana aanay jirin waxa kala eri mooyee.
Waxa la yidhi si xun u sheeg sixir wuu ka daran yahay, waayo had iyo jeer wax aan la hayn turxaan, oo cad bay jirjir-cadka ka rogaan oo ay dhabarkii sarayn lahaa ay ciida ku qariyaan, wax aan la arki karina way u soo hoos geliyaan, iaka oo ceebayn aan meela haysan la daba gala cida ay rabaan in ay jar ka tuuraan, hadaba aniga oo aan dhinac-na aan dhabarka saarayn, kana soo jeeda beesha la lee-yhay wax baa la yidhi, xaq ay lee-yihiina aan ka dadafay-nayn, gudoomiyaha-na sidoo kale aan khalad ku raacayn, oo aan kala baxsanayn denbi uu galay, wax uu sameeyey-na aan ka dhaafyn, qoraayaasha wax ka qorayna aan ku gafayn xumaana aan uga jeedin, maqaalada ay qoreena aan wada akhriyey, oo aan odhan karo kuwo asturan, kuwo ereyo aad u adadagi-ba way jireen, qaar cay xad dhaafa oo k durugsan xayada kuwo la fuulay baa iyana jira, iyada oo ay sidaas tahay baa waxa iska jira wakhtiyo xasaasi ah oo lagu tala galo in raga madaxada ah kaadhka laga gubo si aanay uga soo waaqsan, iyada oo meel kale wax loo wado, inagia oon aan lahyn haber yoonis baa faysal wax u diidan, baa hadana aan lee-yahay ha la iska hubsado baraartu orgaca ka wayne, yaan la idin hoos dhigin masaf wax lagu kal haadiyo, oo la idinku dirin faysal cali waraabe oo ah gudoomiyaha xusbiga ucid, wuxu ku jiraa marxalad aad u adag oo dhaawac u keeni karta doorashada uu ku loola-maayo, haddii aad uga dhigtaan nabar wax muhmil ah oo aan cadayn, waa nin daacad ah, inta badana dhaliil uu kuwado meel sida dawlada oo kale baa dhanka xun loo turju-baanaa, wuu ka hor fahmi og yahay khaladka inta kale-ba waana ta ku kelifta in uu had iyo goor isagu ugu hor dhawaaqo marka ay wax jiraan, ma jiro, haddii uu jiro-na waa isaga ka gug lexe-jeclo badani dal-keena iyo dad-keena, markaas waxan odhan lahaa xaalka ha loo miyiriyo oo cagta ha loo dhigo.
Faysal waa nin mutacalin ah, ehelu diin ah, daacad ah, neceb xumaanta, waa wadani aan cid uga horaysaa dhan-kaas aanay jirin, waad ka war haysaan qayladdii ka dhacaysay wakhtiyaddii dagaalkii sokeeya ee uu lahaa maxaa isku haysataan miyaad iloow-deen shalay wixii idin haystay ee la idinku samaynaayey, ninka keli ah ee soo raacaa haddii alle laga baqaayo wuxu ahaa abwaanka keli ah ee ka hadlay kana tiriyey gabayga waa maxamed xaashi dhamac ( gaariye), bal sheega cida kale, ma waxa aynu odha karnaa gudoomiyahu si dhab ah oo ula kas ah buu u caayey reerka H.yoonis, ma wax dhici karaa ninka doorasho ka doonayaa in uu u fuulo kuwii uu ka filaayey in ay gacan siiyaan, maaha wax caqliga gala oo uu ku kici karo, waayo wuu ogsoon yahay in ay khasaare u keeni karto cayn-kaas, mid ka dahsoona maaha, ee waa hadal af ka weyn, xaal bedelan oo laga faa’iidaystay, waxan lee-yahay oo aan weliba ka codsanayaa beesha in odayga laga hadho, oo aan wax aanu odhan oo lagaga duwaayo dariiqa laga digtoo-naado, waayo waa hubaal in la rabi in lagu wax yeeleeyo oo sumcada lagaga dilo, si uu u waayo doorashda, haddii ay taasi timaado-na ha la ogaado waa denbi ay gashay beeshuye, waxana ay la mid tahay maah-maahddii cigaal shidaad ee ahayd cigaaloow col hor tii jabay, hadaad jeeniga sii qabataan inta aan la gaadhin maalinta uu tirsanaayo, waa godob sideeda ah, cidhib-teeduna aanay hadhi doonin, laguna kala dhiman doono, sugi doonta wiilk-wiilkiisa, taladuna marka ay joogto bay nacfi lee-dahay, hadayse ku dhaafto, oo ay noqoto weli-ba mid aad ugu talo gashay in ay caynkaas u dhacdo, waxa ka dhashaa waa dhiriq iyo reero kala rar, wixii ka soo baxaana waa wax garabaha ka saaran beesha habar yoonis sida ay u dhan tahay, maanta baad talada daab-keeda haysaan ee si wacan meel u dhiga ku haboon oo aanay ka iman dhaliil , ceeb iyo wax kala dila umada walaalaha ah.
* N.B. Cigaaloow col hor tii jbay,
abdi-shotaly.
oodweynenews.com