articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

IMISA DIIMOOD OO ISLAAMA AYAA JIRA.CAJIIB !!!
posted by:

ASCWW
 
Waxa yaab noqotay in afkaarta kala duwan ee shucuubta islaamku  sii badanayso
waxaad la yaabaysaa markaad aragto laba nin oo muslim oo DAGAALAMAYA
oo mid kastaa leeyahay ALAAHU AKBAR.
Labaduba waxay leeyihiin  anaa MUJAAHIDA ka kalana wuxuu ku odhanayaa .
waar anigaa mujaahid RUNA  ee kaas ha maqlin.
Waxaad arkaysaa magacyo badan oo islaama oo lagu tilmaamayo ururo dagaal yahana.
1.alshabaab, 2 xisbulaah , 3 ehlusuna wal jamaacah. 4 xisbul islaam
5, xisbul itixaad, xisbul shuhadaa.
 
Gartay inay dhamaan yihiin xisbiyo diineed kuwaas oo Raga hogaaminaaya aad ka rakayso shucuurta ISLAAMKA .
Sida  dharka  ama labiska iyo sii daynta gadhka iyo shaarubaha oo la gaabsho
Waxaad kaloo ku arkaysaa CIBAADO BADAN  iyo ayagoon  lahayn WAX BALWADA.
Markaad muqaalka sare aragto nimankan odayaasha ah waxaad ka qaadanaysaa aragti aad u fiican .
Hadiise aan sii dhex galo  afcaashooda iyo fikirkooda waxaad arkaysaa waxyaabo badan oo aad saluugayso.
TUSAALE AHAAN
Maamulka sh shariif sh axmed  raga  hogaanka hayaa waa MAXKAMADIHII
Sheekh shariif laftiisa ayaa ahaa  mid ka mida hogaamiyasha ururka markii ay ethoobiya la dagaalamayeen.
 
Maanta cadawga ugu wayn ee hortaagan dawlada waa isla ragii maxkamadaha ku wada jiray oo kala baxay .
ALshabaab  ayaa ah kooxda sida xoogan ula dagaalamaya maamulka sh shariif sh axmed.
Hadaba sh shariif iyo ciidankiisuba waxay ku dagaal galaan ALAAHU AKBAR
Alshabaabna waxay ku dagaal galaan ALAAHU AKBAR.
Midkastaana wuxuu AAMINSAN YAHAY inuuu janada galaayo ama yahay xaq u dirir
 
DHinaca kale sh daahir aweys oo ahaa hogaamiyihii maxkamadaha  waqtigii ciidanka ethoobiya lala dagaalamayay.
Ayaa si wayn uga soo horjeeda  dhinaca dawlada iyo dhinaca alshabaab labadaba
SADEXDA KOOXOOD mid kastaaba ta kale way la dagaalamaysaa.
waxaa taa kuu dheer KOOXDA EHLU SUMAH WALJAMAACAH  oo ayaguna ah xarako kale oo diineed oo la dagaalamysa  ALSHABAAB.
 
isku soo wada duuboo  dhamaan xarakooyinka islaamiga ah ama diiniga ah 
waxay dhamaan ka siman yihiin in midkastaaba ku jiro JIHAAD.
Waxa mid kastaaba aaminsan yahay inuu janada ta ugu fiican galaayo haduu dhinto ama uu yahay SHAHIID.
 
GABAGABDII
Diinta islaamku waa mid qudha [ina diinu cinda laahi islaam] kitaabka ilaahay swt  asaguna waaa mid kaliya [alfurqaan] nabigeenu csw waa mid kaliya [maxamed calayhi salaatu wasalaam].
Mana jiraan diin islaam oo kala duwan ama farqi u dhaxeeyo
balse waxaad moodaa in aynu si QALDAN  u isticmaalayno diinta islaamka
Waxa xaqiiqa in badankeenu yahay KURSI DOON
Waa hubaal in badankeenu wataan danahooda gaarka ah ee aanay ahayn
dad u danaynaaya diinta ISLAAMKA iyo SHACBIGA MULIMKA AH.
Waxaan ka cudur daaranayaa in aanan ahayn  nin ka soo horjeeda
any koox  diineed ama xisbi diineed ama maamul diineed balse kaliya waxaan  cabiray sidaan u arko dadkan wada jihaadaya ee ALAAHU AKBAR wada leh
keebaa XAQA KU TAAGAN keebaase BAADILKA KU TAAGAN
mise tani isma oga meel ay maraysaba. EEBOW KALA HAGAAJI TANI ISKU AAKHIRO SEEGTEE
WABILAAHI TAWFIIQ
SICIID CABDI DEEN
dheen@live.co.uk
london