articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

ISKU MAQAN / isku mashquulsan ADNA LAGUQU MAQAN
posted by:

As-salamu Calaykum. Salaan kadib maqalkan waxaan ku lafa guridoona qatarta aan cidna ka qarsoonayn ee xarakada Alshabaal / shayaadin cumamadan. Nin Farxaan la odhan jiray oo anan inaanyadiisi xasuusnayn hada oo SNM tii ahaanjiray oo gabayaa lagu aqoon ayaa isagoo SNM tii xaq u dirayaashi uu ka mid ahaa gubaabinaya gabay uu halku dhigusu aha isu gabara weyn halagalo gudaha tiriyay. Abwaanadii waaynaye ee SNM oo ay kamid ahayeen IBRAHIM GADHLE (allaya raxma), GAARIYE, HADRAAWI, CALI S. BIDE, X. GANAEY, M. C. HURO (Allaya Raxma) IYO abwanadi kale badana ayaa aad ula yabay xigmada kujirtay gabayga.
Iminka anigu anigoo Abwaan Farxaan soo xiganaya ama koobiyanynaya waxaan lee Isku maqan/ isku mashquulsan Adna lagu maqan. Intaas hadaan uga sii gudbo mucdi mawduca.

UGU HORAYN, ALSHABAAB / shayaadin cumaamadan:
Alshabaab waa ururka argagaxisada ee aynu wada naqaan ee caalamka oo dhami khatartooda wada qiray. Alshabaab waxay xoog ku haystan qaybo kamida Somaliyada koonfureed ee aynu jaarka nahay. Alshabaab wuxuu maraykan ku daray liska argaxisada mudo hada laga joogo laba sano iyo badh, dawlada Insgriiskuna shalay bay ka mamnuucday kamid noqoshada iyo tageero alshabaab wadankeeda. Alshabaab waa kuwa cadawga reer somaliland ee hadhcad inoo qorsheeyay masiibo qaran Illahay siday doonayeen kama wada dhigine waa kuwii 30kii-Nov-2008 qaraxa labeegsaday meelihii inoo gu mihiimsana MADAX TOOYADA JSL, QUNSULIYADA DAWLADA ITOBIYA IYO XARUNTII UNDP ee muwadininta reer somaliland ku laayay.

Alshabaab waa kuwa dulmiga ku caanbaxay dulmiga aykagalan dadka masakiinta ah ay xooga ku haystan. Waa kuwa intay dadka iska dilaan asaan hadana soo faga ee kurkiisa intay soo gooyan ku cabsiiya ee ugu qudbadeeya qofkii amarkayaga qadan waayaya sidaas ayaa udanbayn. Waa kuwa gaajada ku dila masaakinta hayadihii cawinjiray sida WFP ka joojiyay ee dhaliyaraday baahida ku dileen hadana yidhahda waxbaad xadeen ee lugaha iyo gacmaha isdhafka jara.

Alshabaab waa kuwa dhalinyada xabada isaga dhiga ee (sidii Awbustaali xertiisa wax cabsiinjiray ee isugu sheegi jiray awliyada) ayay intay sirxaan ku adeegtan saqiirka. Waa kuwa caruurta saqiirka intay ku xidhaan bambaano (remote controlled explosive devices) ku qarxiya markay halkay doonayan gadhan. Cumaamado xun waa cadaw geena waliba sidaasay tahay qaar inaga dhashay ayaa kamida kuwooda ugu sareeya ee iblays naarta uga baaqay.

MAXAA LA GUD BOON DAWLADA JSL IYO SHICIBKABA:
Ugu horayn waxaan hambalyaynaya muwaadinada geesiyada MARWO MARYAN DAYIB MAXAMUUD ee fashilisay qaraxii cadawgu damacsana inu labeegsado masaajidka. Muwaadinadasi taarikh ayay reer Somaliland u horseeday xishmad ayay mutaysatay waxaana haboon inaynu dhamaan ku dayno marwo MARYAN.

Baribaa waxaan tagay Sudan waxaan ku soo arkay dadka reer Sudan muwaadini-madooda qofkasta wuxuu isu xilsaray ka shaqaynta amniga, Cidamada amniga qaranka iyo shicibku isku si ayay uga wada shaqeeyan amnigooda xidhiidh cajiibanay leeyhin. Inanta yaree adhiga lajoogta, odayga hawl gabka ahee geedka hoos fadhiya, islaanta khudaarta ibinaysa iyo taxi laha iyo dhamaan intuba aminga isku si ayay uga shaqeeyan qofku wixii uu ka shakiyana saldhiga ugu dhaw ayuu la socodsiiya. Waa ta laynaga rabo run ahtii.
DAWLADA waxaan leeyahay leeyahay amniga qarankan idinka u xilsaaran waxaan idin dardaarmaya feejigan iyo xilkasnimo dheerada. Takale dadka shacabka la kashada oo xidhidhwanagsan iyo wacyigalin siiya muwaadiniintu inay ay nabad galyadooda ilshadan bara taas ayaa lagaga hortagi kara khatarkasta cadawgana loogu quusgooynkara.

Wa billahi tawfiiq.
Sland ha waarto.

Mustafe C/lahi Cumar-Leedo (Mukhtar)
mustafe49@hotmail.com
London UK