Waa Imika iyo Hasan greec oo aad ku taqaneen Tariikhaha Qaadimiga ah, Maantana waa Muuse Aaye faarax oo waligii Doobti Jiraay oo gabyi jiraay, ayaa waxaay Saxiib ahaayeen Yusuf Colaad Nin la odhan jiraay oo isna ahaa balaayo ka dhacdaay, lawada yaqanaay, waa yusuf Colaad oo aay ilmadeer ahaayeen Xarbi ismaciil Ninkii la odhan jiraay oo isna ahaa nin aan loo soo dhawaan xaga gabayaadaah, Xarbi waxaay is xigeen ninkii la odhan jiraay Guleed, markaa Guleed ayaa waxaa uu gabaay Beri Muuse aaye, Isaga oo leh.
Nin Haduu walaan yahaay magaalo waa loo diriye
Alahayaaw miyaay wax ushegaan Wagashka Idoora.
Mrakaasa Muusena Yidhi Tobnaalaha Nimankii Sitaay ayaa Tabaay Dunidiiye Aleylehe waa Taaka layl Maansadu Tiryaay guleed
Muuse aaye wuxuu leyahaay gabayaa badan, Beribaa Muuse Aaye dawaldii Maxamed Siyaad Bare, uu tagaay, waa markii Dagaalkii Xabashida Iyo Somalida, ayuu Ninkii Muuse Aaye faarax, iyo yusuf colaad aay wada Qayleen Markaasa Ninkii Muuse Aaye uu ku canaantaay Yusuf colaad in aanaay Dagaalamin, oo Gobonimaduna aay Tahaay Dagaalka markaad donaayso xoriyad iyo in lagu qadariyo waa in aad dagaalantaa waana kii lahaa abwaan, Aduunyadaba Ma jiro nimaan Dagaalamin oo Doobi oo dhamayaah,waana kan gabaaygii uu ku jawabayaay Akhristayaal Muuse Aaye Faraax.
waxaanu yidhi: Waagii Guduutaba Niman yahaaw Guraaya Mayd been ah
Odayada Wargeyskaa Niman yahaaw Galabta Soo taagaay
Go, Balcada Niman yahaaw soo Xidhee Gaabsantana Haystaa
Maruunbaa La garan Haduu tuug gudo habeenkiiye
Hadaad Gobonimo Jeclaato Ama goocta Laabtaadu
Gurmad sidii Jabuutaa Dagaal loo gir giriyaayeeh
walee Geesh Afmishaar Noqdaay ayaan Gool ka
dhalin meele.
Walee laba Gacmoodshoow Anigu kama Guro sheeko.
Hadaba Nuxurka Qoraalku wuxuu udhacayaa Jeerooy Bulshadu colaad wax ka aragto, waaya arag Noqoto, ma noqdaan umad dagan oo wax qabsataah, Dagaalka Diinteena Suuban ee Xaniifka ahi waay Banaaysaay, marka aay duruufa Jiraan, Nin Jiraayna wuxuu Yidhi Dagaalantayaa, faraxdaayaah, Gob noqotayaah,Bal Qiyaas Umad 500 oo sano Dagaalamaaysaay, Sida Greec oo kale markaay Bershiya la dagalamaaysaay, maanta waa dawlad dhisan oo tariikh leh, Waxaan Gobonimada layidhaahdaana,lama iibsado, lamana baryo, lakiin waxaay ku xidhan tahaay in rafaadkeeda la maro dabadeedna midhaheeda la cuno sidii dhacdaay markaaynu la dagalanaay Maxamed Siyaad bare waa la dagalamaay Bur burbaa dhacaay waala qaxaay Hadafkeenina, waaynu gaadhnaay, markii danbena Hubkiibaaynu xareeynaay, Dawlad ayaaynu dhisanaayn, Dimuquradi ah, waxaa Maanta la malaayaana ee lagu degan yahaayna waa Duruufi cakirnaa ee loo dhabar adaaygaaay iyo halgamadii la soo maraay, Ehey weey iyo ciil iyo uurku taala ma joogno, Ilaahbaa Mahaadaa leh oo Abaal laagu hayaah, markaa hala Ogsonaado Gobonimo iyo waays Xigaan Geesa Dhiig lihi, Gobonimo iyo waay is Xigaan Xornimo, iyo waaya Aragnimo, kolaay waxaan uga dan lahaa gabaygaan muuse aaye iyo yusuf colaad, waxaay labada abwaan is dareensiinayaan, in hadii aay bulsho donaayso in aay Ciil jabaan, ama gumaaysi iska kiciyaan marka hore waa inaay ubadheedhaan durafaha qalafsan, ee ka hor imanaayaah, daacadna ka ahadaan xornimada aay donayaan dhabar adaygeedana mujiyaan. Waa Bilaahi tawfiiq
waa Anigoo Hasan Greec.