articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

MAANSADII DHAQAN DUMAY :ABWAAN C/NAASIR AXMED MUUSE
posted by:

Marka hore waxaan idiin soo dirayaa salaan qaali ah Bahada
Shabakaadda calamiga ah Ee Togaherernews thank u more &
Akhyaarta sharafta badan Ee somaliland
Maansadan waxaa layidhaahda Dhaqan Dumay
Waxaa midhaheeda curiyey ama sameeyay
Abwaanka sannaadka 2010
Abwaan cabdinaasir axmed muuse
“Cabdinaasir Macalin”
waxaa u ku sharaxaaya dhaqaanka la bedelay
sidan ayuu ku bilaabay,

Cirko dararay oo dufaano iyo
daafad soo kiciyeey
danbarsame mahiigan
oo xareed deexda ka cadeeyey
dooxi Togdheer oo dabaal
diriirig laynaaya iyo
diriir sagalo aan ahay iyo
danabadiisii
deelayda maansada
haddaan dacal ka siidhafo
anigoon dareemayn wareer
baan dal winayaa
dayrtiyo xagaagi horaan daayeey
gabaygii
see waxay dani ilee tahay
waa in aan dib ugu laabtaa,

Afarta intaan isku duwadaay
daw ma qabadsiiyeey
Afar kalana waa aniga iyo
daacad hadalkaayga
dulucdiyo ujeedada
waxaan dooda qabadsiiyeey
dalkeeno barwaaqo ah
oo nimcadu wada dulguurayso
dunyadda oo dhashay
oo xareed wada daliigaysa
daqa iyo geedaha isku
baxay ee darantu ay gadhay,

damashaad ciyaar badan
ayaa lagu ducaaysta
dadabtiyo ciyaaraha
barbaar wada dakeynaysa
Aqal dahyo weyn oo kab daha
dafta laga saray
xariirtuna dalaalimo u tahay
Quruxda dorkeeda
deerada ugaadhiyo
Libaax duuda wada joogo
oon dani iyo dhibataba la hayn
baa daayin soo jiray,

iminkana duflaalada dhaca
reebay duumade
waxaan daba socdaa
Maansaday deeqi lee Tahay
waxkastaba dariiqu lahaa
dacal ka sii dhaaf
dhaqaankii dalaysna ayaay
dalow ka tuuren
dar shalaayto soo baxay ayaa
logu dow galay
iminkana dihaalada dhacay iyo
abaar roobku damin waayeey
deegankan ku noolayn
dhiirti godinta loo daa
dunyadda ku foofta
kama hesho daaqa cowska leh
diriindiir sideedi ayay
xoolihii dirida joogaan
geela deercadkiisi ayaa
dadar la siistaa
bodaanta koortuna
bilaydh dananney weeyaan
Lo,du dalaashkii iyo malaha
dobi cano ah,

debada ku nool nahay xumaan
daris wadaagan
Timo dabasho daayoo
dhagihii bay ragg turayaan
darbiyada ka toosaan kuwii
Diinta loo dhigay
darogi iyo duraan bay caban
daayin manacay
Hablahii dahsoona
qurbuhu wuu uga sii daray
dimuqraaddi gaalada ayaay
kaga wax daayden
dulmi iyo xumaanaha batay
ayaa keenay dayrada
daayin waxaan baryayna inuu
daacadnimo nagu dabaala
Rabbigayoow nadaadihi adaa
daayinoo jiree.

Waa bilaahi tawfiiq
Jaw nabad

Abwaan cabdinaasir axmed muuse
“Cabdinaasir macalin”

E-mail naasirmacalin10@hotmail.com
maamulka s.y.n-Eu
guddoomiye ku xigeenka uruurka s.y.n-eu
thank u By