articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

XISBIGEE AYAAD CUKATAY????W/Q;XUSEEN BADMAAX
posted by:

Shacabka Somaliland waxa uu la mid noqday awrka gurgur.Waqtiyo adag,
jaran-jarooyin murugsan ayuu ka soo gudbay,wada tashi iyo isu tanaasul
ayuu ku gaadhay xasiloonida iyo nabada uu maanta ku laafyoonayo.

Allaah (SWT) ummad waliba sida ay isu gasho ayuu ugu abaal gudaa.
Hadii ummadi caasi noqoto oo Allaah ka fogaato ayadoo muslimiin ah
waxay ku danbaysaa nolol adag,abaaro,dagaalo iyo aafooyin xagga
Alle ka socda. Ummada ayadu wanaag ku dhaqanta ee fusuqa iyo
alle ka fogaanshuhu ku yaryahay barwaaqo ayay ku daanshootaa.

Hadaaba waxa markhaati ma doon ah shacabka Somaliland waqtigan
inuu xidhiidhka alle adkeeyay,aadna wadaniyiintu ku dadaalayaan ka
fogaanshaha xumaha.Taa ayaa u sahashay isku soo dhowaanshaha,
wada-tashiga iyo toosinta ay ku gaadheen samaynta xisbiyo qaran.
Loolanka iyo tartanka ka dhexeeya saddexda xisbi qaran waa arrin
muujinaya horumarka ay shacabkani gaadheen.Maantana waxa ay
isu diyaarinayaan inay codkooda ku doortaan hogaan khayr qaba
oo inta ka dhiman horumarka iyo aqoonsiga dalka gaadhsiiya.

Sidaa darteed ayuu shacabku ugu haraadanyahay inay doorasho
qabsadaan,si xaq ah,xor ah oo xalaal ah codkooda ugu hibeeyaan
cidii badi shacabka ka raali yahay.Loolankii xisbiyadu weli may bilaabmin,
komishankuna hawshii doorashada ayuu ku guda jiraa.

Waxa kale oo xisbiyada shacabku ka sugayeen inay soo bandhigaan
siyaasadooda u gaarka ah ee ay ugu talo galeen inay dalka ku
hogaamiyaan hadii ay doorashada ku guulaystaan. Balse tan maanta
xisbiga keli ah ee siyaasadiisa aayaha ee hogaamineed soo bandhigay
waa xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka (UCID). Waa barmaamij hufan,
kana duwan ka hada uu xisbiga UDUB dalka ku hogaamiyo. Waa
barmaamij lagu hanan karo horumarka dalka,waa barmaamij dhamaan
shacabka si buuxda u qanciyay.

Mar hadii xisbigaa UCID oo keli ahi barmaamajkiisii siyaasadeed shacabka
u soo bandhigay miyaanay kaga mudhin labada xisbi qaran ee kale.
Taasi waxay inoo moojinaysaa inuu uga lexo-jeclo badanyahay jiritaanka,
horumarka,iyo isbedelka siyaasadeedba labada xisbi ee kale.

Xaqiiqdii hadii aan beelo-beelo loo hadan xisbiga isbedel siyaasadeed
samayn karaa,muujiyayna waa xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka (UCID).
Shacabka Somaliland-na aragtida uu maanta isku raacsanyahay waa
taa.Waana xisbiga ka koray inuu aduun cod ku raadiyo ama balan-qaadyo
aan jirin. Cidii u damqanaysa dalkan aayatiinkiisu maanta way cadahay inuu
yahay xisbiga keeni kara isbedel siyaasadeed oo waxqabad cadaalad ku
salaysan waa UCID. Mana aha taasi mid maanta cidna ka qarsoon.

Hadaba muwaadin anigu waxa aan cugtay,baaran-deg qoto dheer kadib
xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee adigu xisbigee ayaad cugatay.

Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh.

Xuseen Badmaax
Hargeysa/Somaliland