articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

JAWAAB KU SOCOTA MAXAMED CUMAR SANWAA..W/Q:MAHAD NUUX MUUMIN
posted by:

Anigoo Ah Mahad Nuux Muumin Ahna Muwaadin Somalilander ah oo Fikradiisa U cabira Si dhex dhexaadnima ah, Ayaa waxaan U boogi wayaay Articleska Maxamed Cumar Sanwaa Runtii Sida uu wax Uqoraa waa si Anshax leh, oo Cidna ma Aflagadeeyo oo Inkastuu Yahaay Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee dalka Qatar, Hadaba Sanwaa Saxiib Xisbiga UDUB ee aad ka tirsan tahaay, Inaad Libintiisa Sheegto, Ma Xumo In Guulo aad gaadheen aad Sheegto, Intii Talada Dalka aad hayseen, lakiin Libinta oo dhan waxaad siisaay Madaxweyne Riyaale, Waxaanaad ka dhigtaay Madaxweynihii Geriyoodaay ee Ina Cigaal Madaxweyne Wax qabadkiisu Ku koobnaa Sameeyntii Distoorka oo kaliyaatah, Hadaba waxaan ku sheegaay Heerkii Loo Baahna In Madaxweyne Riyaale Gaadhsiiyo Dimuquraadiyada Wuu ka Gabiyaay, Dastuurkana Madaxweynuhu Maraar Badan ayuu Isaga laftiisu Jabiyaay, Ee Adiguu ka Sanwaa ahaan Buun Buuniso maaha oo Shacabkana aad Been usheegtaan, Waan Aragnaa Maanta Sida Xisbiyada Mucaaridku Aay Doraar wax Ku ool ah uga Ciyarayaan, Sidii aay Shacabka Xaqooda Ugu Dhicin Lahaayeen, Iyagana Ma wanaagsana Inaad Aflagadeeysoo oo aad ka DHigto, Qaar aan Lexejeclo ka lahaayn, Horumarka Dalka ee waxaan ku leyahaay Saxiib Xaqiiqda waa Inaad usoo daadeegtaa, waayo waaynu wada Ognahaay Maanta Dalkeenu inuu Ubahan yahaay Is badal dhinac walba leh Hadaay Tahaay Xaqa dhaqalaha, Xaga Dimuquradiyadaba,Mida kale Xukuumadu waxaay ku dhalilan tahaay Aqoonsigii Isreal Soo wado oo aanaay wax Jawaab ah ka Bixin. Hadii aay Isreal Dalbataay In Aay la sameeyso Dalkeena Xidhiidh Saxiibtinimo, In aad ka Jawaab Bixisaan ayaay ahaayd Hadaad Tihiin Xukuumada Ama aad Tidhaahdaan waanu Soo dhaweeynaay, ama aad Tiraahdaan, wakhtigan Diyaar uma Nihiin Xidhiidh Iyo Xafiis aan ka sameeysano Talapip.
Mahad Nuux Muumin
mahad_nuux09@hotmail.com
Pakistan Islamabad