Dhacdadii Dhagaxtuur
iyo
Maamule Ibraahim Cabdilaahi Saban
Horaantii sideetamaadkii waxaa sii kordhay oo xadhkaha goostay colaada ujeedada laheyd ee loo hayey bulshada ku dhaqan goboladii woqooyi.Waxaa batey xadhigii , dilkii ,dhacii hantidii guud iyo tu gaar loo lahaaba,iwm.Markay arini halkaa mareyso ayaa dadweynihii gobalada woqooyi ee ka koobnaa askar,saraakiil,barreyaal,ardey dhakhaatiir,ganacsato iwm ay si guud iyo si gaar ahba ugu hub qaateen wax ka qabashada hagardaamadaa joogtada noqotay .Waxaase aad u kala duwanaa siyaabaha loo waajahey wax ka qabashadaa.
Koox aqoonyahano isbaheysatey ayaa iyagu inay wax ka qabtaan u hawlgalay, maamulkii dawlada ee uu hogaanka u hayey dhiigyacab Gaani ayaa xididada u siibtay hawshaa samafaleed, una qorshaysay dil toogasho ah aqoonyahanadii.
Magaalada Hargeysa waxaa dhaqdhaqaaq dareeneed uga socday ardeyda dugsiyaddii magaalada Hargeysa sida dugsiga 26ka Juun.Ardeyda dhiganaysay dugsigani waxaa ka dhexeeyey heshiisyo qarsoodi ah . Cabdirisaaq Alpho oo markaa dhiganayey dugisigaa oo ka waramaya xidhiihdkaa ardeyda ka dhexeeyey ayaa yidhi: “Waxaanad arkaysay ardayda oo maalin walba iska waraysanaaya ururkii S.N.M iyo idaacaddii Radio Kulmis. Bishii November ee sanadkaasi, waa sideetan iyo kowdiiye ayaa waxaanu isugu nimi aqal ay lahaayeen Alla ha u naxariistee Cabdiraxiim Max”d Baaruud ( Bidhiidh ) oo ka mid ahaa ardaydaa lix iyo labaatanka juun, aqalkaasi oo ku yaalay National cinema-hii Hargaysa dushiisa ammaba ka danbeeyey dukaan uu lahaa nin lo odhan jiray Axmed Yuusuf (Axmed Dameer) iyada oo aan tiradayadu markaa hore badnayn, waxaanuna kaga wada hadallay sidii loo aasaasi lahaa urur ay ardaydu leedahay, kaasi oo si qarsoodi ah ula dagaalamaya dawladdii Kalidii taliyihii Siyaad Barre. Wakhtigaa waxaa socday qab-qabashadii ururkii aqoonyahanka ee UFFO, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen macalimiin wax ka dhigta dugsiyada sare halka qaar kalena ay wakhtigaa baxsadeen intii aan la qaban. Dhawr shir oo aanu ku yeelanay aqalkaasi kadibna waxaanu isla qaadanay inaanu samayno urur ay ardaydu leeyihiin kaasi oo aanu markaa ku magacawnay URURKA DHAQ-DHAQAAQA ARDAYDA SOOMAALIYEED loona soo Gaabin jiray S.S.M. Waxaanu bilawnay inaanu soo casuuno arday kale oo ka mid ahayd ardayda iskuulada kale iyo qaar iskuulkayaga ahaaba si ay noogala qayb qaataan dhismaha ururka iyo hawlihiisaba, waxaanay ardaydaanu soo Casuunay noqdeen qaar na yeelay oo nala qaatay ka qayb qaadashada ururkaa iyo qaar nagu diidayba”.
Haddaba waxaa warbixin lagu helay in bishii Febraayo 20keeda,1982 la keenayo maxkamada Hargeysa aqoonyahanadii samofalayaasha .Sidaa darteed ayaa ardeydii ku heshiiyeen in loo hiiliyo aqoonyahanadaa lana tago maxkamada maalintaa, kuwa ka qayb qaateyna waxaa kaalin la taaban karo kaga jiray kana mid ahaa ardeydaa dugsiga 26ka Juun.Xilligaa waxaa maamule ka ahaa mudane Ibraahin Cabdilaahi Saban. Bahda mareegta farshaxan waxaa u suurtogashey inay xidhiidh la yeeshaan isagoo jooga magaalo madaxda wadanaka Soomaaliland,waxaanu yidhi isagoo ka waramaya xaaladii dugsigaa wuxuu yidhi: “Dugsiga waxa loogu magaca daray maalintii Somaliland ka xoroowdey Boqortoyada Ingiriiska,xaalada dugsiguna waxay ahayd mid cakiran oo
dugsiga waxaa ku sugnaa ciidamo ku hubaysan qoryaha BKM oo degan ka soo horjeedkiisa,nin sarkaal nabad sugida ah ayaa lagu soo meeleeyay dugsiga,
badhasaabka gobolkuna intuu yimaado ayuu hoos fadhiisan jiray geed xafiisyada ku horyaal,sidoo kale waxaa iman jiray oo kormaed guud dugsiga ku samayn jiray
odayaal ka tirsan degmada Hargeysa kuna Magacaabnaa gudi kormeer, wakhtigaana waxa taagnaa dareenka xadhiga muwaadiniin lagu qabtey Hawl Fiican oo ay ka qaabteen Cusbitaalka Hargeisa ,”.
Mar kale isagoo maamule Ibraahin Cabdilaahi Saban ka waramaya xidhiihdka ka dhexeeyey ardeyda dhexdooda ayna la wadaageen bareeyaashii ayuu yidhi: “1982 macalimiintu waxay ahayen niman leh farsamo aqooneed , hasa yeeshee markaan ku saleeyo xaalada dugsiga waxa ahayd meel dhexaaad, ardeydua waxay baahi wayn u qabeen buugaag iyo qalab waxbarasho, waxaa kalooy ardeydu tabanayeen xaalad nabadeed inay helaan, macalimiintuna waxay tabanayeen kana xumaayeen ciidamada dugsiga ku xeeran iyagoo hubaysan, xidhiidhka macalimiinta iyo ardeyda ka dhexeeyayna wuxuu ahaa mid fiican”.
Dugsigu waa dugsiga 26ka Juun oo dhinaca woqooyi ka xiga dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa.Waxaa dugsigaa loogu magacdarey maalintii xornimada la duudsiyey ummada Soomaliland ay ka qaadatey gumaysigii Ingiriiska.Dagaaladii 77kii ayaa waxaa dugsigaa loo badaley inuu noqdo meel lagu dhaqaaleeyo,daweeyo iyo xanaaneeyo dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi.
Dugsiga waxaa had iyo jeer joogi jiray askar iyo ciidanka nabad sugida.Waxaa xusid mudan mar uu dhacdo dhex martay mudane IBraahin iyo taliyihii nabad sugida ee xilligaa ,aanu Ibraahin la wadaagay bahda mareegta Farshaxan ,waxaanu yidhi: “Dhacdadii ugu horeysay dugsigu waxay aheyd gidaar ka mid ah gidaarada dugsiga ayaa lagu sawiray Kartoon ah Afweyne oo la laadayo laguna tuuray Kaariyoone ,ayna ku qoran tahay “Guul SNM iyo Hoog Faqash” , markaa taliyihii Nabadsugida ayaa I waydiiyey cida sawirtey waxaanan ugu jawaabey “Taliye Weydii Ciidanka Dugsiga ku xeeran””. Tani waxay muuinaysaa dhiiranaanta maamule Ibraahin iyo qaabka wanaagsan ee uu isku difaacay.
Dareenka mideeyey ardeyga iyo maamulka ayaa keeayey inay ardeydu fursad u helaan fulinta hawlahooda. Maamulka oo ardeydana u suuryo dheeraynayey, dawladana u dabaal joogtaynayey ayaa warwar badan ku haysay maamulkii dawlada oo dhan ay wax u qaadaan garan la’aa .Maamule Ibraahin o ka warmaya maalintaa dhagaxtuurka ayaa yidhi: “Maalintii Dhagaxtuurka waxaan joogay Cusbitaalka oon ku booqdey qof xanuunsanaya taasoo ardeyduna u baxdey Nusasaacihii , Ardeyda oo xidhiidh midaysani ka dhexeeyay darteed (Inamo iyo Gabadhana u talaben SNM) ayaa maalintii muwaadiniintii (aqoonyahandii) la qabtey ee xidhnaa Maxkamada la keenay ayay si wada jir ah ardeydu u banana baxeen”.
Qoraalkani wuxuu ku sargo’an yahay ka waranka maamulihii dugsigaa maalintii dhagaxtuurku dhacey iyo sidii uu halgankaa uga qayb galeen ardey,macalimiin iyo maamuleba.Taasoo inagu khasbaysa iaynu wax ka ogaano taariikh nololeedkii maamulahaa.
Maamule Ibraahim Cabdilaahi Saban wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa ee gobolka Maroodi jeex xilli ku beegnayd 1945.Waxaanu ku barbaarey isla magaaladaa. Wuxuu dugsigiisii hosse ku soo qaatey dugsiga Sh.bashiir eek u yaala hargeysa 1954 ilaa 1957.Halka uu dugsigii dhexe u ku qaatey Axmed guray oo barigaa la odhan jiray Sykes Thompson Intermediate School 1957 ilaa 1961.
Ka dib wuxuu u digorogtay inuu ka mid noqdo ardeydii ku xerootay dugsigii camuud ee ku yaala magaalada Boorama ee gobolka Awdal iminkana ah Jaamicada Camuud. Wuxuu ku biiray ardeyda qaybta tababarka barenimo loo igmadey 1961 ilaa 1962.
Ibraahim markaa ka dib wuxuu bilaabay inuu u hawlgalo fulinta hawshii loo igmadey ee macalinimada .Waxaanu Ibraahin fursad u yeeshay inuu soosaaro aqoonyahano badan oo manta dalalka dadka af-soomaliga ku hadla aad looga yaqaano lana tixgeliyo.Waxaa kaloo uu fursad u helay inuu degmooyin iyo magaalooyin badan ka hawlgaley. Tani waxay siisay waayo aragnimo dheeraad ah oo ku salaysan degaanadaa kala duwan iyo hab dhaqankooga .
Markaa ardaydii nasiib u heshay inuu Maamule Ibraahin u noqdo Barre tilmaamayaan , waxay sugaan inuu yahay nin degan, aad ugu fiican dhageysiga , dhiiiran marka looga baahdo gole dirireed, aan ka gaban jirin qolyihii askarta iyo sirdoonka lagu sunti jiray.
Waxaa kalooy tilaameen inuu awood u leeyahay kasbashada dareenkiisa iyo fulinta xilkiisa sida ugu buuxda .
Dugsiyada uu Maamule Ibraahin wax ka soo dhigay waxay kala ahaayeen: Dugsiga Hoose Ee Caynaba,Dugsiga Hoose Iyo ka Dhexeba ee Lascanod, Dugsiyada Hoose Iyo ka Dhexeba ee Burco,Dugsiyada Sare ee Faarax Oomaar, Dugsiyada Sare ee 26 june,Dugsiga Dhexe ee Sheekh Madar oo la odhan jirey(Eurupean School ),Dugsiga Hoose ee Wada Bariis,Dugsiga Hoose/dhexe ee Biyo Dhacay, Dugsiga Dhexe Ee Gebiley,Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Jowhar,Dugsiga Dhexe ee Boorama,iyo Dugsiga Sare ee Badda iyo Kaluunka.
Maamule Ibraahin Cabdilaahi Saban in badan ayuu ahaa barre , sida kor ku xusan uu ka soo kala shaqeeyey dugsiyo badan.Wuxuu maamule Ibraahin dhigi jiray maadooyinka kala ahaa Taariikhda, Juqraafiga, Civics Iyo Ingiriisiga.
Waxaa kaloo Maamule Ibraahin aad loogu yaqaanaa inuu macalinimada ka sokow ka noqday maamule dugsiyo badan oo isugu jira hoose,dhexe, iyo sareba. Waxaanu maamule ka soo noqday dugisyada
ugsiga Hoose ee Sheekh Madar, Dugsiga Sare ee 26 ka June,Dugsiga Hoose Wadabariis, Dugsiga Dhexe ee Biyo Dhacay iyo ka Hooseba
Waxaase mudnaanta halkan aan ku siinaynaa in kacdoon dheeraada laga dareemay gobolada woqooyi xilliyadii ka danbeysay dabayaaqadii todobaatanaadkii .Xilliyada waxaa sii kordhay dareenka feejigan ee bulshada reer woqooyigu (iminka wadanka Somaliland) ugu hawlanaanyeen ka horimaadka nidaamkii ku fashilmay inuu dayactiro dantii guud , tii gaarna damacba ka galey. Waxaanaey arintu bishii April 1981kii isku dubadhacdey inay ku dhawaaqaan ururkii dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed.
DIRIRTAAN GINGIMAY
MAALINTII DHAGUXU GUUXAAYEY,
JUUN IYO MAALINTII GACAN LIBAAX,
GAADHKA LAGU MEERSHAY,
OOMAAR DAHRAARTUU GURMADAY,
GUMUCA JIIDHAAYEY,
MAXAMUUD DHARAARTUU GANBIYEY,
WEERAR IYO GAADMO,
WACDARAHA DHARAARTAAN GAYSAYEY,
GUBATAU WAANWAANI.
CABDIRISAAQ ALPHO.
Dhacdadaa taariikhda mudani waxay ku noqotay nidaamkii Siyaad Barre dhuun hunguriga u gashey ,waxaaney bilaabeen inay isku dayaan daminka holocaa bulshadu hageyso. Maalmahaas oo ku beegan horaantii 1982 ayaa loo badaley Ibraahin inuu maamule ka noqdo dugsiga sare ee 26ka Juun ee magaalada Haregysa.
Maamule Ibraahin wuxuu degan yahay haatan magaalada Hargeysa . Maamule Ibraahin iyo marwada u dhaxdey wuxuu Ilaahay ku galadeystay todobba caruur ah.
Waxaa qoraalkani inuu hirgalo suurtogaliyey bahda mareegta Farshaxan siiba Xasan Maxamed Cabdi oo kaalin wax ku ool ah ka qaatey qoraalkani ,isaga la’aantiina aanu hirgaleen.waxaa kaloo amaan iyo mahadnaqba naga mudan Mudane Ibraahin oo si xilkasnimo leh ka yeelay markii lala soo qaadey qoraalkani iyo waydiimihii la hordhigayba.
Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegta Farshaxan