UCID PARTY
XISBIGA CADAALADA IYO DARYEELKA
UCIDي
DATE:20/2/2010
WAR- SAXAAFADEED
XISBIGA CADAALA IYO DARYEELKA EE UCID waxa uu manta warsaaxaafadeedkiisan ku soo qaadanayaa qabanqaabada soo dhawaynta gudoomiyaha
Xisbiga UCID ENG.FAISAL ALI WARABAE
Saddexdii wiig(week) ee ugu danbeeyay waxa xisbiga UCID dhamaan xubnaha gudida fulinta iyo g/dhexeba ku mashquulsanaayeen qabanqaabad soo dhawaynta gudoomiyaha .
Haddaba waxa lala socod siinayaa dhamaan taageeraayaashaa xisbiga UCID iyo dadweynaha faraha badan ee reer Hargaysa ee u diyaar garooway soo dhawaynta gudoomiyaha xisbiga UCID in uu gudoomiyuhu dib udhacay ,
Isla markaana uu imana doono inshaa allaahu maalinta salaasada ah ee ay bishu tahay 23/2/2010, halkii uu markii hore qorshuhu ahaa in uu imaado isniinta oo ay bishu tahay 22/2/2010.
Mar labad waxaanu xisbi ahaan aad u mahad naqaynaa shacbi waynaha reer soomaaliland iyo taageerayaasha xisdbiga UCID ee aadKA ugu mashquulsan soo dhawaynta gudoomiyaha xisbiga UCID eng, faisal ali warabe
Waxaanu mar labad shacbiga reer soomaliland iyo taageerayaasha xisbiga UCID ba ku war galinaynaa in ay isugu soo baxaan soo dhawayta gudoomiyaha maalinta salaasada ah ee ay bishu tahay 23/2/2010 saacduna tahay 10:00AM subaxnimo inshaa allaahu tacaalaa.
Wabilaahi tawfiiq
Xoghayaha warfaafinta iyo saxaafada ee xsibiga ucid
Md,cabdinaasir yuusuf cismaan (qodax)