Dhacdadii Dhagaxtuur
iyo
Dr.Maxamuud Sh.Xasan Taani:
National Shame by Somaliland Scholar Amina Adan
Dhacdada dhagaxtuur marka lays yidhaa ka warama waxaa lagama maarmaan noqonaysa in laga waramo dhalintii samafalayaasha ahaa ee ku hawlgalayey hal ku dhigii “Iskaa Wax U Qabso”. Dhalintani iyagoo markaa ku soo noqday goboladii woqooyi kana soo kala hayaamey dibadaha iyo koonfurtii Soomaaliya( iminka ah wadanka Soomaaliya) ayey u adkeysan waayeen xaaladii uu dalku ku jiray markaa.
Bahda mareegta Farshaxan waxay raadisay aqoonyahanadaa si aynu wax uga ogaano dareenkoogii markaa iyo falcelintoodiiba. Iyadoo gu’ kasta mareegtani wareysi la beegsata mid ka mid ah aqoonyahanadaa ayaa waxaa gu’gan khadka telefoonka lala beegsadey Dr. Maxamuud Sh. Xasan Taani.
Dr. Maxamuud wuxuu ka mid ahaa kooxdii dhakhaatiirta aheyd ee ka hawlgaleysay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan qaybta caruurta.Bahda mareegta Farshaxan waxay u soo bandhigtay waydiimo aqoonyahankaa , isaguna si warbixineed ayuu uga warceliyey.
Waxaa mudnaanta leh marka hore inaynu wax ka ogaano xaaladda xilligaa lagu jiray.Dr. Maxamuud wuxuu aad u taabtey xaalada waxbarasho, caafimaad iyo nabadgalyo ee goboladii woqooyi xilligaa ku jireen .Dr.Maxamuud oo arintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi : “Xaaladda dalku aad bey u xumeyd xilligaa. Xagga waxbarasho waxay aheyd meel iskuulada oo ay giddi dawladu gacanta ku heyso aad loo dayacay. Qalab ahaan waxaad moodaysey in aan waxba lagu soo kordhin intii xukunka military joogay oo xitaa tabaashiirtaa cidhiidhi ku jirtey. Kursi iyo miisna wax wada jaban bey ahaayeen. Macalimiinta oo aan mushahar ku filan laheyn iyo tacliintii oo inta afsomali laga dhigay aan wax library(qol kayd buuggeed) iyo reference (tixraac) ardeygu aanu afgaraneynba”.
Kol haddii uu dhakhtar ahaa wxuu Dr.Maxamuud raaciyey intaa warbixin ku saabsaneyd xaalada caafimaad waxaanu yidhi: “Xagga caafimaadka waxa jirey dawo la’aan aan xagga Hargeysa iyo wixii Somaliland ahba aan waxba loo soo diri jirin. Waxaanu waayi jirney dawo yar oo dhiiga lagu eego in uu yahay A amb B amba qeybta kale oo uu yahay si dumarka umulaya ama dadka la qalayo loogu shubo dhiig noociisa ah si aanu ka kale ugu sumoobin. Insulin yar oo macaanka lagu dajiyo ayaa inta la waayo loo dhiman jirey. Shaqaalahii nadaafadu lacag la’aan bey iskaga wada tageen. Leydhka magaaladu aad buu u xumaa habeen walba iyadoo dumarku dhalayaan buu dami jirey. Meel kadeedan uun iga dheh.Xagga nabadgelyada meeshu iska kawaan dad lagu gawraco bey iska aheyd. Ilaa bishii April sideetankii ilaa aakhirkii kaw iyo sideetankii markii nala xidhey waxa lagu toogtay Hargeysa oo kaliya inta aan xasuusto 14 qof oo la yidhi lacag bey cuneen,11 qof oo la yidhi waxay ka caasi garoobeen jabhadda Somali-Galbeed , 25 qof oo la yidhi Gorayo Cawl bey soo weerareen, 6 sarkaal oo la yidhi Afweyne ayey diyaardiisii soo ridayeen .Waxaa faraha ka batey oo tiro beelay inta kale ee mid midka aheyd. Taas baad ka qiyaas qaadan karta sida nabadgelyadu aheyd”.
Waydiinta kale ee imanaysaa waxay noqonaysaa markan siday u suurtogashey in aqoonyahanadaa oo dhakhaatiir,barreyaal, ganacsato, iwm ka koobnaa ay dareen isku mid ah ka yeeshaan xaalada goboladii woqooyi marayeen, waliba falcelin midaysan ka yeeshaan. Dr. Maxamuud oo inooga waramayaa siday arintaasi ku dhacdeyna wuxuu yidhi: “Koley waxaanu aheyn dad is wada yaqaaney ilaa yaraantii badi ama dugsiyadii Camuud iyo Sheekh isu soo wada gaaadhey ama isu gado iyo xaafadoba ahaa. Markaa ninba meel uu ka yimaadaba waxa aanu isugu nimid Hargeysa dhamaadkii todobaatanadii ilaa bilawgii sideetanadii, dabadeedeedna hawl baa na wada waajahdey,dareen midaysana wuu na wada saameeyey.Waxaaney talo ku soo biyo shubatey sidii dawlad xumada wax looga qaban lahaa ileyn raqba waa ku raggeedee”.
Dhalintani waxay ahaayeen samafalayaan ku hawlgalay halkudhegii “Iskaa Wax U Qabso”, hase yeeshee dadweynaha Waxay ugu suntanaayeen dhalintii UFFO, dhinaca dawladiina eedaysayna waxay ugu suntanaayeen Ragga u dhashey Magaalada “RUDM”. Haddaba waxaa mudan in layswaydiiyo magaca UFFO siduu ku yimid. Dr. Maxamuud oo u gaalaabixiyey si uu inooga waramo harinita ayaa yidhi: “Magaca UFFO waxa la weydiin karaa uun Maxamed Baaruud iyo Axmed Jabane”.
Kol haddii uu dareen midaysani kulmiyey waxaa maangal ah in la helo goobo iyo kulamo lagu gorfeeyo sidii loo fulin lahaa daboolista baylahda bulsheed. Sida laga warqabo waxaa jiray kulamo dhawr ah, qaarkoodna ay ka dhaceen guriga Xasan Cabdilaahi Cali “Ceelgeeye”.Dr. Maxamuud Taani oo arintaa taabtaabteyna wuxuu yidhi: “Taa ma xasuusan karo oo wax kulan rasmi ahi ma jirin inta badan ee waxay u badneyd gorfeyn waqti qaad ama meel la fadhiyo. Laakiin wax aad tilmaan u leh arooskii Maxamed Baaruud oo dadka iskugu yimi fadhigii ay aad u badnaayeen deeqdii ugu horeysey ee isbitaakana lagu yaboohay”.
Waxaa markaa hawsha “Iskaa Wax u Qabso” la gudogalayo joogay magaalada Hargeysa gu’gii 1981 oo yimid wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Axmed Maxamuud Faarah (ina Laxwas) ayna wafdigaa ka mid ahaayeen rag badan oo maanta siyaasada Somaliland ka muuqda sida Axmed maxamed Siilaanyo , kulano dhawr ahna ay la yeesheen dadweynaha deganaa goboladaa.
Hawshaa markay u gudagaleen ee dhakhtarkii uu ka muuqday isbadal la taaban karo ayaa argagax weyni ku dhacey maamulkii dawladii uu hogaanka u hayey Gaani. Waxaa la sheegay in maamulka gobolka iyo degaankuba bogaadiyeen hawsha ay qabteen aqoonyahanadani. Hase yeeshee Dr.Maxamuud oo ka waramayey waxaa dhaliyey argagaxaa markii danbe keensadey in ay xadhig dheer galaan ayaa wuxuu yidhi : “Dawladda waxa ka argagixiyay hadalkii aanu ku nidhi labada mas’uul ee ka socday Siyaad Barre kalana ahaa Ina Laxwas iyo Siilanyo.waxaa kaloo didmo ku riday nadiifintii iyo hagaajintii isbitaalka oo isla markiiba bilaabantay”.
Xafiiska nabadsugida waxaa taliye ka ahaa xilligay aqoonyahanadii ku soo noqonayeen gobolada Cabdiraxmaan Cali Baranbaro(IHUN). Waxaa ka jiray magaalada Washington ee cariga Maraykanka shir la rabay in dawlada Mareykanka lagala hadlo sidii ay u isticmaali laheyd meelihii ay baneysay dawladii Ruushku, gaar ahaan saldhiga weyn ee ku yaala magaalada Berbera. Dawladii Ina Siyaad waxay markaa qorsheysay wafti balaaadhan oo aqoonyahano u badan loona baahdey inuu Cabdiraxmaan Cali Baranbaro (IHUN) ka qaybgalo, waxaana xilkiisii ku sii simayey Daahir Riyaale Kaahin oo markaa haytsay laanta socdaalka.
Wuxuu shil l aqorsheeyey Cabdiraxmaan Cali Baranbaro(IHUN) ku dhintay bishii Juun 20, 1981 kuna beegnaan karta inay ahayd dhawr todobaad bishii Ramadan ka dib. Markaa waxuu joogey Hargeysa oo waxaa looga yeedhay Xamar oo Afweyne iyo maamulkiisa baa soo kala dhex geli jirey isaga iyo Gaani oo gudbiyey inaanu ka fulin karin qorshihiisa Cabriraxmaan joogitissa dartii, waxaanu aad uga caban jirey oo odhan jirey shaqadooda ayuu ka hortaaganyahay..
Cabdriaxmaan intaanu tegin reerkiisii intii joogtay xamar wuxuu u soo raray Hargeysa markaa wuu qabey dareen . Takale laba goor oo hore ayaa Cabdiraxmaan shirqool loo dhigay ka badbaadey dee tii sadexaad ayaanu ka bedbaadin.
Waxaa kaloo jirtay in raadyowga Xamar laga sheegay in Cabdriaxmaan geeridiisii ka dib laga dhigay General. Waxay sidaa malaha u sameeyeen ku daboolaan qorshahooga aan qarsoonayn.
Waxaa xilligaa ku adkaatey Gaani inuu dhexgali karo aqoonyahanadan dareenka kaliya wada leh.Wuxuuse hawl fudayd dareemay markii uu rogaal celis ku sameeyey xusuustiisaa iyo waayihii Baydhabo. Waxaanu u baahdey inuu xidhiihdkii isaga iyo Faysal Cali waraabe ka dhexeeyey hawlgaliyo.
Waxaa arintoodii iskugu soo biyo shubatey in la xidho aqoonyanadaa,loona qabto garyaqaano.Waxaanu sheegay Dr. Maxamuud in maalintii hore laba garyaqaan uun ay joogeen Hargeysa oo waalidiintoodu kala qaadanayeen Xusseen Bile iyo Faysal Xaaji Jaama(IHUN),laakiin dhagaxtuurka ka bacdi baa dad reer Somaliland ahi Xamar ka soo direen afar garyaqaan oo kale. Markaa Ismaciil Jimcaale ayuu doortay Dr. Maxamuud markii ay garyaqaanadu halkii ay ku xidhnaayeen yimaadeen.
Waxaa la garan karaa in dadka iyo aduunweynaha loo soo bandhigay qaab dacwadeed inuu ka hirgalayo oo aqoonyahanad fursad loo siinayo inay is difaacaan , hase yeeshee DR. Maxamuud oo taabtaabtey qaabkey u dhaceysay dacwadaasi wuxuu yidhi: “
Dacwadu iska “XUKUN QARQOOSH BEY AHEYD”, xitaa garyaqaanadii waxay yidhaahdeen meeshan xukunka Afweyne baa soo amray ee anagu hadalkayagu wax natiijada uu ka bedelayaa ma jirto, ee waa iska samirsiis.”
Waxaa la dqaremi karaa in dhalinyaradani ay ku jireen da’dii ugu mudnayd ee qofku aqoontiisa kaga midho dhalinayey , kagana nastay dadaalkii ardeynimo ,iwm. Aqoonyahanadi waxay markaa la kulmeen dhalinyaro caarcaarin ku habsatey ooy ay god madoow weheshadeen cayayaanka. Dr Maxamuud oo dib u jaleecay waayahaa oo mudan qoraalo dheeraadaa ayaa si kooban u yihdi: “Jeelka sheekadiisu waa dheertahay ee bal waxaad ka fikir taa qol madow, kalidaa adiga oo ka soo toosaya lix sano wax ka badan,dibadna aan arkeyn ,dadna aan arkeyn ,warna aan maqleyn in bari lagu dili doonana aan ogeyn”.
Kol haddaan ka waraney dhacdadaa taariikhda laheyd iyo Dr. Maxamuud Sh.Xasan Taani ogaalkiis, waxaa mudan inaynu ka warano taariikh nololeedkii aqoonyahankan xilligii uu goosan lahaa midhihii aqoontiisaa ee uu ku ladi lahaa mushaharkii la siinayey iyo isticmaalka aqoontiisii dhakhtarnimaba u sadqeeyey horumarka wax ka qabashada danta guud ee bulshoweynta Somaliland.
Aabo Sh. Xasan Taani iyo hooyo Maryan Beegsi waxaa ugu dhashey magaalada Awaare wiil ay ugu wanqaleen Maxamuud gu’gii 1953. Wuxuu dugisaga hoose ka galay magaalada Caynaba 1961 ,dugsiga dhexena ka galay magaalada Gabiley 1964 ilaa uu dhameeyey gu’gii 1967, halka uu dugsiga sare ka bilaabay magaalada Boorama 67-70. Wuxuuna dugsigiisii sare ku dhameeyey Faarax Oomaar 70-1972. Xilli ku beegnayd gu’gii 73 ayuu galay kuliyada caafimaadka ee jaamicadii Ummada kana qalinjabiyey gu’gii 1978. Wuxuu yimid magaalada Hargeysa ee caasimada wadanka Somaliland isla gu’gaa 1978ki kana hawlgalay dhakhtarka Hargeysa qaybta caruurta ,waxaa kaluu isuduwewadaag ka ahaaa hawlgalka ka hortaga cudurka juudaanka oo ay la wadeen dhakhaatiir Talyaani ahi…
Waxaa xabsiga loo taxaabey bishii Nofember 1981.Wuxuu galay xabsiyo kala duwan ,inkastuu mudada ugu badan ku qaatey xabsiga 20 jiroow.Waxaana la soo daayey bishii Maarso 1989.
Markii la soo daayey wuxuu u socdaalay wadanka Simbabwe oo ku sugnaa muddo ku dahw saddex bilood ,isagoo markaa ka dib u soo hayaamay dhinacaa Maraykana. Waqtigaa uu Dr. Maxamuud soo gaadhey caro Maraykan iyo wuxuu ku soo ku beegmay shir ay soo qabanqaabisay National Academic of Science.Hay’adani markii ay aqoonyahanadu xidhnaayeen dadaalkeedu muu yareyn, culays badana way saartey dawladii Afweyne ka dib markay aduunka u soo bandhigeen in goboladii woqooyi laga wada oyole lagu gumaadayo aqoonyahanada. Waxaa markaa martiqaad rasmi ah u fidiyey Dr. Axmed Ciise oo waliba suurtoglaiye inuu Dr.Maxamed ka jeediyo khudbad dheer oo ka warameysay waayihii ay soo mareen, hawshii samafaleed eey wadeen , sidii loo dhidibada siibay, iyosii dayntoodii. Shirkaa waxaa maansada aan qoraalkan ku bilawnay ee la yaabka leh ka tirisay aqoonyahan Aamina Aadan Yaaxeen, oo qoladii qabanqaabisay shirkuna ee National Academic of Science ugu mahadnaqeen sida uu u dareenkooga u sameeyey .mahadnaqaasina waa ka ku ladhan qoraalkan.
Waxaa kaloo xusid mudan in maalmahaa la qabanqaabiyey shir lagaga wada hadlayey aayaha danbe ee Soomaliya ina Siyaad dabadeed oo rag ay ka mid ahaayeen Siciid Samater iyo Cali Khaliif hogaanka u hayeen in dawlada manifessto la taageero, waxaase hal bacaad lagu lisay ka dhigay aqoonyahanadii reer Somaliland ee shirkaa ka soo qayb galay kana cadeeyey halkaa in jabhadihii soo halgamey ay xaq u leeyihiin aayatashigaa, aanay mudnayn nin iska raaxeysanayey markii halganka lagu jiray inuu kurka soo taago maantoo kale .
Dr.Maxamuud haatan wuxuu degan yahay cariga Kanada . Dr. Maxamuud wuxuu leeyahay saddex caruur ah iyo xaas ah.Qoraalkanina waa qirid ay jiilasha kala duwan ee Somaliland ku xusi doonaan taariikh halgameedka ee la soo maray iyo samafalkii aqoonyahanadaa.
Xadhiga aqoonyahanadan oo hiil weyn ka helay ardeydii dhagaxa hub ahaan u ciidansadey ayaa guulahooga qaar ka mid ah markiiba la gaadhey sida bahda mareegta Farshaxan la wadaagay aqoonyahan Dr.maxamuud isagoo yidhi:“ Markaa sida aanu markii danbe maqalney dhagax-tuurkii baa ku kalifey in la bedelo ciqaabtii dilkii oo Afweyne ayaa soo faray Ina Saleeban Dafle una sheegay inuu America tagayo rabina in ay madaxweynihii Maraykanka xilligaa ee Reagan iyo taliyihii ciidamada maraykanu ku odhan ma labaataneeye nin baad soo toogateyoo aad doonaysaa in aad noo timaado, sidaa darted dadka iga daji oo ciqaabta dilka ha la baajiyo si dhagaxtuurka loo yareeyo anigana ay iigu suurta gasho in aan Maraykan tago”.
La soco qaybaha danbe
Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan