WADARA YAHAY GAR DARANAA, WIILKU SOO INDHO CADAA! !!W/Q;ABDI SHOTALY
posted by: Togaherer Team
WADARA YAHAY GAR DARANAA, WIILKU SOO INDHO CADAA!
Dacawada baa waxa la yidhi waxay is hoos taagtay geeka dheer oo oo neef bakhtiyey lagu laalay oo xataa haddii ay si walba sare ugu boodo ama ruxdo aanay gaadhayn, wax ugu soo dhacayaana aanay jirin, dabeed markii ay ka quusatay in aan wax ugu soo naasi cadi halkan ugu muuqan, bay iyada oo sii jaleecaysa bal in ay dabaylina soo rido bay luudis dhaqaaq-joogsi ah kolba raaf marka ay qaado dib ugu soo jeesataa, aakhirkii markay aragtay in uu wakhtigu kaga halaabaayo meeshan baa ay tidhi uf neefka hilib-kisuba wuu soo urayaa ee maxaa i dul dhigay, miyaan waxa kale raadsado oo ay cay ku biloowday, ta maanta uu xusbiyada mucaaridka ah kolba mid uu carabka ula dhacayaana wax kale maaha ee waa ufta sare ku qoran, waxanse odhan lahaa ku qariyey, qariyey ee gun cad ninkii la yidhi baad tahay, waxan u malaynayaa in mingiste uu kala maqan yahay maanka iyo madaxu, oo uu joogo wakhtigii uu dadku fasaxa ahaa ee laga maadsan jiray, waxana aan laga qori jirin marka aad eegto dharaqanka ka soo hadhay ee uu kolba derbi isku qaadaayo, daraad waxay ahayd markii uu guudka uga baxay xusbiga ucid iyo faysal cali waraabe, maanta siilaanyo oo ah kii xoreeyey kuwa uu daba ordaayo waxa u geeyey maaha waali iyo miyir qabtoona ee waa micne la’aan ay la martay, iyo isaga oo iska bartay in uu kolba nin afka la dhaco, waase nasiib daro in uu ilaa imika cidla jafaayo wuxu ka dhigan yahay nin inta uu gudin xagaaf ( rawis) qaatay kayn is kala dhex galay,isaga oo tijabinaaya bai i ay wax u gooso, kana wax iska dheh baa dishay bal in wax aad ku heshid.
Waxa la yidhi dadka madaxa ku socdaa kuwa cagaha ku socda bay la yaabaan, waxase maanta jira qaar aan ahayn labadaas midna oo inta ay labaddii gacmood dhulka dhigeen, cirka cagahii u taagay oo madaxii hooseeyo dhulka-na aan ku hayn, id kastana la yaaba, wax u sheegna ka malafan, oo qumane qoorta iskaga sita, waana kuwa ina hor yaacaaya, inana aynu u haysano in ay dhego la’yihiin, noocaas oo ay ka tahay talo-ba canaad baan ka aqaanaa buu wadaadkan aan halkan ku magacaabay uu u sii yahay horseed, oo sahan u soo dirtay in uu ku soo dhaweeyo ifka marka ay soo gaadhaan, waxa u caado noqotay in uu xusbiyada mucaaridka ah uu kula galgasho bursh wisikh leh oo loo soo dhiibay, mase ay u soo sheegin sida iyo qaabka uu u isticmaalaayo in uu isagu is mariyana u dhoow marku sinaba u saari waayo, waxana muuqata in uu haysto dhinacii timaha lahaa ee loogu talo galay in rinjiga la geliyo, halkii la qabsan lahaana uu ku dhamooqay rinjigii iyaba waayaabe, taas oo ah alloow iga gee wax u garan maayo’e, siilaanyo maaha ninkii aad odhan lahayd wuxu kala garan la’ yahay donnald pay iyo obaama ee afku yuu ku cadaane ka istaaq-furalayso, waxa aan lagu dhawaaqin oo laga xishoodo baa jira’e, hadaanse su’aal ku waydiiyo meesha ku jirta, ma adiga bay kursi kugu la doodayaan labada xaaji mucaarid ee siilaanyo iyo faysal? halkaad kala qaaday? maxayse kaa haystaan? mase filaysaa in ay la qastaan? aduunkan aynu dul joogno casrigan isaga ah wax waliba way ka dhacaan mingistana waa ka mid ee ha iska ceesho, bal haduu sidaas wax ku helaayo xaajigan kursigu waalay.
* N.B Cadaade wixii caleen baxay,
abdi-shotaly,