articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

SIDEE BAAN ILAAHAY UGU DHAWAADAA…W/Q:XUSEN SULUB
posted by:

SIDEE BAAN ILAAHAY UGU DHAWAADAA

Umadda Nebi maxamed NNHA waxy u qaybsantaa saddex

Mid Naftiisa Dulmiyay:waa mid aan qaadaan amarka Alle oo aan u hogaansamin balse u hogaansan Naftiisa iyo Shaydaankiis  kaas naftiisa ayuu dulmiyay

Mid gaabiyay: waa mid ay isleeg yihiin khayrkiisa iyo Sharkiisu kumuu dadaalin siduu u kordhin lahaa Khayrkiisa

Mid Dadaalay: waa mid khayarka badan yahay oo u deg-deg ilaahay idinkiis weeyo hadaanu ilaahay ku waafajin maad u dadaasheen markaa waa in aan ilaahay uga mahad celinaa wixii wanaagsan ee aan samayno.

Hadaba kan sadexaad waa ka dadaalaye ilaahay SC waa ka uu jecel yahay ee uu yidh haduu wax i waydiisto waan siin,haduu Magangalyo i weydiistana waa magan galin. maanta waaxaan baryaynaa Dad marka aan wax waydiisano inoo cadhoonaya ilaahayna SC wuxuu yidhi yaa i baryaaya oo u ajiibaa.marka aan baryi waynana wuu inoo cadhoonayaa.

Muxuu hadaba ilaahay inagu jeclaanayaa,waxa ugu horeeya ee ilaahay inagu jeclaanayaa waa wixii uu inagu Faral yeelaya ama hadaan si kale u dhigo uu inagu waajib yeelay , ilaahay SC waxa uu yidhi qofku waxa uu igu soo dhawaado Sunayaasha ilaa aan ka jeclaado.

Hadaba maxaad ku garanaysaa in ilaahay ku jeclaado, waxaad arkaysaa Jidhkaagii oo amarka ilaahay qaatay sida Indhahaaga oo aanad ku eegayn wax aan ilaahay jeclayn ama Dhegahaaga oo aanad ku dhegaysanay waxa aan ilahaay jeclayn ama lugahaaga oo aanad ku tagayn meel aan ilahaay raali ka ahayn, ama wax ilaahy ka cadhaysiinaya,hadaad aragto adigoo Heesaha Dhagaysanaya ama jecel Macsida wali maad helin Jacalka Alle.

Waxa ugu horeeya ee aad ilaahay ugu dhawaataa waa in aad ilaahay waydiisto in uu ku jeclaado oo aad ku Ducaysto,Ducadu waa quwad uu u baahan yahay Qofka muslimka ah waana Cibaado ,ilaahay SC waxa uu yidhi Qofka ii soo dhawaada Taako waxaan u soo dhawaadaa Dhudhun, Qofka ii soo dhawaada intaa in ka badan waxaan u soo dhawaadaa inta uu ii soo dhawaaday in ka badan.

Waxaa kale oo ilahay kuugu soo dhawaadaa Istiqfaarka Tawbadu waa Jid ka mid jidadka ilaahay kuu dhaweeya Danbi kasta Alle waa dhaafaa,waxa kale oo ilahay inagu jeclanayaa Sujuuda oo aan badino . waxa kale oo ilaahay loogu dhawadaa Shaqada aad qabanayso Habankii ilaa Subixii oo aad u qabato si daacad ah waxay noqonaysaa cibaado .

Maxaan helaynaa hadaan helo jacaylka Alle, ku dhawaansha ilaahay waxay keenaysaa in aan ka mid noqono Awliyada ilaahay kuwaas oo aanay u sugaan Aakhiro iyo Aduunba Cabsi markasto oo aan ilaahay u dhawaano waa markasta ilaahay kor noo qaado derajo, ilaahay SC waxa uu yidhi Raxmada ilaahay waxa ay u dhawdahay kuwa Muxsiniinta ah ama wanaagsan.

Hadaan tartan doonayno waa in aan u tartanaa sidaan ilaahay ugu dhawaan lahayn sacaad aad ka mashquusho Digriga ilaahay waxa laga yaabaa kii isagu ka faa’iidaystay Sacadaa inaanad waligaa gaadhin.

Hadaba haadan rabno in aan guulaysano Aakhiro iyo Aduunba waa in aan Hadafkeena ka dhiganaa in aan u tartano sidaan ugu dhawaan lahayn ilaahay Waqtigu waa kooban yahay waa in aan ka faa’iidaysanaa Fursad kasta qofka ilaahay helay wax kasta wuu helay qofka ilaahay waaya waxkasta wuu waayay .

ilahaayaw nagu arsaaq Camal saalix Amiin

SCW

wixii sax ah waa minalaah warasuul wixii khalad ah waa naftayda iyo Shaydankayga ilaahay iyo Rasuulku beri ayay ka yihiin

Xuseen Sulub Jamac

husseinsulub14@yahoo.com

Finland