articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

SARKAAL AJANABI AH OO SHABAAB KA TIRSAN OO LAGU KHAARAJIYAY MUQDISHO
posted by: Togaherer Team

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya weerar u muuqday mid qorsheysan oo xalay ka dhacay Guri ku yaal degmada Yaaqshiid, iyadoo weerarkaas uu ku dhintay Sarkaal la sheegay inuu ahaa Ajnabi, kana tirsanaa dagaalyahanada ka bar bar dagaalama Xarakada Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ninkan lagu dilay guri ku dhow Hotel Kaah, waxaana dadka deegaanka ay xaqiijiyaan jiritaanka iska hor imaad ka dhacay gudaha guriga uu degenaa sarkaalkaas.

Inkastoo wararka ay yihiin kuwo wali xadidan ayaa hadana waxaa la sheegayaa in Ilaalada sarkaalkaas oo ahaa soomaali ay si qorsheysan u dileen.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Camaar Ibraahim, isla markaana dhalashiisa lagu sheegay dalka Urdun, hase ahaatee aanay wali kala cadeyn dalka uu rasmi ahaan ka soo jeedo.

Warar soo baxay saaka aroortii ayaa sheegay in ninka ay rasaas la dhaceen ilaaladiisa fiidnimadi xalay xilli uu cibaadeysanayey hase ahaatee waxaa la ogaaday in Ibraahim uu is difaacay ka hor inta uusan dhiman.

Degmada Yaaqshiid ayaa saaka si weyn looga hadal hayaa weerarkii xalay, iyadoo degmadaas ay ka taliyaan Xoogaga Islaamiyiinta, waxaana saaka ilaa xalay soo buux dhaafiyay guriga sarkaalkaas xoogag fara badan oo shabaabka taabacsan.

C/risaaq C/laahi


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo
Web Stats