articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

KULANKII MAGALADA JÖNKÖPING EE JALIYADA REER SOMALILAND IYO XILDHIBAN IBRAHIM MAHDI BUUBAA
posted by: Togaherer Team

JAMHUURIYADA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Caddaalada Iyo Daryeelka

UCID

Justice And Walfare Party

حزب العداله والرأفه

’THE RIGHTS WE ENJOY REFLECTS THE DUTIES WE OWE’’

7,February,2010, Somaliland

We Stand For Change and Justice

Halkan ka Akhri Qorshaha Waxqabad ee X/UCID Ku hagi doono dalka
UCID Political Platform:

Hargeysa (UCIDMEDIA)-Waxa maanta kulan wayni kadhacay magalada Jönköping ee dalka Sweden halkaas oo jaaliyada Jönköping kusoo dhaweeyeen xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa oo ayaamahan ku marayay dalka Sweden socodaal shaqo isaga iyo gudoomiyaha barlamanka Somaliland Abdirahman (ciro).

Hadaba jaliyada Jönköping ayaa nasiib uheshay in ay lakulman mudane Ibrahim Buubaa oo ay kusoo casumeen magalada JÖNKÖPING si uu warbixin uga siiyo dalkii hooyo waana  markii ugu horaysay mudo dheer in uu yimaado deegankan JÖNKÖPING qof kasocda qaybaha dawlada Somaliland sida Xukumada,Barlamanka,Guurtida iyo Dawladaha hoose ee Somaliland.

Xildhiban Ibrahim Buubaa waxa goobta kulanka kusoo dhaweeyay Jaaliyada Somaliland ee Jönköping oo ay hor kacayaan odayaasha magalada Jönköping

Haweenka ayaa iyaguna kulanka aad uga soo qayb galay Waxa qudbada furay SHEEKH SALEEBAN ayaa furay kulanka una mahadnaqay Xildhbaanku sida uu uga aqbalay martiqaadkii jaliyada Jönköping ufidisay kadibna waxa mikrifoonka uu kusodhaweeyay X/ibrahim.

X/Ibrahim waxa uu marka hore kawaramay socdaalkodan sweden kadibna waxa uu simugle uga waramay oo uu aad iyo aad ugu dheeraday xalada dalku marayo isagoo sheegay inkastoo uu ka tirsan yahay xisbi mucarada mediyahana looga bartay isagoo dawlada weeraraya maanta oo uu joogo wadankale uu yahay nin matalaya dhamaan xildhibaanada  SOMALILAND ee sadexda xisbi oo uu yahay nin qaran kadibna waxa bilaab may su,aalo ay dadku way diiyeen oo uu dhamaantood kajawabay qof walbana ku qancay.

Hadaba madasha oo aad ucamirnayd waxa kamuuqday dhamaan dadkii kasoo qayb galay farxad iyo qiiro wadaniyeed iyagoo xildhibaanka si heer sara ah uqaabilay.

Waxa kulanka lagu soo gaba gabeeyay duco sigaara loogu duceeyay ABADI HASAN QAWLE oo ahaa odayga magalada Jönköpin oo sanadkii hore ku geeriyooday isla magaladaa oo kalintiisii aad lootabayo waxaana ilaahay loogabaryay dambi dhaaf iyo jano.

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID
Justice and Welfare Party UCID
حزب العداله والرأفة


Ucid media


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo
Web Stats