articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

MAXAD KA OGTAHAY DHAMBAALADA JACAYL EE WAARAY?QAYBTII 7 AAD.W/Q:XAMSE SULDAN ADEN
posted by: Togaherer Team

Maxaad Ka Ogtahay Dhambaalada Jacayl ee  Waaray? Qbt. 7 aad

Qormadeenani waxay gundhig utahay qoraalo xiiso badan oo ay isu tabiyaan lamaane jacayl wadaag ahi taasi oo xusuus maguurto ah ku reebtay jiilashii iyo quruumihii danbe

loona aqoonsaday inay yihiin dhambaalada jacayl ee waaray , xusuusaha iyo waraaqaha jacaylka ah ee layska dhaxlay,waxay inoo ahaayeen taxane taasoo aynu ku lafo gurno dadkii iyagu xaasaskooda u dhaafay dhambaalo jacayl oo waaray.  maanta waxaynu ku soo qaadanaynaa ,midkamida dadkii caanka ka ahaa wadanka ingiriiska. Your browser may not support display of this image.

Waa Winston Churchill.

Waxaa uu Winston Churchill  uu ku dhashay wadanka Ingiriiska sanadii 1874kii.

waxaa uu waxbarashadiisii ku qaatay isla wadankaa ,waxaa sidoo kale xilal kala duwan uu ka soo qabtay wadankiisa isagoo ugu horayntii ahaa askari dagaal yahan ah oo goobo faro badan ka dagaalamay islamar ahaantaana guulo lataabankaro u horseeday wadankiisa, Winston waxaa sidoo kale shaqooyinkiisii kamid ahaa inuu ahaa jornaalayste, taariikhyahan, qoraa,xildhibaan,waxaa sidoo kale uu noqday Raisal wasaare kamid ahaa Raisal wasaarayaashii Ingiriiska kuwa loogu jeclaa kuna xardhan guulo faro badan oo uu kutaamo Ingiriisku kuwaasoo ay kasoo hooyeen dagaalkii labaad ee dunida.hadaba dhambaalkan jacaylka ah waxaa uu Raysal wasaaruhu uqorayaa xaaskiisa uu aadka ujeclaa ee Clementine Churchill.

Clementine waxay isguursadeen 1908dii waxaanay isu dhaleen shan caruur ah.

Bishii jenawary 23keedii 1935kii ayay ahayd markii uu dhambaalkan jacaylka ah u qoray gabadhiisa, isagoo ka jawaabayay waraaq hore oo ay iyadu usoo dirtay wakhtigaas oo ay kala fogaayeen dagaalkii labaad ee dunidana lagu guda jiray oo ay dunidu isu hub urursanaysay waxaanu ku bilaabay sida tan

Qaaligaygii Clementine

“waraaqdaad ii soo qortay waxaad gacaliso iigu soo qortay kalmado aniga micno wayn iigu fadhiya, islamar ahaantaana noloshayda xoogaynaya, ma kuu tilmaami karaayo sida ay warqadan aad ii soo dirtay ii farxad galisay, maxaa yeelay ilaa maalintaa aad isoo dirtay warqadan waxaan dareemayaa awood iyo masuuliyad, hadii aan gacaliso jacaylka aan kuu qabo dunida oo dhan loo qaybiyo way ku filnaanlahayd waliba badh ayaa kasoo hadhi lahaa, waxa aan jecelahay inaan noloshayda oo dhan ku qaato wadnahaaga dhexdiisa, jacaylka aan kuu qabana gacaliso laguma soo koobi karo tuducyo yar oo lagu dul xariiqay waraaq yar

Gacaliso wakhtigu wuu ordayaa, nolosha fiicana maaha tan lacag iyo dahab faro badan la urursado laakiin waxaa weeye nolo ay kamaqanyihiin war war iyo walaac oo dhan taasina waa ta aynu ku dadaali jirnay sanado badan”

Odaygaaga ku jecel,

Winston Churchil.

Your browser may not support display of this image. W/Q: Xamse Suldan Aden Faraax

xamse101@hotmail.com Tell: 4427272 ama 0014197129974

Hargeisa/Somaliland


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo
Web Stats