Madaxweynaha DFKM ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay sahttp://www.microsoft.com/isapi/redir.dll?prd=ie&ar=windowsmediafiir u fadhiyi doona dawladooda dalka Maraykanka.
War Saxaafadeed uu kasoo saaray Xafiiskiisa madaxtooyadda Madaxweynaha ayuu si rasmi ah Wadanka Maraykanka Safiir ugu magacaabay Abuukar Cabdoow Carmaan.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu talaabadaas qaaday ka dib marki uu la tashtay La Taliyeyaashiisa iyo markii tala soo jeedin loo sameeyey.
Mudane Abuukar Cabdoow Carmaan oo iminka laga dhigay Safiirka DFKM ah ee Soomaaliya ee uu fadhiya Maraykanka, ayaa waxaa uu mudo badan ku noolaa dalka Maraykanka.
Waxaana lagu tiriyaa in uu ka mid yahay Aqoonyahanadda Soomaaliyeed magac ku leh dalkaas isla markaana la socda xaaladda iminka ka taagan dalka.
Hore dalka Maraykanka waxaa Soomaaliya Safiir uga ahaa Cilmi Ducaale, kaas oo isla markaana ah Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.
Arintaan ayaa imaanaysa xilli dhowaan Wasiirka arimaha dibadda ee DFKM ah Cali Jaamac Jangeli uu ku dhawaaqay in la xirayo Safaaraddo qaar oo ku yaala wadamada Caalamka gaar ahaan kuwa Qaaradda Yurub.
Axmed kulan
Moqdisho