articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

MAANSO LA YIDHAA XIGMADII-TASOWDAY ABWAAN C/NAASIR AXMED MUUSE
posted by: Togaherer Team

Marka hore waxaan idiin soo dirayaa salaan qaali ah
Bahda shabakaadda calamiga ah Togaherernews thank u more &
Asxaabta sharafta badan ee somaliland,
Maansadan  waxaa layidhaahda  Xigmadii-Tasowday
waxaa midhahiisa curiyey ama sameeyay abwaanka
Sannaadka 2010 Abwaan cabdinaasir axmed muuse
“cabdinaasir macalin” ,

Anigoo tusaale ka bixinaaya markii aan arkay
suugaantii oo la boobay
waxaan  curiyey ama sameeyay maansadan
Xigmadii-Tasowday
waxaan ku billaabay sidan wacaan,



Tada gabayga anoo tagaan
baan toobiyeen jiray
tabaalada adduunyadda
haddaan kubeese tiigaaloo
Murtida raggii toosin jiray
wuu ka sii tagay
todobaadba Ninkii taarikh leh baa
toonka joogsada
inaan heeso tiriyaan
intaa tarastii siiyaa
ina tarabi iyo qays
ayaan ciddi u tookhayn
xassan ganey tabtiisii
ayaan togog hiraabaa
ereyadduu tukaaleba lahaa
bay ragg tiriyeenee
waxaay toos u sheegteen
inay taffo sameeyeene
xigmadii tasawdoo
ragg baa tuugo leexsadayee
catiiqaa ku heesoo
cidleey tororog laysaa
sidii todob hilaacoo
xareed teeska kicinaayaa,


Ama turud irmaanoo
Nin lihi
goruf ka soo tuujaay
dhallinyaro tamuuxaa ka badan
wada taxaashaysa
siday qurux u taabeen
ayaan tixxo sameeystaa
tu kastoo timaadanna
run baa tamar lasiiyaa,


Taladaba haddaan lagu
tuusayn maba tisqaadaysoo
haddaan tooska loo wadin
cid baan tabo ku gaadhayn
tawaawaca yabaal kaba
hadduu waranka kuu tuuroo
tasbiixdiyo  salaadii iyo ducaduu
marnaba yanay kaa tagin
haddaad tiishka fuushiyo
haddaad torinka u taagtoo
nasiibkuba halkii u tabdhigo
waa la tagayaa
rabbiyow na tageer
adaay taadu socod taa,




Waa bilaahi tawfiiq
jaw nabad oo jaw nabad
thank u thank u By

abwaanka sannaadka 2010


Abwaan cabdinaasir axmed muuse
“cabdinaasir macalin”

E-mail naasirmacalin10@hotmail.com
Maamulka uruurka S.y.n-Eu
Suugaanta somaliland
xidhiidh wacaan asxaabta sharafta leh


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo
Web Stats