Ciidanka Sir-doonka Maraykanka ee CIA oo sanad kasta soo bandhiga xogaha muhiimka ah ee dal kastaa, sida dhaqaalaha iyo nabadgelyada ayaa aas-aaska lagu cabiro dhaqaalaha dalka (GDP) ay leedahay Itoobiya ee sanadkii tagay ku qiyaasay $33.9 Billion, halka ka Kenya ay ku qiyaaseen $30.2 Billion.
Itoobiya ayaa lagu tirayaa dalalka uu dhaqaalahooda sida xowliga ah u koraayo, iyadoo wargeysa dhaqaalaha caalamka ka hadla ee The Economist uu dhawaan saadaaliyey in ay Itoobiya noqon doonto dalka ugu dhaqaale kobaca wacan ee sanadkan 2010. Wargeysan ayaa dhanka kale, dowladda Itoobiya ku dhaliilay in kobaca dhaqaalaha ee dalkeeda ay ka macaashaan dad koobani oo aanay Muwaadiniinta Itoobiya u wada sinayn.
Dalka Itoobiya ayaa shacabkiisu ku jiraan kuwa ugu faqiirsan aduunka, waxaana magaalooyinka waaweyn laga dareemayaa faraqa weyn ee u dhaxeeya tijaarta lacagta leh iyo Saboolka.
Meles Zenawi oo reer galbeedku ku tilmaamo iminka in uu yahay nin la Jaanqaaday siyaasadda qarniga 21-aad ayaa tan iyo markii uu xukunka Itoobiya qori caaradii kula wareegay ayuu dhaqaalaha Itoobiya sameeyey isbedel-weyn, iyadoo uu shan jibaarmay kobaciisu. Itoobiya ayaa hadda ku jirta sagaalka dal ee ugu taajirsan qaaradda Afrika. Jabouti iyo Somaliland ayaa iyana la sheegay in fursada dhaqaale ugu jirto kor u kaca dhaqaalaha Ethiopia. Dekeda Berbera ayaa qayb libaax ka qaadan doonta dhoofinta khayraadka Ethiopia iyo Soo-dajinta Alaabooyinka u soo degaaya, waa haddii Siyaasyad iyo nabadgalyada Somaliland si wacan Dhidibada loogu aaso ayuu yidhi khabiir ka faaloonaayey Siyaasada dhaqaalaha Bariga iyo Geeska Africa.
By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. soldhuub@hotmail.com