BAAQ AY SOO SAAREEN QURBA JOOGTA KUUL CARRE
Haddaanu nahay qurba joogta beesha kuul carre waxaan aad u soo dhoweynaynaa shir saxaafadeedkii ay qabteen qaar ka mid ah salaadiinta beesha madhibaan,
taasoo ay kaga cabanayeen suldaan Daakir Xasan Khaliif.
iyagoo sheegay inuu ku been abuurtay magaca beesha madhibaan meelna uga dhacay, sharafta beeshaas oo aanu asal ahaan ka soo jeedin, hase yeeshee uu ka dhashay beesha Siciid Kuul Carre.
Haddii aanu nahay beesha kuul carre waxaanu si tixgelin weyn mudan, xushmadna huwan, u raalli gelinaynaa dhamaanba beesha madhibaan meel kasoo ay dunida ka joogaan.
Beesha Madhibaan oo ay naga dhexayso xurmo dhaqan iyo degaan soo jireen ah.
waxaan halkan ka caddaynaynaa haddaan nahay qurba joogta beesha Kuul Carre,
1, suldaan Daakir Xasan in doorashadiisii ay ahayd mid lagu dedegay oo dhalisay buuq badan.
2, in uu yahay keligii taliye aan la tashan guurtida iyo beeshiisa midna.
3, in uu yahay suldaan u ololeeya xisbi mucaarad ah, oon beeshu ku raacsanayn, qaladna ku ah nidaamka suldaanimada.
4, waa suldaan ka amar qaata canaasiir tira yar oo qurbe joog ah. oon u danaynayn suldaanka iyo beeshaba.
6, waan khubaro ku caan baxay iska horkeenka bulshada iyo sixun wax .u sheegnimada.
Haddaba hadaanu nahay qurba joogta beehsa Kuul Carre waxaanu halkan ku caddaynaynaa maantaa laga bilaabo in suldaan Daakir Xasan Khaliif aanu metelin beesha Siciid Kuul.
sidaasi daraadeed waxaan ka codsanaynaa saddexda gole ee dawladda Somaliland, inaanu u soo gudbin doono suldaan metela beesha oo si xalaal ah lagu caleemo saaray sida ugu dhaqsaha badan ee macquul ah.
Asalaama caleykum warxma tullaahi wabarakaatuhu
Waxaa ku saxeexan af-hayeenka beesha Kuul Carre
mudane Maxamed Jaamac Cawil
206-778-9512.