DFKM ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay xirayso Safaaraddo ku yaala wadamada dibaddiisa.
Wasiirka arimaha dibadda ee DFKM ah Cali Jangeli oo wareysi siiyey La’aanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay in Safaaradahaas dhowaan ay albaabadda isugu dhufan doonaan, iyadoo uu sheegay in Golaha Wasiiradda ay arintaas dhowaan ka doodeen oo ay si qoto dheer uga hadleen.
Waxaana uu sheegay in Safaaradahaas xiritaankooda ay timi ka dib markii Masuuliyintii loo magacaabay aysan tegin goobaha ay ku yaalan, ayna si toos ah u bilaabin howlahooda shaqo.
Wasiirka ayaa sheegay in Shakhsiyaadkii qaar ee loo magacaabay Safaaradahaas ay wax jawaab ah ka bixin.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay dhowaan DFKM ah soo bandhigi doonto qorsheyaal lagu maamulaayo Safaaraddaha ku yaala dalka dibaddiisa, isla mar ahaanta dhowaan ay ansixin doonaan Golaha Wasiiradda.
Waa marki ugu horeysay DFKM ah ay ku dhawaaqdo in ay albaabadda isugu dhufan doonto qaar ka mid ah Safaaraddaha ku yaala dalka dibaddiisa.
Murranka ka taagan Safaaraddaha Soomaaliya ay dunnida ku leedahay ayaa soo taagnaa tan iyo intii ay burburtay Dowladii hore ee Soomaaliya 1991dii.
Waxaana marar badan dhacay in isqabqabsi uu ka dhexdhaco Safiiradii kala gedisnaa ay dowladihii Kumeel Gaarka ahaa ay magacaabi jireen, iyo kuwii horey halkaasi u joogay.
Ayadoo bishii July ee sanadkii tagay 2009, Raysalwasaaraha DFKMG Soomaaliya Cumar Cabdirashiid uu dhamaan Safiirada iyo Qunsulyadda Soomaaliya ee caalamka jooga isugu yeeray inay iska soo xaadiriyaan magaalada Muqdisho si uu kulan ulla yeesho, hadana ma jirin wax safiiro ah oo aqbalay casumaadaa.
Sida warar lagu kalsoonyahay ay sheegayan ayaa sheegay in badan oo Safiiro ah ay ka cabsi qabeen in la casilo marka ay tagaan magaalada Muqdisho.
Waxaana caqabad kale noqotay in Safiiradii cusubaa ee la magacaabay ay tagaan wadamadii loo magacaabay, kadib ayagoo ka cabsaday qaarkood in ay diidmo kala kulmaan safiiradii hore, halkaasna is qabqabsi ka dhaco.
Tilaabadan cusub ee rabto dowlada hada jirta inay qaado ayaa u muuqata mid lagu doonayo in Dowlada Federaalka ay dib ugu hanato maareynta safaaradaha Soomaaliya ee dunnida, walow aan la aqoon in arrintan ay wax natiijo ah keeni doonto.
Waxaa sidoo kale jiray baaqyo kasoo baxayey Soomaalida iyo ardayda wax ka dhigata dibada sida dalka India iyo wadamo kale, oo codsaday in safaarada aan laga xirin maadaama aysan heysan meelo kale oo ay sharciga baasaboorka Soomaaliya ka cosbooneysiistaan.
Dowlada Federaalka ayaan weli wax jawaab ah kasoo saarin baaqyada ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada qaarkood ay arrintan kasoo saareen, walina ma jirto wax ay Dowlada Federaalka ku qancisay dadka ka walaacsan saameynta ay yeelan karaan xiritaanka safaaradaha qaarkood.
Axmed kulan
Moqdisho