articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

SAW GODOBI SURIN-KAAD MARTABA SABAB QARSOON MAAHA!!!!.W/Q:ABDI SHOTALY
posted by: Togaherer Team

SAW GODOBI SURIN-KAAD MARTABA SABAB QARSOON MAAHA!

Dad waxa ugu daran lax dhukani abaar moog kuwa ah, ee ka hela hebel baa wax yidhi, ha lagu hadal hayo faan isku moodaaya,laakiin aan u miidaan deyen wixii ka soo baxa af-kooda, oo aan is idhi malaa isma dhegaystaan, weliba itaal baaska-na ku murmaaya waxan ahay mutaclin ay belo ka dhacday meel uu marayana aan garanayn ee sheekadu dhanka ay ula jeesto uun kaga dhigaaya daba laala-neey lagu fasax ee qulubaa gedi waxad doonto, weliba isku qanciya xil suge baan ahay, waana waxa ku keli-faaya iska dheh, isaga oo ku adya-doonaaya xusbiyo aanu kaba-hooda gaadhayn, is leh marka aad aflagaa-dayso xusbi kale baa naaleeye habcsane derejo kuugu jeedhi doonaa taas oo inta cirkaas u jirta, kaaga darane ujeedo iyo ka jeedo uu ku cambaareeyo ucid aan soo qorin,laakiin ay ka tahay ha lagugu sheego udub buu daacad u yahay, qofka hanka lihi maaha caynkan ee wax buu iskula hadhaa, hanku maaha micni-hiisu iska midhaaci ee taloow miyaanu weli arag wax u caqli celiya oo yidhaaha sidaas wax laguma helo ee ka joog intaan daadku kula tegin, aad baan uga yaabay isaga oo daba ordaaya shilin, tukaan, takfi iyo kaneecaddii dhiiga umada reer somaliland dhamaysay guri ay isugu urureen ( waa udube), afka ku jaqaaya ucid oo la og yahay in uu yahay xusbiga ugu macquulsan, gudoomiya-hiisuna uu ugu daacadsan yahay waa faysal cali waraabe’e, wuxuu ahaa ninkii dagaalkii sokeey kii geed walba u soo daaqay dib u heshiisiin ah beelaha dhex-dooda,kii ugu horeeyey ee ka gilgishay iska hor imaadkii beelaha, umada reer somaliland-na waa ka markhaati, kii ka doortay in somaliland aanay kala xigin ee weliba sidaas ku raadinaayey in la joojiyo dagaalka, waxa uu si cad meel walba ula tagaa siddii uu u raadin lahaa amase loo heli lahaa ictiraaf ay hesho somaliland, ka simayaa saw ma aha mid maskax-buq daaqay.

Qofku waxa wacan haduu wax qoraayo in uu xaqiiqda sheego ee maaha inta aad soo dul fadhiisato kombiyuutar aad la doonato umada iyo xusbiyada wax aan u qalmin, haddii aad sidaas is lee-dahay wax baa lagu helaa waa midh subxaana la iyo wax aan meesha qaban, waxan ku lee–yahay anigu ma ku carabaa-baayo ee ninka loo gol leeyoow ha is gaabin ee is garo, oo ceeba-haaga astur lagu wada ogaa waxad tahaye, xusbiga ucid waa mid ka dheer waxa aad kula soo galga-lanayso ee qiil u doon aad ku xiiqday in fara guud-kood wax lagaaga soo tuuro ee wuxu uu yahay aanay jirin, udub uu xar galay, oo ay dhexddii xonshash ka buuxsamay, meel lagu qaato aan lahayn baad durbaan u garaacaysaa uu ka qoyey haraggii, ilaah wuxu garashada inoo siiyey in aan ku kala saarno waxa wanaagsan ama xun, dabeed-na aan raacno waxa haboon, maaha qofku in uu biyo-batalaq-sado oo aanay wax ka xaaraan ihi jirin, naflahu taariikh buu sameeyaa laakiin maaha sida aad u socoto maandhe.

Waxa lagu xantaa gudoomiyaha ucid fudayd waase u maan gaabnimo kuwa waxaas ku hadla, aniga baa kuu sheegaaya, faysal wuu ka maskax furan yahay, kana fahmi horeeyaa inta kale, waxa gubaya oo korka uga soo baxay daacadnimo ka saraysa xadkii uu lahaa bani’aadamku, taas oo damqaysa jidh-kiisa lexe-jeclada uu u qabo dal-kiisa iyo dad-kiisa awgeed, waa nin aan kola-ba khiyaamayn karin umadiisa, waa ninka ugu baraauga marka ay wax dhacaan sida abaaraha,biyo dhaamiska, mudaaharaada-da, wuxu ahaa musharaxii ugu horeeyey ee taga laascaanoo, iyo ceerigaabo, ee xuduuda somaliland gunta soo taabtay, lama qiyaasi karo xirfadaha wax ku oolka ah ee gudoomiyaha ucid, nin calankiisa hoos u dhigi kara maaha, wuu og yahay wixii ay soo mareen, ee la soo malkiyey, waa mutaclim ah injineer tegay oo aanad meel la dhigi karin kuwa kula maskaxda ah ee aad u daba fadhido ciyi waa ka beryey, laguma jaqo raga afka ee waxay yihiin baa la qiraa, godobna lagama galo, waxana aan kuu sheegayaa hadaad u haysato iyo haddii kale-ba in uu helaayo kursiga marka uu nasiib-kiisa ka qaado haddii alle yidhaao, hadaba waxan ku soo duubay maqaalkan ninka uu ku socdo qoraal-kani, waar waad is og tahay, sakaaro xaar la arkaayo bay aasaastaa baa la yidhiye udub oo dhiriq ku fadhiya hala meel dhigin ucid ee runta ka sheeg.
* N.B Ninka loo gol leeyoow ha is gaabin ee is garo>
abdi-shotaly,
oodweynenews.com


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo