articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

MAANSO CUSUB HIMILO BY ABWAAN: DAHIR ISMAIL WARSAME {SULDAAN}
posted by: Togaherer Team

MAANSO CUSUB

HIMILO

BY ABWAAN:

DAHIR ISMAIL WARSAME {SULDAAN}

BURCO S/LAND

hanaqaadka noloshiyo

himilada naftaaduba

waa inay horeeyaan

mowqifkaa hal uu yahay

hiigsiga naf waayeel

dhibco kaga horaysaa

waligaa had iyo goor

hal adayg lahaataa

hebel waa dhigaagee

sidad uga horaynlayd

howsheeda qabataa.

maqaloo had iyo goor

waa inaad hayaan tahay

hirka kuu baxayaa

yahay halad ku faantiyo

hadafkaaga koowaad.

ha hilmaami waa talo e

ka fogoow hurdada dheer

toos hiirta waaberi

Dadka oo hurdada kalay

dhulkoo hiimse hiimse ah

iyadoo habeen badha

ku hawaawi meel dheer

iyo howsha kuu taal

hadhku waa is celiyaa

hadba waa waa dhankuu xigo e

Halkan maanta sii dhigo

iyo waa inoo hadhoow male e

yuu ku hodin waxaan jirin

heer inad ku kaadhiyo

hadhoow meelna kuu wadin.

ku xisaabtan HOW MANY?

imisaa se kuu hadhay?

ilahoow hoga tusaaleyn

meel aad k hiratiyo

hami muuqda oo dhow

wakhtiguna hal beeg maleh e

halsaac oo ku dhaafaa

hadhoow soo ma noqotee

ku xisaabtan oo hubi

halka minit xisaab geli

ha hilmaamin waa talo e

iska hubi waxaad qaban

hadalkaaga dheeree

howraarta gabaygiyo

dhaqankii haboonaa

ha hilmaamin aabiyo

hooyooy macaantaa

heesaa badhbaa xune

hoos ha ugu daadegin

kii loo hiloobee

haybad iyo wanaagba le

noqo haybadliyo sharaf

hagaag socodka how dhigin

xoogaa horaysii

hadii u habeen dhaco

maxaa maanta kuu hadhay?

halkee baad maraysaa?

maxaa howsha kuu dhiman?

halkeedkaga biloowdaa?

hebel waaa adoo kale e

heer kuu ku sugan yahay

inaad haybad iyo magac

halyaynimo ku dhaaftaa

hamigaaga gelisaa

waligaa hayaan noqo

ha rarnaado awrkaa

inkastuu haraad qabo

hanfi iyo kulayl maro

heer kastuu u daaliqabo

how furine ku adkee

heeryada intuu sido

caynkiyo hogaankaba

ilaa hadafki loo raray

geedigu halkuu rabay

hiyigaad lahayd iyo

hadhac geed ah lagu furo

hereeraana doogiyo

biyo howray jiifaan

hoos geliska baydiyo

ku adkee hogaankoo

hubi yaanu dheeliyin

dhex hadaafka maansada

waa himilo ee garo

iyo hoga tusaalayn

hadal aad u baahnayd

horseed aad tebaysiyo

waa hab dhiiri gelineed

dhuux hadalka qaarkii

hubsoo hoosta ka xariiq………

ifku male isku halayn e

ha hilmaamin diintiyo

sunihii haboonaa

dhaqankii hufnaa iyo

haboon waajoibaadkaa

hooyooy macaan iyo

ha hilmaamin

tacab kiyo xaqul waalidaynkaa

hami wacan dham,aantiin

halka aad tabaysiyo

inad horumargaadhaa

ka horayso qayrkaa

rabbi hodan ha kaa dhigo

DHAMMAAD / THE END

“RAALI GEIN WAXOOGAA MAANSADA OO YARA DHEER”

WAA ERAYADII IYO MURTIDII

ABWAANKA DA’ DA YAR EE REER BURCO

ABWAAN :

DAAHIR ISMAACIIL WARSAME ( SULDAAN )

kala xidhiidh hadda

hadaad u haysid wax talo ama tusaale ah..

Thanks

Email:

suldaandaahir1991@hotmail.com

Mobile : 00252,2,4326004

WA BILAAHI TOWFIIQ


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo
Web Stats