DUUGAAGAU WAA MAXAY ( DOODAA ANAA FURAY) !
AARAAR,
Doqontaa halkaw daran ku durdurisa abid-keed, iyadoon dareen qabin, cidna aan la doodayn, iska tuurta dalawga’e, qalin duurihii’iyo, kursi doonka madhanee madaxii dedelan yahay, dibir fuuray weeyaan, doobabkii af-weyne ah, duqu sidu uu sii jabay, doogta’iyo booggii, dubii madaxa kaga dhacay, dura sheeka-deeddii, qaran baa dudubiseen, qooys baa ka daba dumay, kuwa weli dalda-layoow dacal baad ka dhaaftoo kula doodi maayo’e, aarkii daboolaa duda-daada soo degay, intaanu daanka kugu ridin doc u joogso way kane.
Waxa aan halkan ka salaamayaa dhamaan akhrista-yaasha mareegtan kuwaas oo kala jooga hareeraha dunida iyo dalka gudihiisa-ba iyaka oo si wacan aan ula socdsiino kolba halka uu xaal maraayo, iyo qora-yaasha mudan qadarinta iyo qiimaha leh ee u hadhsan waayey in ay fekradooda caafimaadka qabta u soo bandhigan umada , iyaka oo ku saleeya danaha yaala miiska ee markaas loo baahan yahay in la rogrogo oo sida ugu wanaagsan loo hir geliyo, maantana waxaan furay duugaagu waa maxay! dood qarara weyn iyo dib waxay ka noqoto-ba dulucdaydu waxay tahay waxaba yaan dabooline:-
Imika wakhtigan aan ku jirno iyo mudooyinka soo socda goor ay ka timaado-ba waxa la filayaa in la qbto doorasho xalaal ah waa sida la rumaysan yahaye, waxay kabash-kabashtii ka dhamaatay, af iyo adin, maskax la isugu geeyey in ay sedexda xusbi ee loolamayaa uu mid kastaaba yidhaaho alloow xero madhan xoolo soo geli, xusul duubka loo tafa-xatay, gucle orodka xamuuran ee macawista labada law ku saameelay, si aanay hiringta dhir hoosaadku, gunufka kurtinada aanay u gaadhin, qawlalada waxa la iskugu qaban waayey weli ma si waydiisay umada yahay?, maxaa loo ham iyodig lee-yahay ee lagaa rabaa?, ma adigaa wax lagu-la doonayaa mise kuwa qaylo dhaanta ooda ka qaaday baa biyo hoostood inoo gurguu-ranaaya? yaa wax ku dheefaaya warankan cirka loo ganay? yuuse ku dhici taloow waa yaabe? yey dantood tahay xamaasadan aan laga fadhiisan karini? waa tan sadexddii musharax uu mid waliba uu soo soofay-stay miciyaha’e yaa la rabaa in la qaniino ee malagiisu uu galay? maxaase waxan oo maal ah loo gelinayaa ololahan aan la hubin cida ku lisan doonta? ka wax hayaa muxuu u muuqan waayey haday ka dhab tahay ee aan u arki waynay iyana?, maxaad ka og tahay adigu ilayn waa tan lagu hor boodayaaye? yaad is lee-dahay dan buu kuu wadaa? maxaad-se ku cadaynaysaa in uu daacad yahay ka aad wadataa ee kuugu jiraa? muxuu kaga duwan yahay labada kale? ma laga yaabaa in aad godob ka gasho mid lagugu diray oo dhaama ka ku soo diraya?, sidee baad wax u hubsanaysaa? ma kala xaqiijin kartaa ka wax kuu taraya iyo khasaare wadaha beenta kuu sheegaaya? miridh-kan aad joogto hada iyo inta u dhaxaysa marka aad waraadqda ku ridaysid sanduuqa xaqa umada lagu boobo ee ad taqaano kuwa tirada, waxa waajib ah in aad kala saarto kuwa kuu boqran, si wcana aad u deristid waxa aad ka rabtid inta aanad dhaxal wareegin, bal ku darso oo la ka kaasho intan ah, afrayddii aan marmar ka qac siin jiray oo maanta ah lagama maarmaan waana tan:-
Hashii maydal qoor dheer, maantana kumaa lisi,
Kolay waa muquuno’e, meeshay u socotaa,
Kii muruq ku keeniyo, yaa maali jirayddii,
Waa laga muquunshaye, taloow yaa mahoobiyi,
Hada milile naasii, ma haneedo daacadi,
Ma miskeedo wiilkii, ma maqaar salaax baa,
Muska loo balaysimay, ma magawdo goorna-ba,
Ma naxaha hor jiifaa, maraqii ka tuuroo,
Afartiiba muudsay, muusanaw dhamaayoo,
Shicibkii martiyi jiray, ma yeedhaanki qatanaa,
Maataddii la siin jiray, macaluuli laysoo,
Waa laga markhaatiye, hada yey magan u tahay,
Masa-nuunin maayo’e, ha isi soo maqiiqine,
Nin kastaa muraad iyo, mayxaana-hiisiyo,
Muran-kiyo is maan dhaaf, isi soo mutixis iyo,
Hadal meesha qabaniyo, madadaalo maahee,
Intaan meel fog lala qaban, intaan maydal lala tegin,
Ku waydaaran maandeeq, mitid baan ku lee-yahay,
Markaad talada haysaan, ha malayn wax aan jirin,
Ha malooliyine garo, halkay maqashu kuu taal,
Ama sida macaan jecel, sonkor milicda loo dhigay,
Sideeddii is daba mara, beritana wax-baa dhacay,
la barooro murugada, ilmadiyo munaafaqad,
Waxan intaas dabadeed aan kuu lee-yahay, weli wax aynu ku kala doorano, oo lagu kala sooci karo waxan is dhex qaadaaya baa loo baahan yahay oo cad, maahain aan madax-madax isugu tuuno siddii bad aad dabaal u joogto, bal hadaba siddii xeego-na xeego u noqon lahayd ilkana u nabad geli lahaayeen, u dooran lahayn kii aan door bidnay ee aan is lee-nahay waa kii ugu roonaa sida aan u soo helayno?, sababaha lagu soo xulaayo? qaabka loo habay-naayo ? siday u qabana-yaan hawsha kolba kii loo doortaa? maxayse ku kala daacad san yihiin ee lugu qaadan karaa ka aad la dhacday? akhristoow intaas iyo in ka sii daran oo mar walba taagan, kana mid yihiin xal aynu doono qab lagu joojiyo iska hor imaada, marka ku soo ururiyo dhawr kelmadood waxay tahay, waa sidee sidaaad ku ogaanaysid sadexda musharax ka loogu qaatay ee ina wadi kara? mase lagu helayaa habka ah reer hebel soo daad gureeyaay? iyo tolaada cidiyaha lagu dagaalamaayo iyada oo aan la eegin danta guud, jiritaanka somaliland, iyo in wax laga qabto adeegyada ay intii hore u jirtayna sii baabaday, bal iskaba dhaaf kuwo la sameeyo,e? waxan ku soo af jaray doodaha dantu ku jirto yaan loola baydhin mucaarid iyo muxaafid-toona, ee ha la qalin daraaleeyo, oo talooyin aan ku kala socono ha loo gudbo yaanai inaga noqon in loo kala baxo laba dhinac oo dhabarka isu jeediyey, waana aan idinka sugayaa warcelintii falan-qaynta maqaalkan, taas oo si nadiif ah la isugu caqli celiyo waana aad mahadsan tihiin kuligiin.
*N.B Qab-qab dhaafay bay laba qabiil qaran ku waydaaye dheh>
abdi-shotaly, oodweynenews.com