NATION Institute oo maanta Shahaadoyin Guddonsiyey arday Dhammaysatay Luqadaha .
Xaflad balladhan oo shahaadoyin lagu guddonsinayay arday dhammaysatay Course Luqadda Englishka ah , Xafladdan qalin jabin ta ahayaa ahayd Dufcaddii 17aad ee ka qalin jabisa maxadka Nation Institute. xafladdan aya sidoo kale lagudoon siinaayay jaa isooyin & abaal marino kala duwan arday ku guulaysatay tartano ka socday maxadka mudo laba bilood ah. xafladan maamuuska badan leh ee sida wayn loo soo agaasimay waxa kasoo qayb galay masuuliyiin tiro badan oo ay kamid yihiin gudoomiye kuxigeenka Gobolka togdheer mr. Guuleed Daahir Samatar, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye mr. Sahal Aadan Maxamed, Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka haya mr. ayaanle cismaan warsame,waalidiin, culimo awdiin iyo weliba marti sharaf kale oo badan. Ugu horayn waxa Xafladda hadallo kooban ka jeediyay Maamulka Maxadka Nation mudane Mawliid Yuusuf Cabdi , Waxa uu kawar bixiyay aasaas kii maxadka iyo wax qabad kii sii muddadii uu furna Maxadku, waxa kaloo isna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer mr. Guuleed Daahir Samatar Mr. Guuleed waxa uu kula Dardaar may Dhalin yarta in ay waxbarashada ku dadaalaan aaminaan na wadana kooga, waxa kaloo uu dhalin yarta ku booriyay inay iska daayaan Tahriibta. Gebagebadii munaasabadan waxa iyaguna hadala kooban ka jeediyay Labda Gudoomiye ee ka kala socday Labada xisbi qaran Ee Kulmiye IYO Udub.
Reported By:
Hibo Jaamac Cali Burco S/landEmail: Hibo008@hotmail.com