Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu Waxan dhamaan idiin soo tebinayaa salaantaa Islaamka ee qaaliga ah.
Adduunka ama Kownka(Qaybtii 32aad)
Hanuunka iyoTaqwada Eebbe
Hanuunku waa u hoggaansiga dhamayska tiran,ee qofku u hoggaansamo,waxa diinta Islaamku farayso,waa ka xorowga qofku ka xoroobo,wax kasta oo aan Islaamku farin, waa qofka oo waxa niyaddiisa ku soo dhaca,iyo hadalka ka soo baxa,iyo hawl uu ku dhaqaaqo fulinteedba,u eega waxa diintu ka qabto,waa qofka oo si dhab ah u fahma noloshan,iyo ujeeddada Alle u abuuray,ee ah in uu Alle keliya caabudo,oo u dareemo in waxyaalahan Alle ku nimceeyey,ee u sakhiray in ay yihiin kuwo u suurtagelinaya gudashada cibaadadan loo abuuray,waxa Alle inoo soo dejiyey Kitaab,oo wuxu inoo soo diray Rusul,oo waxa layna kala tusay waddada saxa ah,iyo ta khaladka ah,markaa qofkii ku hanuuna amarradaa Alle,iyo qofkii aan ku hanuuninba abaalkiisuu heli:
قل يا أيّها النّاس قد جاءكم الحقّ من ربّكم فمن اهتدى فإنّما يهتدي لنفسه ومن ضلّ فإنّما يضلّ عليها وما أنا عليكم بوكيل(يونس)
Aayadda:dheh(Rasuul Allow)dadyohow waxa xaqiiqo idiin yimi xaqii,oo xagga Rabbigiin idiinka yimi,kii hanuunaa,naftiisa ayuu hanuuniyey,kii baadiyoobana isagaa is baadiyeeyey,oo is lumiyey,aniguna wakiil idinkama ihi.
Diinta Islaamku waa hanuun,waana xaq,dadka diinaha baadilka ah sheeganaya,waxa u ah waxtar iyo hanuun diinta xaqa ah,ee xagga Alle ka sugnaatay:
هو الّذي أرسل رسوله بالهدى ودين الحقّ ليظهره على الدّين كلّه وكفى بالله شهيدًا(الفتح)
Aayadda:Isagu(Alle)waa ka u soo diray Rasuulkiisa hanuunka,iyo diinta xaqa ah,si ay u daboosho,oo uga kor marto diinaha kaloo dhan,Alle ayaana marag iigu filan.
Quraanka iyo diinta Alle ayaa ina baraya dariiqa hanuunka:
إن هذا القرآن يهدي للتي هي أقوم ويبشر المؤمنين الذين يعملون الصالحات أن لهم أجراً كبيراً(الإسراء)
Aayadda:Quraankani wuxu kugu hanuuninayaa jidka saxa ah,oo waxa uu ugu bushaaraynayaa muuminiinta,samaynaya camal saalix ah,oo wanaagsan,in ay leeyihiin,ajar weyn.
waxana og hanuunka dhabta ah,ee qofku hanuuno,Allihii abuuray,oo Alle wax kasta cilmi buu u leeyahay,oo wuu og yahay,illeyn Isagaa abuuray wax kasta’e:
قل كلّ يعمل على شاكلته فربّكم أعلم بمن هو أهدى سبيلا(الإسراء)
Aayadda:dheh(Rasuul Allow)cid kasti qaabkay doonto haw camal fashee,Rabbigiin ayaa og,oo u cilmi badan,ka ku hanuunsan waddada saxda ah.
Waxa Alle Ummadda u soo diray Rasuullo bara,oo u fasira sida ay dadku Allohood u caabudayaan,iyo sida ay noloshooda oo dhan,uga dhigayaan mid waafaqsan manhajka Alle u dhigay:
وأطيعوا الله وأطيعوا الّرسول فإن توليتم فإنّما على رسولنا البلاغ المبين(التغابن)
Aayadda:Adeeca Alle,oo adeeca Rasuulka,haddii aad diiddaan,oo dhabar jeedisaan, waxa Rasuulka korkiisa ah,gaadhsiin cad keliya.
Qofkii ku hanuuna xaqa,ee adeeca amarka Alle,iyo amara Rasuulka wuxu naftiisa u horseeday wanaag,iyo khayr,oo naf kastaaba gaarkeed bay u helaysaa,waxa ay shaqaystay,iyo hanuunkeeda:
من اهتدى فإنّما يهتدي لنفسه ومن ضلّ فإنّما يضلّ عليها ولا تزر وازرةٌ وزر أخرى (الإسراء)
Aayadda:kii hanuunaa,wuxu hanuuniyey,oo hadeeyey naftiisa,kii baadiyooba,oo lumaana naftiisa ayuu lumiyey,oo nafina denbiga ay naf kale leedahay,ma xambaarto, oo looma raaco.
Dadka hanuuna,ee Alle Jannada abaal uga dhigo,waxay mar kasta sameeyaan shukri iyo mahad naq,ay Allohood uga mahadinayaan,hanuunkaa uu siiyey,ee ay Jannada ku heleen:
وقالوا الحمد لله الّذي هدانا لهذا وما كنّا لنهتدى لو لا أن هدانا الله لقد جاءت رسل ربّنا بالحقّ ونودوا أن تلكم الجنّة أورثموها بما كنتم تعملون(ألأعراف)
Aayadda:waxa ay yidhaahdaan Alxamdulillaah,waxa mahad leh,Allihii na hadeeyey,ma aanu ahaanneen kuwa hanuuna,oo hadooba,haddii aan Alle na hadaynin,oo na hanuunin,xaqiiqa’e waxa Rususha Alle la yimaaddeen xaq,oo waxa loogu baaqayaa,looguna dhawaaqayaa;waa taas Jannadii aad ku dhaxasheen,camalkii aad samayn jirteen.
Qofka muslinka ah,ee Alle hadeeyey,haddii uu la kulmo dhib,ka soo gaadha gaalada waa in uu u sabraa,oo Allihii hadeeyey talosaartaa,Isagaa ilaalinayee:
وما لنا أللا نتوكل على الله وقد هدانا سبلنا ولنصبرنّ على ما ءاذيتمونا وعلى الله فليتوكل المتوكلون(إبراهيم)
Aayadda:maxannu Alle u talosaaran weyney,Isagaaba na hadeeyey,oo na hununiyeye oo waa in aannu u sabirnaa dhibta aad noo geysanaysaan,oo Alle ha tala saarteen,oo ha tawakuleen,kuwa cid talosaaranayaa.
Waxa jira dadka kuwo hawadooda raaca,oo aan hammigooduba xaqa,iyo waxa loo abuuray danayn,oo nolosha Adduunku u tahay yoolka,iyo hadafkooda:
أفرأيت من اتّخذ إلـهه هواه وأضله الله على علم وختم على سمعه وقلبه وجعل على بصره غشاوة فمن يهديه من بعد الله أفلا تذكرون(الجاثية)
Aayadda:ka warran qofka ka yeelanaya hawadiisa Illaah,ee Alla lumiyey,lumin cad,oo Alle daboolay maqalkiisa,iyo qalbigiisa,oo ka dhigay mid araggiisa dabool saran yahay,oo yaa hadaynaya,oo hanuuninaya Alle ka sokow,waar miyaanay fekeraynin.
Dadkaa lumay,ee baadiyoobey waxay hanuunka ka door bideen,baadida,iyo lumista:
أُولئك الّذين اشتروا الضّلالة بالهدى فما ربّحت تجارتهم وما كانوا مهتدين(البقرة)
Aayadda:kuwaasi waa kuwii ku iibsaday hanuunkii baadinimo,oo wax faa’iido ah ganacsigoodu ma laha,oo ma faa’idayaan,mana aha kuwo hanuunaya.
Dadka lunsani waxay ku mashquulsan yihiin,oo ku maqan yihiin,nolosha Adduunka iyo daba orodkeeda,haddaad waani is tidhaahdona kaa qaadan maayaan:
قالوا سواء علينا أوعظت أم لم تكونوا من الواعظين (الشعراء)
Aayadda:waxay odhanayaan waa isugu kaayo mid,haddaad na waaniso,iyo haddaanad na waaninba.
Dadkaa Alle caasiyey,ee hanuunka ka doortay,kuna iibsaday baadinimada,iyo lumistu waa kuwo war moog ah,oo khaladkooda iskula wanaagsan,isuna haysta kuwo fiican:
هل ننبئكم بالأخسرين أعمالا الّذين ضلّ سعيهم في الحيّاة الدّنيا وهم يحسبون أنّهم يحسنون صنعًا أولئك الّذين كفروا بأيات ربّهم ولقائه فحبطت أعمالهم فلا نقيم لهم يوم القيامة وزنًا(الكهف)
Aayadda:ma idiinka warramaa kuwa camalkoodu khasaaray,waa kuwa nolosha adduunka u ordaya,ee isu malaynaya in ay wanaag falayaan,iyagoo xumo ku jira, kuwaasi waa kuwa beeneeyey Aayadaha Rabbigood,iyo la kulankiisa qiyaamaha, markaasay burtey oo burburtay shaqadoodii iyo waxqabadkoodii,oo wax qiimo ah, ama miisaan ah,oo ay leeyihiin qiyaamaha ma jirto.
Gaalada iyo dadkan lumay haddi aad is tidhaahdo xaqa u sheeg,hadalkaagu uma dhacayo,oo uma daadegayo,waxad moodaysaa in ay ku maqlayaan,oo ku soo eegayaan,laakiin qalbigooda ayaa hanuunka ka daboolan:
وإن تدعوهم إلى الهدى لا يسمعون وتراهم ينظرون إليك وهم لا يبصرون(الأعراف)
Aayadda:haddaad ugu yeedho hanuunka,kuma maqlayaan,waxadna aragtaa iyagoo ku soo eegaya,oo ku fiirinaya,iyagoo ah kuwo aan waxba arkayn(oo aanu khayrku u muuqanayn).
Waa waajib ina wada saran,in aynu dadka hanuunka ugu yeedhno,oo khayrka u sheegno,kii Alle hadaynayo ayuun baa hadoobaya,oo hanuunaya’e,waxad ogaataa in ay jiraan,dad aan hanuunayn,oo lunsan,si kastaba ugu dadaal in ay khayrka,iyo hanuunka raacaane:
ومنهم من يستمعون إليك أفأنت تسمع الصّمّ ولو كانوا لا يعقلون ومنهم من ينظر إليك أفأنت تهدى العمي ولو كانوا لا يبصرون(يونس)
Aayadda:waxa ka mid ah,kuwo ku dhegaysanaya,oo miyaad maqashiin karaysaa,kuwo dhega la’,haddii aanay caqli qaadanayn,oo waxa ka mid kuwo ku soo fiirinaya,oo ku soo eegaya,oo miyaad hadeeynaysaa,oo hanuuninaysaa kuwo indha la’,haddaanay waxba arkayn(xaqa haddaanay arkayn).
Qofka muslinka ah,ee hanuunka Alle ku mannaystay,waa in uu dadka kale dhamaan, la wada jeclaadaa hanuunka,oo isagoo dadka khayrka ugu yeedhaya,uu adeegsadaa dariiq wanaagsan,oo aan xoogxoog ahayn,maagid iyo dhibina aanay ku jirin,ee ay ka muuqato naseexo,iyo hogatusaalayn debecsan,isagu kama masuul aha,hanuunka qofkaa,laakiin waa in uu gaadhsiiyaa xaqa,oo dariiqo wanaagsan ku gaadhsiiyaa:
ولو شاء ربّك لأمن من في الأرض كلّهم جميعاً أفأنت تكره النّاس حتّى يكونوا مؤمنين(يونس)
Aayadda:haddii Rabbigaa doono waxa dad dhulka joogaaba Alle way rumayn lahaayeen,oo xaqa raaci lahaayeen,ma waxad dadka ku dirqiyaysaa,oo ku khasbaysaa, kuna karhaysaa,in ay muuminiin noqdaan.
Adiga in aad gudbiso,oo xaqa dadka si fiican,oo debecsan ugu sheegto ayaa kula gudboon,Alle ayaa hadayn kara,oo hanuunin kara dadka:
وما أكثر النّاس ولو حرصت بمؤمنين(يوسف)
Aayadda:dadka intiisa badan kuwo hanuunaya,oo muuminiin noqonaya ma aha, inkasta oo aad ku dadaasho,in aad xaqa u sheegto,oo waaniso.
Bal arrinka,iyo xaalka,ay ku dhamaanayso dadka hanuunka diida,ee baadiyooba aan wax ka milicsanno:
ويوم يحشرهم كأن لم يلبثوا إلا ساعة من النّهار يتعارفون بينهم قد خسر الّذين كذّبوا بلقاء الله وما كانوا مهتدين(يونس)
Aayadda:maalinta dhamaan la soo xaadirinayo,ee la soo wada saarayo,waxad mooddaa in aanay saacad keliya oo maalinta ka mid ah Adduunka soo joogin, dhexdooda way is garan doonaan,waxa xaqiiqadii khasaaray kuwa beeniyay,in ay nala kulmi doonaan(Qiyaamaha),mana ay ahayn kuwo hanuuna.
Abaal marinta Alle siiyo,dadka jidkiisa ku hanuuna,ee Alle ku hadeeyo xaqa,waxa ka mid ah Janno,ay ka mabsuudaan,oo Alle uga mahadnaqaan:
إنّ الّذين ءامنوا وعملوا الصّالحات وعملوا الصّالحات يهديهم ربّهم بإيمانهم تجري من تحتهم الأنهار في جنّات النّعيم دعواهم فيها سبحانك اللهمّ وتحيّتهم فيها سلام وءاخر دعواهم أن الحمد لله ربّ العالمين(يونس)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,ee sameeya camalka wanaagsan,Alle ayaa iimaankooda ku hadeeya,oo ku hanuuniya Jannooyin nimco ah,oo ay webiyo hoostooda marayaan,yeedhmadooda iyo odhaahdoodu waa Allow adaa nasahan,waxa ay isku salaamayaanna,waa salaam,waxa ugu dambaysa,ee ay odhanayaan waa mahad Alle ayaa iska leh,caalamiinta Rabbigooda.
Taqwada ama cabsida Eebbe waa dhuuxa iimaanka,oo waxay qofka ku hoggaamista camalka wanaagsan,waxanay ka reebtaa xumaha,oo marka qofku hanuunka la yimaaddo,waxa uu gaadhayaa heer uu gaadho cabsida Alle,oo ka dhigto hugiisa oo kale,taqwada qofku wuxu ku kasbadaa, in uu helo Alle raalliinyihiisa,iyo Alle raxmaddiisa iyo denbi dhaafkiisa,waxa qofka Alle keliya ka cabsada,ee u caabuda sidii uu arkaayo,oo niyadiisa iyo khushuuciisa oo dhan ka dhiga mid la nool cibaadada Eebbe,waxa hubaal ah,oo Alle ballan qaaday,in qofka arrinkaa laga helo,ay u waajibtey janno,iyo wanaag uu Ifka ku noolaado,oo wax kasta Alle u fududeeyo,oo ku gacan qabto cibaadadaa,uu u gudanayo sida niyadda ah,iyo taqwadaa dhabta ah,ee uu Alle ka cabsanayo:
يا أيّها الّذين ءامنوا اتّقوا الله حقّ تقاته ولا تموتنّ إلا وأنتم مسلمون (العمران)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,Alle ka cabsada,cabsida teeda xaqa ah,ka cabsada,oo Alle ka baqa,oo ha dhimanina idinkoo muslimiin ah mooyee.
Mar kasta waxa Alle inagu boorrinayaa cabsidiisa,iyo taqwadiisa:
وتزّودوا فإنّ خير الزّاد التّقوى واتّقوني يا أُولى الألباب(البقرة)
Aayadda:ka dhigta cabsida saad,waxa saadka ugu khayr badan saadka cabsida’e,oo iga baqa,kuwa qalbiga iyo caqliga lehoow.
Waxa dhamaan Rusushii Alle inoo soo diray,ina farayeen,oo dadka u sheegayeen,in Alle laga baqo,oo taqwo lala yimaaddo:
فاتّقوا الله وأطيعون وما أسئلكم عليه من أجر إن أجري إلا على ربّ العالمين(الشعراء)
Aayadda:Alle ka cabsada,oo i adeeca,idinma weydiinayo xoolo,iyo ajartoonna,aniga ajarkayga xagga Rabbiga caalamiinta ayuu iiga sugnaaday.
Qofka muslinka ah,waxa laga rabaa,in uu camal wanaagsan sameeyo,sida salaadda oo uu Allena ka baqo,oo ka cabsado:
وأن أقيموا الصّلاة واتّقوه وهو الّذي إليه ترجعون(الأنعام)
Aayadda:waa in aad salaadda oogtaan,oo tukataan,oo Allena ka cabsataan,oo ka baqdaan,xaggiisa ayaad u noqon doontaane.
Waxa manhaj ahaan Alle Ummadda u dhigay,oo u jideeyey,in ay dadku cabsida Eebbe isku kaalmaystaan,oo isku taageeraan,kuna wada dhaqmaan:
وتعاونوا على البر والتّقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان(المائدة)
Aayadda:isku caawiya,oo isku kaashada wanaagga,iyo cabsida,oo ha isku caawinina denbiga,iyo cadawtinimada.
Ka fogaanta,iyo ka dheeraanta xumaha,oo aad iska ilaaliso,waxa ay caddaynaysaa,in taqwadaada iyo cabsidaadu miisaaman tahay,oo ay wanaagsan tahay:
وقهم السّيئات ومن تقي السّيّئات يومئذ فقد رحمته وذالك هو الفوز العظيم(غافر)
Aayadda:iska ilaaliya xumaha,qofka iska ilaaliya xumuha,oo ka baqdaa,maalinta qiyaamaha Alle wuu u naxariisanayaa,oo arrinkaasi waa guul weyn.
Dadku waa in ay Alle ka baqaan,oo xusuustaan in ay jirto maalin la xisaabinayo:
واتّقوا يوماً ترجعون فيه إلى الله ثمّ توفّى كلّ نفس ما كسبت وهم لا يظلمون (البقرة)
Aayadda:ka baqa maalin aad xagga Alle u noqonaysaan,oo naf kasta loo oofinayo,oo ay helayso,wixii ay kasbatay,iyadoo aan la dulmiyaynin.
Aakhiro qofna qof wax uma qaban karo,wuxu helayaa qof kasti camalkiisii:
واتّقوا يوماً لا تجزي نفس عن نفس شيئاً ولا يقبل منها شفاعة ولا يؤخذ منها عدلٌ ولاهم ينصرون(البقرة)
Aayadda:ka baqa maalin aanay nafina naf wax u qabanayn,oo aan shafeeco laga aqbalyn,oo aan waxba la weydiinayn,oo cidina u gargaarayn.
Alle subxaana watacaalaa,wuxu ina farayaa,in aynu cabsi iyo taqwo lahaanno,oo eegno,oo nafteenna sii xisaabino,si berri waxa aynu la kulmaynaa,u noqdo abaal marin wanaagsan,iyo janno.
يا أيّها الّذين ءامنوا اتّقوا الله ولتنظر نفس ما قدمت لغد واتّقوا الله إنّ الله خبير بما تعملون (الحشر)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,Alle ka baqa,oo naftu ha eegto waxa ay berri u horomarsanayso,oo Alle ka cabsada,Alle wuxu u yahay khabiir,oo wuu ogyahay,waxa aad samaynaysaane.
Qofka muslinka ahi,waa in uu adeecaa amarka Eebbe,oo uu u shaqaystaa maalinta aan camalkiisa iyo taqwadiisa mooyee,aan wax kale waxba taraynin,oo carruurtiisu aanay xataa waxba u qaban karin,ee isaga iyo cabsidiisii,iyo camalkiisii ay noqonayso:
يا أيّها النّاس اتّقوا ربّكم واخشوا يوما لا يجزي والدٌ عن ولده ولا مولودٌ هو جاز عن والده شيئًا إنّ وعد الله حقّ فلا يغرّنّكم الحياة الدّنيا ولا يغرّنّكم بالله الغرور (لقمان)
Aayadda:dadyohow Rabbigiina ka baqa,oo ka cabsada maalinta aan Aabbena ilmihiisa,wax u taraynin,Ilmuhuna aanu Aabbihii waxba u qabanaynin,Alle ballantiisu waa xaq,ee yaanay idin dagin nolosha dunidu,oo xagga Alle idinka dagin.
Waxa Illaahay Isagaa korreeyee inoo sheegayaa in cabsida iyo taqwadu la mid yihiin, huga ama dharka la xidho,oo qofku qalbigiisa ka huwanayo cabsida Eebbe,oo wax kasta,oo uu qabanayo,u qabanayo isagoo Alle ka cabsanayo,oo in Alle arkayo og:
{ يَا بَنِي آدَمَ قَدْ أَنزَلْنَا عَلَيْكُمْ لِبَاسًا يُوَارِي سَوْءَاتِكُمْ وَرِيشًا وَلِبَاسُ التَّقْوَىَ ذَلِكَ خَيْرٌ )[ الأعراف)
Aayadda:Bini-aadamkow waxannu xaqiiqadii idiin soo dejinney,dhar aad ku qarsataan,xumihiinna(cawrooyinkiinna),iyo baalal,dharka cabsida ayaana ah ka khayrka badan.
Qofka cabsada,ee Allihisa ka baqaa,waxa uu helayaa abaalgud Ifka iyo Aakhiroba ah:
يا أيّها الّذين ءامنوا اتّقوا الله وقولوا قولا سديدًا يصلح لكم أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم)الأحزاب
Aayadda: kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,Alle ka baqa,oo dheha hadal iyo qowl wanaagsan,Alle ayaa idiin wanaajinaya camalkiinna’e,oo denbigiinnana dhaafaya’e.
Dadka Alle aan ka cabsan,ee ku gaaloobay,waxa duufsaday,oo ay raaceen Shaydaanka,iyo hawadooda,oo haddii aad Alla ka cabsi ugu yeedho,way kibrayan:
وإذا قيل له اتّق الله أخذته العزة بالإثم فحسبه جهنّم ولبئس المهاد(البقرة)
Aayadda:haddii lagu yidhaahdo Alle ka baq,oo Alle ka cabso,waxa qaadaysa kibir,iyo is weyneyn denbi ah,waxa ku filan Jahanama,oo ah meesha ugu xun hooy,ama meel loo noqdo.
Shaydaanku wuxu baqa geliyaa,dadka raaca,ee uu hufsado,ee gaalada ka dhigo,dadka muslinka ahise cid aan Alle ahayn kama baqaan,oo kama cabsadaan::
إنّما ذالكم الشيطان يخوف أوليائه فلا تخافوهم وخافون إن كنتم مؤمنين(العمران)
Aayadda:kaasi waa Shaydaanka baqa gelinaya,kuwa la jira,ee raacay,ha ka biqina,ee aniga iga baqa,haddaad tihiin kuwo muuminiin ah.
Cidda Alle ka baqda,ee cabsi iyo taqwo la timaadda Alle wuxu ugu ballan qaaday,in uu la jirayo,oo wehel u yahay:
ألا إنّ أولياء الله لا خوف عليهم ولا هم يحزنون الّذين ءامنوا وكانوا يتّقون لهم البشرى في الحيّاة الدّنيا وفي الآخرة لا تبديل لكلمات الله ذالك هو الفوز العظيم(يونس)
Aayadda:waar hooy awliyada Alle,ma aha dushooda wax baqdin ah,iyo murugo midnaba,kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,ee ahaa kuwo cabsada,waxay leeyihiin bushaarooyin,ah nolosha dunida iyo Aakhiroba,kelmedaha Alle lama beddeli karo,oo arrinkaasi waa guul weyn.
قل متاع الدّنيا قليل والأخرة خير لمن اتّقى ولا تظلمون فتيلا (النسّاء)
Aayadda:waxad tidhaahdaa(Nebi Allow)raaxada Adduunku waa wax yar,oo kooban, oo Aakhiro ayaa u khayr badan kii Alle ka cabsanaya,iyadoo aan wax yar qofna laga dulmiyaynin.
Muslinka Alle taqwadiisa iyo cabsiddisa,ku dhaqma,ee qabatima waxa Alle ku abaal mariyaa,in uu geliyo Jannadiisa,aan ilina arag,dhegina maqal,oo aan qofna maskaxdiisa ku soo dhicin,oo aan qiimeheeda Alle mooyee cid kale garanayn:
مثل الجنّة الّتي أعدّ للمتّقون فيها أنهارُ من ماء غير ءاسن وأنهارٌ من لبن لم يتغير طعمه وأنهارٌ من خمر لذّة للشاربين وأنهارٌ من عسل مصفًّى ولهم فيها من كلّ الثمرات ومغفرة من ربّهم كمن هو خالدٌ في النّار وسقوا ماءً حميمًا فقطع أمعاءهم(محمد)
Aayadda:Jannada loo diyaariyey kuwa cabsada,ee mutaqiinta ahi,waxa ay la mid tahay,mid ay dhexdeeda yihiin webiyo biyo ah,oo aan istaageyn,oo xumaanayn,iyo webiyo caano ah,oo dhadhankoodu aanu is beddelayn,iyo webiyo khamri ah,oo cabbitaankoodu macaan yahay,iyo webiyo malab ah,oo saafi ah, waxa sidoo kale Jannada ay ka helayaa nooc kasta,oo midhaha ah,iyo denbi dhaafka Rabbigood,sida kuwii cabsan waayey ay ugu waarayaan Naarta,oo la waraabinayo biyo kulul oo jarjaraya xiidmohooda.
Qofkii Alle ka cabsada,waxa Illaahay u fududeeyaa,nolosha oo wuxu u waasiciyaa irsaaqda,oo meelo aanu ka filayn ka siiyaa:
ومن يتق الله يجعل له مخرجا وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ “(الطلاق)
Aayadda:kii Alle ka cabsada,ee ka baqda,waxa Alle u sameeyaa makhraj,iyo jid uu dhibaatada kaga baxo,wuxuna ka irsaaqaa,meel aanu ka filaynin,oo qofkii Alle talosaarta,Isagaa Alle ku filan qofkaa.
Alle haddii aad ka cabsato,oo ka baqdo wuxu ku siinayaa denbi dhaaf,oo Alle quluubta,ayuu daalacanayaa,oo ogyahay kii ka cabsanaya,ee taqwo la yimaadda:
ومن يتق الله يكفر عنه سيئاته ويعظم له أجراً( الطلاق)
Aayadda:kii Alle ka cabsada,ee ka baqda,waxa Alle dhaafaa denbiyadiisa,oo ajarkiisana weyneeyaa.
Alle wuxu mar kasta weheliyaa,oo la jiraa,kuwa ka cabsada,ee ixsaanka fala:
إنّ الله مع الّذين اتّقوا والّذين هم محسنون(النحل)
Aayadda:Alle wuxu la jiraa,oo wehel u yahay kuwa cabsada,ee ah kuwa ixsaankana sameeya.
Cidda Alle keligii ka baqda,oo ka cabsataa,wax kasta oo ay qabanayaanna ku saleeya taqwada,iyo cabsida Eebbe,waxa gargaar iyo gacan qabasho,iyo waxtarba ugu filan Allaha weyn,ee ay kelidii caabudayaan,ee ka cabsanayaan:
أليس الله بكاف عبده ويخوفون بالّذين من دونه ومن يضلل الله فما له من هاد ومن يهد الله فما له من مضلّ أليس الله بعزيز ذي انتقام(الزمر)
Aayadda:miyaanuu Illaahay addoonkiisa ku filnayn,waxay kugu bajinayaan waxyaalo kale,oo aan Alle ahayn,kii Alle lumiyo,ee baadiyooba,cidina ma hadayn karayso,kii Alle hadeeyo,ee hanuunana cidi ma lumin karayso,miyanu Alle ahayn mid aargoosigiisu daran yahay,mayee wuu yahaye.
Waxan Allaha awoodda leh,ka baryaynaa in uu innagu hanuuniyo jidka xaqa ah,oo inaga yeelo kuwa keligii ka cabsata,ee noloshoodu taqwada iyo cabsida Eebbe ku dhisan tahay.Aamiin,Aamiin,Aamiin
Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w