articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

GEESHKA-YAGOOW GUULAYSTA…W/Q: SHOOTALY
posted by: Togaherer Team

GEESHKA-YAGOOW GUULAYSTA! Maanta oo ay bisha feebarweri tahay 02/02/2010 waxay tahay 16 guuraddii la asaasay ciidanka xooga dalka somaliland, markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye, aasaaka-na loo dhigay jamhuuriyada aynu imika ku intifaacnay, waa maalin weyn oo uu cadaw ka naxo, gacal iyo asxaabina ay ku farxaan, waa maalin aynu ku fani karo cudud iyo awood aan cid ina handadi kartaa jirin, waa maalin uu xooga aynu lee-nahay ay difaaci karto weerar inaga-ga yimaada shisheeye oo aynu deris u dhigi karno lama ilaawaan ah, waa maalin tirada ciidamada somaliland ay ku filan yihiin in ay xuduuda aynu lee-nahay nacab ka weeraan si wacana u muquuniyaan, waa ilaahay mahaddii iyo wax lagu shukri naqo, oo aanay jirin xoog la inoo sheegtaa, ee raboow gargaar ma aha ciidan duulaan ku haya cidna, ma jirto dhul durugsi ay wadaan ama doonayaan, wixii nabad rabana waa malin ay tuseen in ay garab taagan yihiin, waa ciidan ku faanaaya ciidooda iyo umadooda in ay ilaaliyaan oo ka hor jooga cid kasta oo u soo bu’da, una leh khibrad iyo aqoon ay ku difaacaan dalkooda iyo dal-kooda intaba oo aan looga baqayn in laga gacan sareeyo wax  kasta oo dhaca, umada reer somaliland-na ay garab joogaan hiil iyo hooba, wxa aan halkan ku qorayaa hees uu qaadi jiray ilaah naxariistiisa ha ka waraabiyo’e fanankii weynaa maxamed yuusuf, waa hees la tiriyey 1964kii markii ay maauladdii somaliya kula jireen dagaalka dawladdii itoobiya, heestan oo sare u kicisay niyaddii ciidankii somalida oo markaas tiro iyo tayaba aad u yaraa laakiin ka guulaystay kuwii soo jireenka ahaa ee dawladdii guunka ahayd ee itoobiya, waana tan heestii ee la soco akhristoow:-                                               “Bayd walba laba jeer baa lagu celiyaa marka la qaadaayo”                    (1)               Goortaan arkaba waa geediyoo,                                       iyo galab caroow gucle roorayaa,                                       Gobanimada-yada geeshkaa hayee ,                                       Waxay kuu galaan waa inad gudaa,                   (2)               Gunti waxa sitiyo gambo waxa xidhaa,                                      Gidi-good ku jecel oo kuu gurmada,                                      Gobanimada-yada geeshkaa hayee,                                       waxay kuu galaan waa inad gudaa.Waa hees aad u qiimo badan oo uu tiriyey ilaah janada ha ka waraabiyo’e abwaankii weynaa ee maxamed cumar huryo, isga oo la tiriyey hees kale oo uu qaado  maamed axmed kuluc oo ay midhaheeda ka mid ahaayeen kuwani:-          (1)                 Hawd iyo danood haadame mee,                               Ma hulaanji baa cadwggii hayaa,                               Wallee nin hurdoow haloowday dantaa,                               Hadhoowna dib looma heli karo.        (2)                    Herer baan lahaa aad hawl geshide,                                Saw anaa hurdee haanka laysma jarin,                                Wallee nin hurdoow haloowday dantaa ,                                 Hadhoowna dib looma heli karo.Waxan maqaalkan yar aan ku soo xidhayaa aniga oo u hamaliyaye-naya xogga dalka somaliland maalinta ciidooda lahna ilaah ha idinka dhigo kuwii mar walba ka gacan sareeya cadawgooda xoog kasta oo uu lee-yahayba, kuwii ka ilaaliya ciidooda dheg xumo, xaqiraad, iyo in hoos loo dhigo ee mar walba shrafta ku dhinta, noqda gaadh haye biixi adag ah oo aan la loodin karin, gaashaanka u qabta gardaro kasta oo loola yimaado, ku waara xoriyada buura ah oo ay ku farxaan umada ku dhaadanaysaa, haddii aan nahay umada reer somaliland meel ay joogaan-ba gudaha iyo debeda-ba waan idin barbar taaganahay ee cimrigiin ha jiro, cadawgiin ha jabo, gacal ha waayina, guuli guud-kiina ha ahaato meel kasta oo aad joogtaan-ba, noqda kuwii na ciil tira ee suga nabada iyo amaankadalka iyo dadkaba, ilaaliya calanka idin guud sudhan ee uu tawxiidku ku qoran yahay, rabbi baa idinla jira’e. AAAAAAAAAAAAAAAAAAA MMMMMMMMMMMMMMMMMMMMM IIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIII NNNNNNNNNNNNNNNNNNNNN. *N .B  Caaway eg-tahay aan ciyaaroo, kuwada ciidnee caafimaadsan.abdi-shotaly,


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo
Web Stats