Ka dib Munaasabad balaaran oo ka dhacday Magaaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo ay ka soo qaybgaleen Qayb ka mid ah Saraakiisha ugu Saraysa ee Al-Shabaab iyo Saraakiisha Kooxda Raaskambooni ayaa Waxaa lagu soo bandhigay Heshiisyo ku aadan Midowga Kooxda Raaskambooni iyo Shabaab oo ku midoobay magaca Al shabaab.
Goobta ay ka dhcday Munaasabadan ayaa Waxaa Goobjoog ahaa Madax Sarsare oo ka Tirsan Al shabaab oo uu ka mid yahay Sh.Fu’aad Maxamed qalaf (shangoole) Sh.cabdiqaadir Cabdilahi Maxamed Sh.Ibraahiim oo ka Socday dhaqdhaqaaqa Al shabaab halka Kooxda Raaskambooni oo ka Tirsanayd Kooxda Xisbul islaam ay u Joogeen Xubno uu ka mid ahaa Sh.Xasan Cabdalahi Xirsi (Xasan Turki) oo ahaa Hogaamiyaha Raaskambooni Maxamed Maxamud Cali (Dulyadeen).
Sh.Fuad Maxamed Qalaf oo ka tirsan Saraakiisha Al Shabaab ayaa goobta uu kulanka ka socday ka aqriyay Qodobo ay labada dhinac ay qalin uu kuwada duugeen oo ka koobnaa 5 Qodob oo ay ka mid ahaayeen:
Maxamed Maxamud Cali dulyadeen oo ka Mid ahaa Saraakiisha Raaskambooni oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in arrintani ay tahay sida uu hadalka u dhigay mid dhiiri galinaysa.
Waxaana uu ugu baaqay Kooxaha Kalle ee iyagana Ka dagaalama gudaha wadanka Soomaaliya inay ku daydaan Waxaana dhinaca kalle uu sheegay in baaqani ay si ween u taageersanyihiin.
Kooxda Raaskambooni oo uu Madaxda ka ahaa Xasan Turki ayaa Horay ugu soo shaacbaxday daagaalkii magaalada Kismaayo horay ugu dhexmaray Maleeshiyaadkii ka arrimin jiray Magaalada Kismaayo uu horakci jiray Xillibiaan Bare Aadan Shire Bare Hiiraale
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa Xilli Kooxda Shabaab ay dagaalo kula jirto magaalada Muqdisho Ciidamada DFKMGS iyo Ciidanka AMISOM ee Midowga Afrika, halka dagaalo kale ay kula jirto Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.
Ma jirto Wax war ah oo arintan ku’aadan oo ka soo baxay hogaamiyaha Xisbul islaam Sh, Xasan Daahir Aweys oo ay dhanka Siyaasada xulafo ahaan jireen Sh.Xassan Turki kooxda uu hogaamiyo ee Raaskambooni.
Xisbul Islaam iyo Al Shabaab ayaa ku dagaalamay magaalada Kismaayo halkaasi oo horey looga saaray Kooxda Xisbul Islaam ee uu horkacayey Axmed Madoobe oo kamid ahaa kooxda Raaskambooni ee hoostagta Sh.Xassan Turki.
Isbedalka siyaasadeed ee labada kooxood ku midoobeen, ayaan la aqoon halka uu salka ku hayo walow, la saadaalinayo in arrintan ay la xariirto xaalada isbedalaya ee dagaalada koonfurta Soomaaliya ka socda.
Shalay ayey dagaalo ka dhacay deegaanada Beledxaawo iyo Dhoobley isaga horyimaadeen kooxaha isku haya gacanta ku heynta koonfurta Soomaaliya ee Ahlu Sunna Waljamaac iyo Al Shabaab.
Axmed Kulan Muqdisho