articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

GUDIDA FULINTA UK EE XISBIGA UDUB OO KULAN YEESHAY.
posted by:

Xalayto waxa kulan ku yeeshay magalada London gudida fulinta ee xisbiga talada dalka haye ee  UDUB  UK, kulankaas oo ujeedadiisu ahayd garabka haweenka ee Xisbiga UDUB oo dib u habayn lagu sameyey iyo isxogwaraysi ku saabsan sidii dardar loo gelin lahaa hawlo farabadan oo ay beryahanba wadeen.

Waxa kulankaasi ka hadlay dhamaan xubnihii kasoo qaybgalay ee gudida fulinta UK oo aad usoo dhaweyey in garabka haweenka in ay door muhiima ka qataan bulshada iyo horumarka dalka.

Gudida fulinta oo ay ka mid ahaayeen Ugaas haruun  iyo Cumar Gahayr waxa kaloo ka mid ahaa mid ka mid ah dhalinyarada kunool dalkan Engiriiska oo la yidhahdo Nagiib Maxamed Osman oo ah xubin firfircoon oo ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga UDUB  waxa uu ii sheegay in ay hawluha si wanagsan u socdaan ayna ku hawlan yihiin sidii horumar weyn loo sameyn lahaa oo ku saabsan garabka haweenka ee Xisbiga UDUB uk isagoo sheegay inay guda galeen oo ay si wanagsan hawluhu ugu socdaan.

Sikastaba ha ahaatee beryahan danbe waxa aad arkaysaa xisbiyada kuwa mucaarkada ah  oo dalka dibadiisa ka wada shirar gooni gooni ah oo xisbi kastaaba uu shirar ku qabanaayaan dalalka dibada iyagoo dhawaan la filaayo in lagu dhawaaqo wakhtiga doorashadu qabsoomi doonto.

Hamse Ahmed Salaan

London

Hamse100@yahoo.com