articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

DABA SOCOTA DOODII FURNAYD EE XAALADA SIYAASADA SOMALILAND[LABA MARDUUF CAANO HAYL IYO SONKOR KA BUUXDO MARKUU SIYAASIGII IS DHINAC DHIGAY]
posted by:

Cabdiraxmaan jaamac shotaly  mudane wax kasta aduunka maanta ways badaleen waxaynu ku jirna aduun  lugihii mijihii noqdeen madaxiina mijihii noqday.Sakaarada Biciidkii herdidey, loogu sacabbeeyGorayada waqtigi seeddiyee, daal la socon weydeyIyo Diinka saaruukha koray, sebenka weeyaaneSunta halaqa laga waalan jirey, saaka laga waayeyIyo Mulaca waabayda sida, waad la socotaane SHay kastaba wixuu uu ahaa maanta waxaad moodaa in laga badalay oo magac kale ama astaan kale lagu sheegay.

Waxaan taa uga jeedaa  xumaantiii aya waqtigan lagu sheegay wanaag, wanaagiina wuxuu noqday xumaan.Qisooyinka aan aad ula yaabay waxa ka mida asxaabta  siyaasada  ee dalka ka jira  oo  u haysta danta loo igmaday inay tahay DANTA  xisbigooda oo kaliya.Ma oga in haduu muxaafid yahay iyo haduuu mucaarid yahayba inuu  hayo xil umadeeda iyo hawl qaran masuuliyadina ka saaran tahay dalkan somaliland.

Dadka magaalooyinka waaway degan sida hargaysa , burco, boorame bebera , ceerigaabo.laascaanoood. oo kaliya maaha in la caawiyo ama   maamul joogoWaxa xaqiiqa in  tabaalo fara badani ka taagan tahay dhulka ka baxsan magaalooyinka waawayn .Dadka waalida maanka laga dooriyay oo kaliya ee degan dhulka tuulooyinka ayaa tiraba la sheegay inay kor u sii kacayso.Wax dadkaa  wax ka og ama cunto siiya ama ka damqada ma jiraan xataa haday magaalooyinka waawayn iman lahaayeen si ay uga dawarsadaan dee ma garan karaan ayagu meel magaalo ka xigto iyo meel waraabe xigo .

Qofka masuulka ah looma dooran inuu calooshiisa  oo kaliya buuxiyo maalintiina laba marduuf oo dadara is hordhigo .Caano hayl iyo qorofal lagu daray sonkortana lagu badiyayna   dhiniciisana dhigo.Kadibna halkaa sheekada  laba celiyo, —-waar haye ka waran kuwii xisbigaasi  maxay wadaan maanta………….. walaahi nimankaasi waa inagu duulaan ee waa in aynu sutida u qabanaa,,,,,,,,,,,,,,,iska daa anaa jab la maagane walaahi inay eedi taan ku dhigee.

laakiin waxaanay ogayn in dharagooda iyo haasawahoodan macaani  yahay mid laga naxo ama laga khajilo marka umadii  xilka kuu dhiibatay  waxna   HARAAD LA SURMIYEEN , WAXNA SHAQO LA,AAN IYO ADUUN LA,AAN GAAJO DUBATAYQAAR KALANA AY MIYIR BEELEEN OONAY ADUUNBA LA SOCON.halka qaarna badaha isku biimaynayaan si ay nolol u raadiyaaan Waa run sida saaxiibkay cabdulqani diiriye cali uu tilmaamay in dalkanu u baahan yahay rag  masuula oo wax u qabta tirba raga wadaada ee aad saaxiib magacawday iyo  rag kaloo badan ayaa jira oo macquula  laakiin waxaan jeclaan lahaa in aan diinta lafteeda lagu eekayn oo kaliya MASAAJIDKA  ee debada loo soo saaro dalkana  hawlihiisa iyo dhismihiisa laga qayb qaato doorna laga ciyaaro siyaasada asxaabta ee baryahan  danbe murugsan.

Waxa   xaqiiq sida  saaxiibkay mustafe aw tiriigle carabka ku dhuftay sheegayna in aan hadal badan looo baahnayn hadal badani haamo ma buuxsho.Waxaase loo baahan yahay WAXQABAD IYO HORUMAR.mustafoow sxb way jiraan qurbo joog fara badan oo si wayn u taageera  xisbiyo aan wax qabad lahayn  waana run inay tahay wax laga xumaado.Waxaadse ogaataa mustafoow damiirka bani aadamka iyo garashadu waa inta eebahay qofka ka siiyo.Ragan qurbaha jooga badankoodu waa rag  shaqo haysta iskana ladan oo aan waxba ka warwarayn, xataa kuwa aan shaqaysan waxa la siiyo SADAQO AMA SAKO  dadka gaaladu bixiyaan wiig kastana hal mar ayaa la siiyaa  inta badan maalinta   isniinta ama maalinta jimcaha ayaa la bixiyaa  SADAQADA IYO QAYBAHA  KALE EE SAKADA .marka waa rag aan dan ka lahayn somaliland iyo dhibka umada haysta  sababtuna dee ayaga dhibkaasi ma haysto SO THEY DONT CARE REALY.laakiin raga inagoo kale waxa inagu jira damiirkii dadnimo iyo wadaninimadii waxaanaynu u diir naxaynaa dadkeena iyo shacabkeena gargaarka u baahan.

Xataa hadaynu  carabka ku dhufano inta badan  raga maanta maamulka HAYA EE WASIIRADA U BADAN   EE ilaa ka masuula hay,adaha ilaa  maayarada iyo badhasaabada ilaa gudoomiyayaasha iyo  baarlamanka badankiisa dhamaan waa  QURBO JOOGII .Waana xaqiiq in badankooda dalkaba cidi ka joogin , caruurtooduna  qurbaha nolol fiican ku haystaan.HADABA  hadii xaalku sidaa yahay sheekadu ma caruurtaadana raaxo ha jaqaanbaa  caruurta dadka kalana  rafaad ha ku noolaadaanbaa?.Su,aashaa waxa ka jawaabi shacabka somaliland ee ayagu ogolaaday inay ku jiraan rafaadka iyo NOLOSHA ADAG. WABILAAHI TAWFIIQ

Siciid Cabdi Dheendheen@live.co.uk

London