articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

MAANTA KULMIYE IYO UDUB MIDNA LOOMA BAAHNA WAAYO GOOLAFTANKOODU WUXU HURINAYA DAGAALO SOKEYE OO LAGU HOOBTO
posted by: Togaherer Team

Marka hore waxan aad u salaamaya shabakada ah iyo macmiishooda maalin walba booqda, waxan idinku salaamaya salaanta islaamka o ah asalaamu calykum.

Waxan doonaya bal in an inyar wax ka idhaahdo 3 siyaasi o inagu soo kordhay oo bilaa mabd ah, kuwaaso mucaarid iyo muxaafiba leh, oo an hore u jiri jirin

Nidaamkan xisbiyada badani waxad mooda inuu yahay mid aynu ku hafanay o qoonbadani inoogu laabatahay,waxad arkeysaa inuu jahawereer ku riday siyaasiyiintii iimankoodu daciifka ahaa, kuwaaso maalin ba xisbi u sacabinaya una qeylinaya.

1. Waxad arkeysa nin siyaasi sheeganaya o weyn oo runtii mab’da sugan ba an laheyn, mudo 7sanadood ahna lahaa mucaariid baan ahey o waxan doonaya isbadal cadaalad iyo dimuqradeyda ku dhisan, islamarkan lahaa waxan ka soo horjeeda siyaasada UDUB ee cadaalada, dimuqradeyda iyo hormarkii ku rafatey ee ma dhaleyska ah, siyaasigii mudadaasi 7 sanadood  aaminsana mab’da ahaan axsaabta mucaridka ah islamarkan aha mucaariid xagjir ah eyaad arkeysa isagoo si yar oo fudud oo an ka fiirsasho la’ heyn ugu biiraya xisbiga UDUB waliba halkii u ka xishoon lahaa ee u isodhan lahaa waar bal in mudo ah isbaxnaani o is qari,ayaabada arkeysa sacado yar gudahood ninkii mucaaridka ahaa oo samceed ah codka dheer jeeni qaaran oo an dhag la qabto la heyn o ku lisaya axsaabta mucaaridka ee u saacad ka hor ka tirsanaa runtii waa caadooyinka xunxun ee inagu soo kordhey iyo mab’da la’aanta siyaasiyiinta heysata, waxana halkaasi inooga iftiimay oo cad in anu markiisi horaba anu aheyn mucaariid isbadal doon ahe ee u aha mucaariid HUNGURI DOON AH, haddii u yahay nin mab’da leh mucaariid nimadiisu run ka tahaya wuxu ku soo biiri lahaa xisbiga mucaariidka ah ee kale ee UCID, waa haddii uu inuun ey mucaariidnimado ka dhabtahay.

2. Waxakaloo la mid ah mab’daa laawayaasha mucaariidka ee an kor ku soo xusey kuwo kale oo an waxba dhaamin o ahaa mudo 7 sanadood ah xisbul xaakimka maanta talada dalka horjooga ka ah ee UDUB, waxey ka mid noqdeen kuwaasi golaha fulinta ee xukumada Rayaale islamarkan dhawr mansab ama xil soo qabtey o ah ila heer wasiir, waxeynu haddaba la wada socona maalinta u Rayaale dhabarka u jeediyo ee u xilka ka xayuubiyo ama daaqadaha ka dalacdo, eyey intey afka gacanta galinaya ey ku musanaaba shir jaraaiid baan nu qabneyna markaasey saxaafadda iyo warbaahinta isugu yeedhan waxey ku hadaaqan sir baan hayaa iyo wixi anu idin sheegi jirnay shiciboow waxba kama jiraan oo been iyo huu haa banu idinka iibinaynay Rayaalana ha dhaco, marka ey shirkaasi jar’aaid soo dhameystan waxey ku soo afjaran oo ey si yar o fudud ugu dhawaaqan waxan ku biiraya xisbiga UCID ama Kulmiye, kuwaasina waa nooca labaad ee siyaasada xisbiyada badan ku asqoobay ee markii hore na UDUB dhaarsan ahaa markii xilka laga xayuubiyayna waxaasi ku handaatacaya.

3. Qolo sadexaad baa iyan jirta o runtii inagu cusub kuwaaso xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye ka biyo diiday shirweynihiisi labaad ee lagu soo doortay gudoomiyaha Siilaanayo iyo musharax madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa kuwaaso markii u dhamaaday shirweynihii labad ee kulmiye ku dhawaaqay in ey ka baxeen xisbiga kulmiye kuwaaso qudheydu an ka mid ahaa, haddaba aakhristow UDHIS maanta waxey gidaar cidla ah la kadalooban calan ama xisbi ey ula baxeen UDHIS oo an la aqoonsaneyn sidii qaran, qoladan UDHIS waanwaan iyo rajo weyne bey  leeyihiin haddii u ilaahey waafajinayo o u diriiqa toosan tusayo, waxey heystan runtii jaanis eyka faa’iidsan karan oo ah xisbi isbada doon ah o waliba mucaariid ah, haddii reer UDHIS mucaaradnimadoodu iyo mab’da oodu uu ahaa isbada doon waxan kula talin lahaa inta an sacadu ka dhici in ey ku soo biiraan xisbiga qaran ee UCID kana faa’iideysta janiskaasi o ha in aney ila duufin, runtii waqti yar oo kooban buu albaabada xisbigu furan yahay ee ka faa’iideysta inta an la idinka xidhin, haddii waqtigu idin ka dhaco albaabada iyo daaqadahaba waa la xidhi doona o ma jiri doonto cid garaacda o laga furi doona.

Waxan dhamaan leeyahay shacabka sharafta badan si ey qarannimadeenu u badabaado codkiina siiya xisbiga UCID, maanta waad la socotan goolaaftanka iyo eedeymaha iyo xalada murugad badan ee dhex miraneysa UDUB iyo Kulmiye, waxad mooda laba dawladood o col ah o dagaal fool ka fool ihi ka dhexeyo waxan xusuustay dagaalkii xabashida hadaladii barubagaadhan ahaa ee idaacada Radio Hargeysa iyo Radhyow Muqdisho laga sii deyn jiray, maanta waa maalintii lagu baxsan lahaa xisbiga qaran ee UCID.

Haddan isku dayo eedeymaha qarannimada ka fog ee nasiib darada ah ee la isku adeegsanayo SAXAAFADA LA ISKU MARINAYO, waxa ka mid ah been abuurka ah ee xaqiiqda ka fog –  SIILAANYO WAA FADERAAL, RAYAALE WAA SOOMALIWEYNE, QARAXEYDA HADA KA DHACEYA DALKA WAXA KA MAS’UUL AH DAWLADA AMA KULMIYE, MAXAMED XAASHI MAR LABAD JEELKII MADHEERA HA LAGU CELIYO, SIILAANYO DALKA KUMA SOO NOQON KARO, HAREYSA ANAGAA LEH EE REER BARI HA KA BAXEEN CAADOOYIN XUN XUN BEY LA YIMAADEENE, KULMIYE WAA SHABAB, MADAXWEYNAHA DILKII TALIYAHA QEYBTA 12 KA DANBEYAY iwm.

Maanta shicibka labadaasi xisbi qaran codkooda siiya ee waxaasi ku hadalaya kuna hadaqay, waxey noqon doonan qaar iyagu dhabarka iska toogtay oo taariikhdu sheegi doonto, waxan hubaal ah o cad in ey dalka doonayaan in ey foodo iyo dagaalo sokeye ka huriyan. hore baa loo yidhi haddii  AFXUMO ANEY IMAN GACAN KA HADAL MUU YIMAADEEN, afxumadaasi waxa ku xigta waa gacan ka hadal, maanta soomalilandna uma baahna gacan ka hadal iyo dacaayado raqiis ah ee waxey u baahan tahay in garabka la iswada saaro o cadawga maal looga soo wada jeedo. Ninka maanta codka siiya Rayaale iyo Siilanayo waxba muu soo kordhin an ahey gaas iyo dab ood ku si shiday nabadgalyadii yareyd ee eynu heysanay. Maalinta u Rayaale dib ugu soo noqdo kursiga waxey u tahay reer kulmiye maalin madoow, maalinta u Siilanayo kursigaasi ku fadhiisto UDUB wuxu ka xiga soomaliland sida beedka ah u jabto, runtii hadaladeydaasi waa qaar xaqiiqda jirta ku saleysan ee yaan la sahlan aakhristow.

Waa bilaahi tuwfiq

Soomaliland Ha jirto o ha waarto

Omar Darood Hassan
Gudoomiyaha Guud ee Nordic – UCID.


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo