Waa maxay Siyaasad xun
Inan ayaa Abihii waydiiyay
Abihii ayaa ku yidhi Inankaygii waad yartahay way kugu adag tahay in aan kaaga jawaabo su’aashan lakiin ii ogalaw in aan jawaabta kuu dhaweeyo.
Anigu waxaan bixiyaa Lacagta Masaariifta ee Reerka sidaa awgeed waaxaan ahay Raasamaali
Hooyadaana waxa ay nidaamisaa Shaqada Guriga waxaan ugu yeedhnay Dawlad
Adiguna waa lagu masruufaa waxaad tahay Shacab
Walaalahaaga yarna waa Amalkaygii markaa waa Mustaqbalkii
Gabadha khaadimadna ee ku nool xageena danbana waa Quwada kaydsan orad inankaygiiyaw waxaan filayaa in aad heshay jawaabtii.
Habeenkaas wiilku muu seexan siduu uga fakariyay arintan, sidii ayuu habeenkii oo dhan u soo jeeday waxaa ku soo dhacayay oo uu maqlay Codkii Walaalkiisii yaraa oo Ooyaya markaas ayuu u tagay waxa uu arkay isagoo Bustihii ka dhacay markaas ayuu raadiyay Hooyadii si uu ugu sheego waxa uu arkay iyadoo ku jirta hurdo dheer markaas ayuu ku dhawaaqay hooyo –hooyo, balse may maqal Hurdo dheer awgeed, waxa uu la yaabay wiilkii marka uu arkay Aabihii oo aan la jiifin Hooyadii dhinaceeda oo aan ka muuqan , waxa uu isku dayay in uu raadiyo meesha uu tagay Aabihii markaas ayuu Inankii u dhaqaaqay xagii Qolalkii isagoo raadinaya Aabihii, aakhirkii ayuu tagay Qolkii Jaariyada markaas ayuu arkay Aabihii oo la hurada.
Maalintii labaad ayuu wiilkii Aabihii ku yidhi Aabo waan kartay macnaha Siyaasad xun, markaas ayuu Abihii ku yidhi waa maxay macnahu markaas ayuu inankii ugu jawaaba macnuhu waxaa weeye in marka Raasamaaliyadu la hurudo khaadimada, Xukuumaduna Hurudo dheer ku jirto,shacabkuna Qalaq ama dhib ku jiro musqabalkiina Mugdi galo.
Xasbuna laah wa nicmal wakiil
Hussein sulub Jama
Finland