Waxa la ogeysiinayaa dhamaan dadweynaha ku nool Hargeysa iyo naxaaxigeeda in la qaban doono kulan-suugaaneed qiimo badan oo ay ka soo qaybgalayaan kana hadli doonaan abwaanada ruug-caddaaga ah ee Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Xasan Xaaji Cabdilaahi “Xasan-Ganay” iyo Amed Aw Geeddi Muxumed.
Munaasibadan o ah mid si weyn loo soo agaasimay, waxa lagu qaban doonaa insha Allah Emperial hotel, Hargeysa, maalinimada Jimcaha habeenimada ay sabtidu soo galayso , taariikhduna ay tahay 29.01.2010, wakhtiga minaasibadda la qabanayaa waa 07:00 habeenimo, waa madal furan oo murti qaayo leh lagu soo bandhigi doono.
Haddaba ha moogaan oo ha ka maqnaan munaasibad-suugaaneedkaas taariikhiga ah, waanad ku mahadsan tihiin ka soo qaybgalkiina iyo sida wanaagsan ee aad wakhtiga u ilaalinaysaan.
Wixii faafaahin ah kala soo xidhiidh.
SICIID MAXAMUUD GAHAYR
002522 4428604
saedmgahair@hotmail.com