articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

SOMALILAND DAL NABAD KU FAANA CADAWGIISUNA XOOGANYAHAY.
posted by:

Somaliland Dal Nabad ku Faana Cadawgiisuna Xooganyahay

Nabada iyo amnigu (safety and security) waxay saldhig u yihiim nolosha iyo

deganaanshaha aadamaha meel kastuu joogo ama uu kunoolyahayba.

Somaliland ayaa kamida wadamo yar oo ilaahay ku galaday nabad.iyo deganaansho.

Nabadi inay macaantay nin colaadi daashatay uunbaa og, bal aan dib uraacdno raad raaca taariikhda Somaliland waa dal ku caana xorrnimo jacaylka iyo inay gees iskaga leexshaan heeryadii gumaysiga ingiriiska ,halyeeyadii ka dhexmuuqday gobonimadoonka waxaa kamid ahaa alaaha unaxariisto dhamaantoodba Cabdulaahi Ciise Maxamuud, Cabdulaahi Suldaan Tima cade, C/qaadir Sakhaawadiin. Cismaan Geedi Raage iyo dhamaan halyeeyadii abwaanintii iyo muwaadiniintii u soo halgantay , runtii gobanimadu waa door nabaduna waa salkeedii, nabad la’aani waa nolol la’aan.

Tan iyo intii kasoo wareegtay shirwaynihii 3aad ee beelaha Somaliland ku heshiiyeen waxay Somaliland ku naaloonaysay nabad-galyo iyo amni si fiican u hano qaaday oo ay ku faanto, kana dhex muuqato gayiga Geeska Afrika, oo ah mandaqad ku caana Colaado, Dagaalo-sokeeye,Qaxoonti iyo Barokac.

NABAD LA’AANI WAA NOLOL LA’AAN

NABAD BAA NAAS LANUUGO LEH

NABAD IYO CAANO

RAG GOGOSHII WAA NABAD.

Weedhahani waa maahmaahyo iyo murti la adeegsado markasta oo laga hadlaayo nabada iyo amniga.

Waxaa mahad iska leh ilaahay iyo dhamaan halyeeyadii u hibeeyay naftooda kana qayb qaatay nabadaynta Somaliland oo ay ugu horeeyaan mujaahidiintii dhiigooda u huray,madax dhaqameedyadii , abwaanada, aqoonyahanka iyo haweenka oo qayb libaax ka qaatay aasaaska nabada Somaliland .

Waxaynu dhamaanteen wada ognahay in Somaliland ay leedahay cadaw heegan ugu jira sidii ay u wax yeelayn lahaayeen shacabka ,khalkhalna ugalinlahaayeen , habsami u socodka nabada ,kana xun horumarkeena dhaqaale,ganacsi,waxbarasho heer walba leh oo ay gaadhay Somaliland .

Markasta oo aynu inagu hoos isu eegno waa markasta oo cadawgeenu firfircooni helaayo inagana faa iidaysanaayo waxaan shacabwaynaha reer Somaliland leeyahay ahaada ku wadankooda hooyo jecel.qofkasta oo muwaadinii waa inuu gacan bir leh ku qabto qofkii nabadeena wax u dhimaaya waxaan mahad iyo maamuus iska leh ciidamadeena qaranka eeku dibjiraaya buuraha iyo qawyada dhaxanta ,roobka iyo kulaylku ku hayo xuduudaha iyo meelaha magaalooyinka ka fog ,waxaan la ‘ilaawi karin ciidamadeena poliska ee goorwalba gaaf wareegaaya.

wadanku wuu idin hayaa abaalka shacabkeenuna wuu idin jecelyahay dadaalka halkaa kasii wada, guntii iyo gabo gabadii hadii aanay nabadi jirin Somaliland majirteen.

Qallinkii: Nafiisa Muuse C/laahi (nafta) nafta_89@hotmail.com

iyo

Xamse Suldan Aden Faarax xamse101@hotmail.com