qudbadey ninba sii kuu maqal!!!
INA AAR IYO DHIDAR waa laba nin oo saxibo ah mudooyinkii horena ka ganacsanjirey qaadka iminkana da’du hayso,waxa ay labada gelin iyo fiidka hore ku kulmaan maqaaxi ay ka sheekeeyaan kuna dhageystaan idaacadaha iyo televisionada ,xooga siyaasada iyo faaqidaada ciyaaruhuna ay yihiin yoolka keliya ee ay inta badan ku caweeyaan ama ay falanqeeyaanba.
Ina Aar; waar bal warama maxaad caawa ku soo hoyateen
Ina Dhidar; waar maxaad la qiixsantahaya yaa ku eryahana
Ina Aar; waar bbc-da ayaan isleeyahay yaaney ku dhaafin ,soo ninkii ina riyaale maanta taydh muusiideyn wuxuu aamusnaadaba,horaa loo yidhi “hadaal aan fiiro loo dhihin iyo caano aan fiiqsi loo dhamin feedhaha ayey waxyeelaan”
Ina dhidar; waar iminkaad madaxweynaha sharafta leh wax ka sheegiye odeyga nin ka hadal odhan ogi idinkuma jiree maxaad soo maqashey ee aad caawa ku sheekeyn
Ina Aar;horta inaad dhageysateen mooyaane wuxuu aamusnaado odeygii aw-riyaale maantu shir jaraa id qabtey waa ninka wixii uu ka hadlaayey ee uu weriyayaasha isugu soo ururiyey ay dhaafiwaayeen cay,aflagaado,hanjabaad,dacaayada caato ah,iyo hinaase uu ka qaadey axmed siilaanyo oo lagu casuumey white house kii iyo pentgonka gaashaandhiga dowlada mareykanka ee halkaas lagaga dhageystey xaalada somaliland , kuna dartoo safaaradihii caalamka ee ethiopia ku yaaleyna ay wasiiradiisii u diideen vise ay kuraad guraan gudoomiyaha.
Ina Dhidar; waa beenta iska daa cimrigaas baad jirtaya dadka xaqiiqada u sheeg qofwaliba wuu dhageysaneeyey oo waxaan wanaag ahayn muu sheegine ,idinkaba mucaarad ahaan waa tii laydinkaga shakiyey ineydun federal wadaane ee la yidhi somaliland nimadiina calaamad su aal baa saaran ?.
Ina Aar; horta adigu waxaad u baahantahay sameecadii dhagaha oo malaa maad maqleyn wixii uu riyaale ka hadlaayey ee aan dadkaas nala caweynaaya u sheekeyne naga aamus
Ina Dhidar; waar waxaad doontid ka sheekeeyo shaaha hana daadin “waar maqaxwoow koob shaaha oo caanuhu ku badanyahay u keen odeyga wuu xiiqsanyahay ee haku dagee”
Ina Aar; horta qudbadii uu jeediyey ninba si u maley anigu waan dhageystey wixii aan ka fahmey ayaan idiin sheegayaa ,wuxuu ku bilaabey sidan.
“waxan doonaya inaan idiin sheego arimobadan oo ay ugu horeyso nabadgelyada waad ogtihiino mandaqadan aynu ku noolnahay waxa kajira nabadgelyo daro oo inagna runtii in saameynaaya halkan somalilanda koley dee wey ka jirtaan oo qaraxyo badan iyo miinooyin meelo badan laga soo qaadey baa jirey ,balse yaa ka danbeya? argagaxiso kama danbeyso ,argagaxiso wadankeena majoogto ee waxa ka danbeeya waa dowlada oo dooneysa iney ku sii nagaado kursiga dadbadan baa jirey oo aanu lacag siiney oo miinooyin ka soo qaadey xeryaha dowlada dhigeyna wadayonka iyo xaafaha hargeysa sidii gabadhii maryan dayib maxamed, shacbiga feejigan ee dowlada marwalba ku mudaharaada ee ku eedeynaaya siyaasadayada raqiiska ah aadbaan u canbaareynayaa waxanaan u soo jeedinaya dadweynow iska shaqeysta oo siyaasadayadan badaheeda ka baxa hadii kale dagaalbaanu idinlagaleynaa oo xabad baanu idinla dhacaynaa.
arinta doorashada waxaan maqlaayey niman mucaaradka ah oo runtii geesiyaal ah oo doonaya iney kursiga iga tuuraan dabadeedna maxkamad isoo taageen ,waa runtoodoo doorashadu xagayaga ayey kasoconweydey angaana marwalba kacaga jiideyna oo kolba hadal kasoo celineyna gudida doorashooyinkana maalinta ay cayimaan ineydoorasho dhaco waa maalinta iigu danbeysa sii joogitaanka aqalkan aan sida nasiibka leh kusoo galey.
arinta golaha guurtida somalidu wixii xunba xaawa leh bey tidhaahda ,dee waa runtoodo xukuumada ka danbeyna khilaafka ka dhex aloosan oo laaluush iyo siyaasadba u adeegsaneyna sidii nimanka dheeraadka ku ah ee uu saleebaan ugu horeeyo kaga takhalusi lahayn hadii laba digaag ah suuqa isku qabsadaan cid aan anaga ahayn oo ka danbeysaa ma jirto .
qurba joogta halkan waxaan u soo marinayaa canaan iyo canbaareyn ay marwalba qaadhaanka ku bixiyaan sidii layga tuurilahaa kursiga aniga iyo geeleyga (udub) nimankaas mucaaradka ah waa nimankii aydun berigii hore garanweydeen ee aad aniga iga doorateen markii aan idiin dhuuntey ee aad imooden nin wacan, intaan halkan joogan waan idinka aargoosanaya oo waanigaas dowladihii caalamka u sheegey dadka tahriibayasha ahi waa muwadinin reer somaliland,dhulnabada ayey ka yimadeen ee soo celiga,dowladii ugu horeysey ee kasoo jawaabtana waxay ahayd holland oo aan aad ugu mahadinayo ,carwaasee sii jooga halkaan ,maalindhowbaa laydin soo celinaya oo aad hargeisa iyo burco qaxoonti ku ahaandoontaan.
arinta jasiirada sacaadadiin iyo qaraxyada laascaanood ka dhacay ,horta dhulkii danta guud iyo jasiiradihii galbeedka anagaa iibiney qofkastoo tuuga oo lacagsita ama ceelaayo haku dhasho ama lowyocado wixii boobka hantida umada iyo qarankaba diyaar u ah ee buuxinaya shuruudaha waanu ka iibineynaa,arintaas cid aan xukuumada ahayn oo wax laga weydiinaya ma jirto walaa salaadiin cumaamado cas cas baan waxlaga weydiineyn walaa golayaasha qaranka ayaan wax laga weydiineyn,arinta qaraxa laascaanood dowlada ka danbeysey saraakiil horena waa lagu diley,qaarkalena iminka ayaa lagu diley ,axmed siilaanyana haduu inaadeerkii u diirnaxaayo wax uu naga qaadi kara hada ma jirto … take your time.
maxjarta waad ogtihiino al jaabiri ayaan u xidhey xoolihiina cid aan isaga ahayn oo maxjar sameysaneysa majiri doono walaa ilama indha deero walaa ganacsade kale sidiisaas buu ahaanayaa,waabab iyo dayr berbera la dhiso oo aan aqbalayaa majiri doono cidii dagaal igula jirta ee dooneysa in lacagta dulsaarka ah ee aan ka qaato xoolaha aljaabiri iga ciideyneysaay ,amar baan kabixiyey oo maxjar ladhisayaa majiro ee cirka soo leef.
saxaafada,nimankiina dhalinyara ah ee soo koraaya ee geesiyaasha ah ee wadaniyada ka fekeraya ee maalinwalba waxkaqoraya tuuganimadeyda,maamulxumadeyda,siyaasadeyda daciifka ah iyo musuqmaasuqa ,waanaad ku mahadsantihiin dhaliishiina aad ii soo jeedineysaan waxaanaan idiin rajeynaya inaad sidaas ahaataan oo aad kamid noqotaan journalisam caalimi ah warkeygu intaabuu maanta ku eegyahay su aalna layma weydiinkaro ninwalba halkaas xabad FANTA ah hakasii cabo sidaas iyo nabad gelyo…..
isaaq ahmed jama
oslo,norwey
isaaq83@hotmail.com