articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

NIN AAN WEEDHAADU GELIN, WARNKAA MA GELO!!!W/Q:ABDI SHOTALY
posted by:

NIN AAN WEEDHAADU GELIN, WARNKAA MA GELO!

Geeloow soco,soco oo markaad ciin daaqdo baa laguu yaaba, oo ay xeradaa ba’day,waana dabar go’aggii aad isu dhamay-naysay, waxa caynkaas la mid ah sheekha beesha hor fadhiya ( naaleeye habacsane), oo af buuxa ku yidhi jariiradaha dalka ka soo baxda oo aan akhriyayaa oo dambe ma jirto, sabab-tuna waxay tahay aniga baad wax iga sheegaysaan aan wacnayn oo aad i lee-dihiin waxa jira dhaliilo aan lee-yahay, waa yaabe saw af kala qaad iyo ka dar oo dibi dhal maaha, iyo maalin walba wax aan loo fadhiyin oo lala yimaado, haday timi in badheedh cad loo cadaysto waxba aan dhegaysa-nayaa ma jirto ee tayda baan ku soconayaa, ee waxaad doontaan sameeya haddii aad tihiin shicibka reer somaliland, taas oo micna-heedu yahay shicibku ( habartu bay ahayd) hayska hawhaw-leeyee heelada inoo tuma, oo tahay turjumaa-deedu waxaad sheegay-saan dheg u dhigi maayo ee dhaha waxad doontaan, mar hadaan anigu ahay halkii la yidhi meel madaxa ka saraysa oo la salaaxaa ma jirto oon aniga ahayni, sidaas awgeed cid wax aan ka qaada-naayo iyo rayiga dad weynaha, dhalii-shayda, waxa ka taagan dalka, dhibaatada dadka haysta, cabashada umada, sicir baraarka ku habsaday saboolka, caafimaadka sii xumaanaaya, shaqa la’aanta si dul buuxisay,abaraha, biyo la’aanta, adeeg-yada bulshda midna dan kama lihi oo ma rabo in aan ogaado xaal-kooda, ee ku socda amar-kayga ma yeeli karnaa haddii aynu nahay kuwii dalka u dhashay?, mase ina anfacaysaa caynkani? oo ma tahay arin meesha ku jirta? ma ina raali gelinaysaa sida wax loo wadaa? jawaabta 4ta su’aalood ee sare waa mid qudha oo ah maya, ee waa bartii ay ka bilaab-maysay qaran jab-keenu, mana aha wax la dhayalsan karo qof aad dooratay oo ku yidhi yaad la hadalsaan oo idiin jeeda.

Aduunyada waaya-heeda ninkii ogi ma adya-doodee ma waxan odhan karnaa waxa af-kiisa ka soo baxaya ma fahansana, oo ruuxa ina hor taagani waa wax ma garte mise wuu ula kacay oo cidna wax uu is kaga tirinayaa baan jirin oo wuxu ku fadhiyaa kursi uu banaystay oo aanay jirin qodax hoos taalaa, wax laga qaban karaana ma jiraan, mise waxa la yidhi wax aanad hurayn horaa loo yeelaaye, waxa inagu waajib ah imika mar haduu yidhi waan goostay xadhiggii in aan ina-kuna khasab ku faruur xidhno oo la tuso maah-maahddii ahayd tab-hayoow lagaa tab-hayaa, oo indhihiisa oo sdhan ah baan kalax ka waraabinaa, waayo haduu aaka ina yidhi idin maqlimaayo, oo waxad baahidiinu tahay uma jeedo, ha iila imanina ee meelahaa ka buuq-buuqa anigu waan ka dhego la’ahaye, bal maad noqo-taan dhadhaab iyo dhagax dixiid an dhoolaa qosol cadeeyee, akhristoow waxa ay odha-naysaa murti somaliliyeed nin aan weedhaadu gelin warankaa ma galo, waana ta maanta joota ee iyada oo wax la isaga kaa tirinayaa jirin lagula hor yimi hanoo wadina ee xidha afkiina, ama dhaha wadaddii cadayd cagta saar riyaale, iyo seyidka hooyaddii baa nin dhashay ha laygu heeso, waa arimaha inoo dambeeyey waxay gadaal ka noqonba, talo-na adiga bay ku joogtaa.

Dhaaxaan nin hanaqaad is biday soo hogaan baraye( salaan carabay), waxa saaka taagan ninka aan garanayni waxa soo socda-na ma garto, haddii wax walba lagu-gu dayo oo aad sika dharbaa-qisid, wax ma dhaantid duunyada la dhaqdo, qofku waa in uu dareen yeeshaa wax tusaaleeya iyo damiir canaanta marka uu khaldan yahay iyo uu dheg weyn yahay-ba, waa in ay jiraan wax aad ku cibro qaadataa, ee maaha in aad sugtid ilaa inta luqunta lagu goynaayo, kurta lagu hor dhigaayo, taasina maaha ujeedada ka dambaysaa ereyada kor ku qoran gacanta ha laga hadlo, ee waxay tilmaa-maysaa murtidu in aad waxa kula gudboon ku dhaqaaq-did marka ay haboon tahay, waana foodka ayaanta aad ku ridaysid sanduuqa loogu tala galay, taas oo u baahan hubsiimo weyn, xisaabtan, adigoo ka fekerraaya mustaqbal-kaaga, ka umada reer somaliland iyo dal-kaba, maaha hadhoow in aad cabaad soo celiso iyo sidaas maan moodayn, maskada reerka baan raacay, nin jeclaysi baa i khalday, iyo wax taalo aan shaqayn doonin mar haddii ay ku dhaafto warqada foodku, imika baad midida daab-keeda haysaa si miyri leh uga tasho adiga oo madax banaan, cidna aan qool ugu jirin, haddii kale waad is eersan aad is tabcayso adiga laf-taadu, iyada oon meel kale lagaaga iman.

* N.B Talo adigaa ku nool, ee iyadu kuguma noola.

abdi-shotaly,

oodweynenews.com