articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

MUCAARIDKU WAA DAAWEEYAHA DAWLADA XANUUNKA BADAN,M/WEYNE $3,300 000 MEESHEY MARTEY NOOGA WARAN IYO CID AY LACAGTAASI KU MAQAN TAHAY.W/Q:OMAR DAAROOD
posted by: Togaherer Team

Dhamaan mareegaha sharafta badan JSLand ku abtirsada iyo macmiishooda ba aad baan  u salaamaya meel ay joogan ba

Shirkii jaraa’iid ee u madaxweyne Rayaale ku qabtay qasriga madaxtooyadda haddan dhawr qodob ka soo qaato o muhiim ah oo u madaxweynuhu taa tabtey o runtii ah qodobo laga garaabi karo sideedaba hadalka inta nuxurku leh ayaa la naqdiya o laga hadala inta an micnaha badan la heyn waa laga boodda.

Wuxu madaxweyne Rayaale aad ah ugu dheeradey in ceyda iyo aflagaada la joojiyo o danta dalka iyo dadka laga hadalo o dhaliilaha dawladu leedahay lagu eekada uun oo ceyda an micnaha la heyn la joojiyo lana doorsanaado, wuxu ku tilmaamay ceydu in ey tahay wax xun o diinteenu inoo sheegtey in ey danbi tahay if iyo aakhiraba waata soomaliduna hore u tidhi CEYDU WAA CALYO, aad baan madaxweynaha qodobkaasi ugu taageersan ahey madaxweynuhu haddii u xagiisa ka fuliyo o u isagu hormood u noqdo in cey iyo aflagaado ka soo yeedheysa dhinca xukumada iyo madaxda kale ee hawsha lawada ey joojiyan runtii arinkaasi waa mid waajib ku ah dhamaan shacabka JSL iyo xisbiyad mucaarid kaba runtiina waa in la soo dhaweyo hadalkaasi u madaxweynuhu yidhi, islamarkan ceyda iyo aflagaadada loogu badalo dhaliilaha labada dhinca haddii ey tahay dawlada iyo haddii ey yihiin mucaaridka ba looma baahna beenabuur iyo kutirkuteen iyo wax an sal iyo raad toona la heyn.

Waxa kaloon markhaatika ahey una furaya laba jeer oo u madaxweyne Rayaale nagu soo booqday dalkan an ku sugan ahey ee Norway, waxa runtii maragma doon ah inuu madaxweyne Rayaale kula dardaarmay jaaliyada JSLand in ey isku duubnaadan o ey iska ilaaliyan tafaraauqa iyo qeybsanaanta, labad shir ee u madaxweynuhu bulshada Oslo kula dardaarmay goob joog baan u ah, ilaaheybaan og wixi uurkiisa ku jirey laakin anigu waxan xukumaya hadaladii afkiisa ka soo yeedhay uun.

Waxan haddaba madaxweynaha laftiisa u sheegay o an markhaati ka ahey mar ey labada gudoomiye ee mucaaridku dalkan soo booqdeen in ey kula dardaarmee bulshada dardaarankii madaxweynaha mid la mid ah o ey labada gudoomiyaba goobahaasi lagu soo dhaweynayay kaga dhawaaqeen in isku duubnida iyo wadajirka la dhooro o la iska ilaaliyo tafaraaruqa iwm. Waxan haddaba leeyahay madaxweyne ma jirto goob ey labada gudoomiye mucaariid shacabka somaliland ey ku qeybiyan taasi waxan u arka in aad wali ku sii adkeysaneyso oo ad u dhago nugushahey sheekadii KUTIR KUTEENTII.

Waxan haddaba u soo noqoneya wararka iyo khubadaha inta badan labada gudoomiye iyo madaxda xisbiyada mucaariidku qurabjoogta ugu xog waraman markey booqashada dibada u yimaadan inta badan waxey naqdiyan o ey wax ka sheegan waxqabadka DAWLADA taaso ey xaq u leeyihiin in dhaliilaha dawlada ey shacabka qurbo joogta soo gaadhsiiyan, waxay nooga waramaa xaalada dhabta ah ee uu dalkii ku sugan yahay.

Madaxweyaha iyo dawladiisu iyaguna markey dibadaha u soo baxan waxey inta badan ka waramaa waxqabadkooda iyo wixi hormor ah ee dawlada  ahaan ey qabteen haddaba waxan doonaya bal in an isbarbar dhigo labada qeybood waxyaalah ey noo sheegan.

Mucaariidku waxey sheegan

1. Nabadu guud ahaan waa 100%
2. Biyo la’aan baahsan o caasimadii ku habsatey
3. Lacagtii Gimarka aheyd ee Burco ila hadda lama badalin dhawr miisaneyadoo o la sameyayna waa lagu darey sabatana ila hadda lama garaneyo loo badali waayay.
4. In aney dawladu daacad ka aheyn ictiraaf raadintii oo ey wasaaradeda arimaha dibadu aad uliidato
5. Musqmaasaq baahsani inuu dalkii ka jiro In guriyihi ama hantidii dawlada ragg baayacmushtar ah si an sharciga waafqsaney looga iibiya
6. Maxjarka lacagta ka soo baxada marka cashuurta laga jaro lama yaaqan cida u xaadirta ee lacagtaasi qaadata, neefkiiadhiga ah waxa    laga bixiy 7 doollar laba doolar waa macaruuf oo wasaaradda maaliyad yaa qaadata, shanta doolar ee soo hadhey baa la garan la yahay ila hadda cida u qaadata
7. Guurtidii iyo golihii wakiilad, dawladii ba ku dhex mailantay oo labadii golaba iska horkeentay.
8. Sharkada Total baa iyaduna farabaas ku heysa shacabka bitrool keena
oo haamihii dawlada koonto ku heysata
9. Maraakiib an la garneyn baa badeeni xaalufisay o an la garaney cida sharciga siiysay.
10.Dadkii baa la isag xidhaya iyadoon wax danbeya lagu soo oogin o jeelasha ka buuxa o an maxkamada sharciya la geyn
11.Colaadii Ceel Bardaale ka oogan eyey dawladu ila hadda ka meereysaneyan in ey xal ka gaadho o ey labada beelood ee walaaha ah runta u kala
sheegto.
12.Lacagtii loogu talo galay in lagu caawiyo gobolada Sool iyo Sanaag ee shaqaalaha dawlada iyo shacabku bixiyeen ila hadda lama yahay  lacagtaasi lama gaadhsiin labadaasi gobol ee Sool iyo Sanaag.
13.Labada gole ee shacabku  soo doortey ila hadda waxwar ah uma hayaan heshiiseyda dawladu la soo gaadho sharkadaha iyo dublamaasiyiinta gaal baxa ku yimaada dalkeenna, siyaasada arimaha dibadu waxey ku kooban tahay madaxweynaha oo kaliya cid siyaasadda diba ka war heysa ila hadda ma jirto
14. Dib u dhaca doorshooyinka waxa mas’uuliyadeeda saaran dawladda

15. Wadooyinkii o aad u liita caasimada, dawladuna aney wali dayac tirin

16. Shaqo la’aan baahsan o dalkii ka jirta

Qodobadaasi an kor ku soo xusey waa kuwa inta badan mucaariidku dawlada dhaliilan islamarkan ee u qurbajoogta uga xog waraman markey soo booqdan, qodobadaasi hadey been yihiin iyo haddii kalaba intaasi bey madaxdaasi noo sheegta, walina madaxweyne maanan maqal gudoomiye xisbi mucaariid u leh wax SOOMALILAND LA YIDHAAHDA MA JIRTO.

Dawladu waxey ka waranta marka ey qurbaha yimaadan

Nabadii waa heer sare

Batroolkii surveygii wuu dhamaaday bad iyo dhulba

Warshadii Sibidhka dhagaxii baa la dhigay iyo qaarkaloo badan

Maxjarkii iyo Jeelashii waa la dhisey! Maxjarka waxa nu aaminsanahey haddii anu nahay mucaariidka inuu bangiga islaamku dhisey maxjaradda Berbera, boosaaso iyo jabuutiba, jeelashan waxanu aaminsanahay in ey dhiseen he’yadda UNDP du

Adhigii waanu furney o waad maqasheen! Adhigan sida an aaminsanahey waxa furey baahida ey adhigeen u qabaan shacabka Sucuudi Carabiya iyo dawladoodu

Ictiraafkii wuu so dhaweyahay o dhakhso ey loo rajeynayaa

Xuduudihii dalka waanu wada sugney

Qodobadan an hoosta ku qoreyna waa kuwa dawladu andacooto ee ey sheegan marka ey qurbaha nagu soo booqdan

Haddaba aakhristow bal isku day inaad ka jawaabto cida runta u dhaw ee xaqiiqda dalkii ka jirta ka waranta kuwa ey yihiin, ma mucaariidka been sheegay misa dawlada been sheegeysa.

Madaxweynuhu wuxuu ka waramay marxaladihii uu soo maray dhismihii Maxjarku waxaanu sheegay dedaal adag ka dib inuu midho dhalay oo Xoolihii laga qaaday xayiraadii Sucuudigu saaray sanadkii 1998-kii islamarkaasi wuxu Madaxweynuhu tilmaamay in markii u horraysay taariikhda uu dekada Berbera ka dhoofay markab mugiisu yahay 220 kun oo neef oo adhi ah isla markaana ay toban cisho gudahood Ciidii oo qudha ay 660 kun oo neef ka dhoofeen dalka.

Sidan hore ba idinku soo sheegay waxan soo qaadaney hadaladii u madaxweyne Rayaale ku dheeeraday shirkiisi jaraa’iid dheeradey kuwii ugu muhiimsan mid ka mid ah, waa maxjarka Berbera.

Waxa u madaxweyne inoo sheegay in toban cisho gudahood laga dhoofiya 660 kun oo neef maxjarka Berbera, caala neef waxa laga qaatey 7 doollar waxa cashuur ahan la qabtey tobanka cisho gudahood $1,320000 waxa haddaba maqan 5doollar oo u dhigma lacag dhan 3,300,000 waxa gabi ahaan maxjarka soo galey toban cisho gudahood sida u madaxweyne Rayaale inoo xaqiijiyay 4,620,000

Haddaba waxan su’aashan ku saabsan lacagtaasi 5 doolar ah weydiinaya madaxweyne Rayaale o aad iyo aad uga hadalay maxjarka waxbadan isagu og o aney cidkale ogeyn, madaxweyne waxa dalka soo galay toban cisho gudahood kana dhoofay dalka toban cisho gudahood 660000, haddaba sidan kor kugu soo sheegay lacagta maqan ee xisbaata dawlada an gaadhinin waa $3,300,000, inta u wasiir Cawil sheegay in cashuur ahaan la qaadeyna waa $1,330,00, bal madaxweyne meel saar lacagtaasi cid ey ku maqan tahay, waxanad shirkii jaraa’iid ku sheegtey in anad ogoleyn ama an la furi kari maxjar kale.

Waxan ku soo gabagbeynaya qoraalkeygan o an leeyahay shacabka JSL ee sharafta badan u codeya xisbiga UCID si ad uga reysatan musuq iyo wadooyin xumaanta, aqoontdarad, tahriibta iyo aqoonsi la,aanta, shaqo la’aanta iyo cadaalad darada.

CEYDU WAA CALYOW AFLAGAADANU WAA CEEB BEENTUNA WAA XAARAN

somaliland guul

Omar Darood Hassan

Gudoomiyaha guud Nordic UCID


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo
Web Stats