articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

ADDUNKA AMA KOWNKA (QAYBTII 30aaD)..W/Q;SAEED IBRAHIM HUSSEIN
posted by: Togaherer Team

Adduunka ama Kownka(Qaybtii 30aad)

Maalka iyo Ubadka

Maalka iyo Ubadku waxa ay ka mid yihiin,nimcooyinka Alle Ummadda ku mannaystay,waana mid mudan shukri naq,iyo in nimcadaa uu Alle ina siiyey,aynu ku mahadnaqno,oo u adeegsanno,ulana dhaqanno sida Alle ina faray,ee jideeyey.

Labadan nimco waxay noqon karaan,kuwo kugu taageera cibaadada darteed Alle kuu abuuray,waa haddaad u adeegsatid,oo ula dhaqanto sida Alle ku amray,ee uu kuu dhigay manhajkeeda,haddiise aad ka baydho dariiqa saxa ah,ee Alle kuu qoondeeyey, waxay labaduba kugu noqonayaan dhib,iyo hoog,Ubadkuna kuwo ku caasiya,oo aan khayr kugu caawin bay noqon,Maalkuna naar bay Aakhiro kugu noqdaan,oo waxay kuu horseedaan cadaab xun,markaa qofku labadan nimco waa in uu uga faa’iidaystaa sida Alle ugu talogalay,oo ula dhaqmaa.

Alle subxaana watacaalee,Isagaa u qaybiyaa dadka arsaaqda,oo qofba in uga dhiga:

قل إنّ ربّي يبسط الرزق لمن يشاء ويقدر ولكن أكثر النّاس لا يعلمون(سبأ)

Aayadda:dheh(Rasuul Allow)Rabbi ayaa u badiya risiqa qofkuu doono,qofkuu doonana u yareeya,laakiin dad badan ayaan taa garanayn,oo ogayn.

Arsaaqda Alle ina siiyey waxa ka mid ah roobka Illaahay samada inooga soo shubo,ee inoo saara dhir kala geddisan,oo leh dalag iyo midho la quuto:

هو الّذي أنزل من السّماء ماءً لكم شرابٌ ومنه شجرٌ فيه تسيمون ينبت لكم الزرع والزّيتون والنّخل والأعناب ومن كلّ الثّمرات إنّ في ذالك لأيات لقوم يتفكرون(النحل)

Aayadda:(Alle)waa ka samada idiinka soo dejiya biyo,qaarkood aad cabtaan,qaarna dhir idiin soo saaro,oo aad ka beerataan saytuun,iyo timir,iyo canab,iyo midhaha dhamaantood,arrinkaasi Aayad iyo cibro qaadasho ayuu u yahay qowmkii fekeraya.

Maalku waa wax Alle gacanta ugu jira,oo Alle cidduu doono siiyo,Isaguna u qiyaaso:

Alle isagaa korreeyee waxa uu ina siiyey sababihii aynu ku kasban lahayn maalka,oo caqligii iyo garashadii,caafimaadkii iyo xooggii…waxa kale oo Alle ina siiyey,waqti aynu nasanno,iyo waqti aynu macaash samayno oo xoogsanno:

وجعلنا الّيل لباسًا وجعلنا النّهار معاشًا(ألنّبأ)

Aayadda:waxan ka yeelnay habeenka mid hugoo kale ah,lagu dego,oo lagu nasto,oo waxa aannu maalinta ka yeelnay,mid la kala macaasho,oo la xoogsado,lana shaqaysto.

Alle subxaana watacaalaa wuxu inoo dejiyey manhaj aynu raacno,oo nolosheenna ku salayno,xoolaha iyo maalka sida aynu u adeegsanaynaa waa in ay waafaqdaa diinta:

ياأيها الناس كلوا مما في الارض حلالا طيبا ولا تتبعوا خطوات الشيطان انه لكم عدو مبين….(البقرة)

Aayadda:Dadyohow cuna waxa Arlada ah ee xalaasha wanaagsan ah,hana raacina tallaabada iyo waddada shaydaanka cadaw dhab ah ayuu idiin yahaye.

Waxa Alle innoo jideeyey iibka iyo ganacsiga,wuxuna innaga mamnuucay ribada:

(وَأَحَلَّ اللَّهُ البَيْعَ وَحَرَّمَ الرِّبَا) (البقرة(

Aayadda:Alle wuu xalaaleeyey wax kala iibsiga,wuuna xaaraantinimeeyey ribada ama dulsaarka.

Alle subxaana watacaalaa,wax kasta wuxu u dhigay nidaam,maalka ama xoolaha,waa in weji xalaal ah,aad u kasbataa,oo waa in aad u adeegsataa,oo ku bixisaa si xaq ah:

قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم:”لن تزول قدما عبد يوم القيامة حتى يسأل عن أربع خصال عن عمره فيم أفناه وعن شبابه فيم أبلاه وعن ماله من أين اكتسبه وفيم أنفقه وعن علمه ماذا يعمل به

Xadiiska:Nebigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi;kama suulayo addimada Addoonku Qiyaamaha ilaa iyo la waydiiyo afar arrimood;cimrigiisii iyo wuxu ku soo qaatay,iyo shabaabnimadiisii iyo wuxu ku soo duugeeyey,iyo maalkiisii halkuu ka helay ee ka soo kasbaday,iyo meeshu ku bixiyey(siduu maalkii u adeegsaday),iyo cilmigiisii iyo wuxuu ku sameeyey oo u adeegsaday

Maalka uu Alle ina siiyey,waa in aynu uga faa’iidaysanno baahida nolosheenna, iyadoo aynu ku salaynayno waxa isticmaalkeedu bannaan yahay,iyo waxa kale, Maalku wuxu innaga taageerayaa sidii aynu u gudan lahayn cibaadada Eebbe,ee ah ujeeddada dhabta ah ee aynu u jirno,ee la inoo abuuray:

وَابْتَغِ فِيمَا آتَاكَ اللَّهُ الدَّارَ الآخِرَةَ وَلا تَنسَ نَصِيبَكَ مِنَ الدُّنْيَا وَأَحْسِنْ كَمَا أَحْسَنَ اللَّهُ إِلَيْكَ وَلا تَبْغِ الْفَسَادَ فِي الأَرْضِ إِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ الْمُفْسِدِينَ(القصص)

Aayadda:ku kasbo,oo ku raadso waxa Alle ku siiyo,sidaad daarta Aakhiro ugu guulaysan lahayd,oo sadaqada bixi,dadka caawi,wixii khayr ah ee aad qaban karto awooddaada qabo,hana illaabin nasiibkaaga adduunyada,oo u samee wanaagga sida Alle wanaagga kuugu sameeyey,oo Arlada ha ku samayn fasaad,Alle ma jecla kuwa mufsidiinta ah ee wax fasaadiya’e.

Waxa dadka muslimiinta iyadoo qof kasta camalkiisa,iyo niyadiisa ay isugu soo ururayso,haddana waxa qiimo badan qofka isku darsada Maal iyo Cilmi,qofkaasi wuxu uga faa’iidaysanayaa oo xaqiiqo ah maalkaas,sida Alle ka raalli yahay,waayo cilmi buu u leeyahay Alle iyo waajibaadka uu saaray:

ليس البرّ أن تولُّوا وجوهكم قبل المشرق والمغرب ولكنّ البرّ من ءامن بالله واليوم الأخر والملائكة والكتاب والنّبيين وءات المال على حبّه ذوي القربى والمساكين وابن السّبيل والسّآئلين وفي الرّقاب وأقام الصّلاة وءاتى الزكات والموفون بعهدهم إذا عاهدوا والصّابرين في البأسآء والضرّاء وحين البأس أُولئك الّذين صدقوا وأُولئك هم المتّقون(البقرة)

Aayadda:ma aha samaha iyo wanaaggu in aad wejiyadiinna ama bari,ama galbeed u jeedisaan,laakiin wanaaggu waa in aad Alle rumaysaan,iyo yowmal aakhirada,iyo Malaa’igta,iyo Kitaabka,iyo Nebiyadii,oo aad maalka aad jeceshay siiso,dadka qaraabada ah,iyo masaakiinta,iyo dadka dariiqa haya,ee socodka iyo safarka ku jira,iyo kuwa tuugsanaya,ee dewersanaya,iyo dadka madax furashada u baahan, oogidda salaadda,iyo saka bixinta,iyo oofinta axdiyada iyo ballamaha,marka la galo,iyo ku sabridda dhibta iyo mushkiladaha,iyo marka belooyinku jiraan,kuwa caynkaa laga helo,ee sameeyaa,waa kuwo run u xaqa u gutey,waana kuwo cabsanaya.

Sadaqadu maalka way bishaa,oo barakaysaa mase naaqusto,oo ma yarayso:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم “ما نقص مال من صدقة”

Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi;kuma naaqusmo maalku sadaqada.

Maalka aad sadaqada u baxsato,Illaahay waa kuu labalaabayaa in badan:

مثل الّذين ينفقون أموالهم في سبيل الله كمثل حبّة أنبتت سبع سنابل في كلّ سنبلة مأئة حبّة والله يضاعف لمن يشاء والله واسع عليم(البقرة)

Aayadda:waxa ay la mid yihiin kuwa u bixinaya maalkooda dar Illaahay,sida xabbad midho ah,oo dhashay todoba qaybood,oo ay qayb kasti leedahay boqol xabbadood oo midho ah,Alle waa u labalaabaa cidduu doono,Alle waa ka cilmiga leh,ee uu waasic yahay cilmigiisu.

Faa’iidooyinka sadaqada lama soo koobi karo,oo barakadeeda iyo khayrkeeda lama dhamayn karo,denbigaaga iyo khaladka kaa dhaca,sadaqada Alle waa kaaga dhaafaa:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم والصدقة تطفىء الخطيئة كما تطفىء الماء النار“.

Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkisa ha ahaatee,wuxu yidhi; waxa ay sadaqadu damisaa denbiga,sida biyuhu u damiyaan dabka,ama naarta oo kale.

Waxa maalka laga jaraa,oo laga bixiyaa sako,ah qiyaas go’an oo marka ay sannad ka soo wareegtoba laga bixiyo,marka la ogaado inta ay le’eg yihiin,iyo inta ka baxaysa:

خذ من أموالهم صدقة تطهّرهم وتزكّيهم بها وصلّ عليهم إنّ صلاتك سكنٌ لهم والله سميع عليم (التّوبة)

Aayadda:(Nebi Allow)ka qaad maalkooda sadaqad daahirisa oo nadiifisa,oo xidhiidhi,waxa ay xidhiidhintaadu u tahay degganaan iyo xasilooni’e,Alle waa ka maqla,ee cilmiga leh.

Haddii qofka muslinka ahi,aanu sakada iyo sadaqada maalkiisa ka bixin,ee uu kaydsado,waxay ku noqotaa naar:

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ :” مَا مِنْ صَاحِبِ ذَهَبٍ وَلَا فِضَّةٍ لَا يُؤَدِّي مِنْهَا حَقَّهَا إِلَّا إِذَا كَانَ يَوْمُ الْقِيَامَةِ صُفِّحَتْ لَهُ صَفَائِحُ مِنْ نَارٍ فَأُحْمِيَ عَلَيْهَا فِي نَارِ جَهَنَّمَ فَيُكْوَى بِهَا جَنْبُهُ وَجَبِينُهُ وَظَهْرُهُ كُلَّمَا بَرَدَتْ أُعِيدَتْ لَهُ فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ حَتَّى يُقْضَى بَيْنَ الْعِبَادِ فَيَرَى سَبِيلَهُ إِمَّا إِلَى الْجَنَّةِ وَإِمَّا إِلَى النَّارِ ” رواه مسلم وأحمد

Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi ma jiro qof dahab ama fiddo leh,oo aan xaqeeda bixin,si kale ma aha’e,maalinta qiyaamaha waxa ay noqonaysaa safeexado naar ah,oo naarta jahanama ah,oo lagu kubbaynayo wejigiisa iyo dhinacyadiisa iyo dhabarkiisa,mar kasta oo ay qabowdona,dib baa loogu celinayaa naartii,waa maalin lagu qiyaaso konton kun oo sanno dhiggeed,ilaa la kala xukumo Addoomada,oo qofku arko waddadiisa ama janno ama naar.

Waxa Alle innaga reebay in aynu bakhsaad,iyo khiyaamo maalka iyo kala iibsigiisa ku samayno,oo miisaanka dhinno:

ويلٌ للمطفّفين الّذين إذا اكتالوا على النّاس يستوفون وإذا كالوهم أو وّزنوهم يخسرون ألا يظنّ أولئك أنّهم مبعوثون ليوم العظيم يوم يقوم النّاس لربّ العالمين(المطفّفين)

Aayadda: waxa halaag u sugnaaday kuwa mudafifiinta ah ee hadday wax miisamayan iyagu badsada miisaanka,hadday cid u miisaamayaanna yareeya oo naaqusa,miyaanay u malaynaynin kuwaasi in la soo saari doono,maalinta weyn,ee dadku Alle hor taagan yihiin.

Gaaladu waxay Maalkooda u bixiyaan si ay xaqa iyo khayrka isu hor taagaan:

إنّ الّذين كفروا ينفقون أموالهم ليصدّوا عن سبيل الله فسينفقونها ثمّ تكون عليهم حسرة ثمّ يغلبون والّذين كفروا إلى جهنّم يحشرون(الأنفال)

Aayadda:kuwa gaalada ahi,waxa ay maalkooda u bixiyaan,si ay ugu awdaan,oo ugu daboolaan waddada Alle,way bixib doonaan,dabadeed waxay u noqon doontaa xasarad,dabadeedna waa la jebin doonaa,kuwa gaaloobey waxa loo soo xashrinayaa jahanama.

Maalka ama Xoolaha waxaa loo qaybiyaa xoolo nool iyo kuwo aan noolayn(guryaha, beeraha,baabuurta,alaabada laga ganacsado…iwm),Somalidu waxay xoolaha u qaybshaan mood iyo nool,markaa hantidaas waa mulki Alle masuul qofka uu siiyey uga dhigay,oo lagala xisaabtamayo siduu ka yeelay,ee u adeegsaday,xoolaha nool waa nimco Alle ina siiyey,oo inaan cunno,rarano,u baxno,oo raacno,gogol iyo guryo ka samaysanno,iibsanno…iwm,faa’iidooyinkooda lama koobi karo:

والأنعام خلقها لكم فيها دفءٌ ومنافع ومنها تأكلون ولكم فيها جمالٌ حين تريحون وحين تسرحون وتحمل أثقالكم إلى بلد لم تكونوا ببالغيه إلا بشقّ الأنفس إنّ ربّكم لرءوف رّحيم(النحل)

Aayadda:Xoolaha ayaan idiin abuurnay,oo idiin ah hu’ iyo manaafacaad,qaarna waad cuntaan,oo waxay idiin yihiin qurux marka aad dareerinaysaan,iyo marka aad soo hoynaysaan,oo waxa aad ku qaadataan waxyaalaha culus,oo dhul dheer oo aydinaan gaadheen,dhib mooyee,idiin geeyaan waxa aad ku qaadataan.

يقول الله تعالى: وَإِنَّ لَكُمْ فِي الأَنْعَامِ لَعِبْرَةً نُّسْقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهِ مِن بَيْنِ فَرْثٍ وَدَمٍ لَّبَناً خَالِصاً سَآئِغاً لِلشَّارِبِينَ (النحل)

Aayadda: Xoolaha cibro ku qaadasho ayaa idiinku sugan waxannu cabbitan(dhamid), idinka siinnaa,waxa calooshooda ku jira,oo dhiigga iyo uuska dhexdooda,ayaannu idiinka soo saarnaa caano cabbitaanka ama dhamidda ku wacan oo wanaagsan.

Qofka leh taqwada,ee Allihiis ka cabsada Alle wuu u badiyaa irsaaqda:

ومن يتّق الله يجعل له مخرجًا ويرزقه من حيث لا يحتسب ومن يتّوكل على الله فهو حسبه”(الطلاق)

Aayadda:Qofka Alle ka baqa,waxa Alle u furaa dariiqyada,oo wuxu ka irsaaqaa meelo aanu ka filaynin,kii Alle talosaartana Isagaa Alle ku filan,oo kafaalo qaata.

Ubadka ama Carruurtu waxa ay ka mid tahay,nimcooyinka Alle ina siiyey,oo waxa ay innaga caawiyaan nolosheenna,iyo gudashada cibaadada Alle,waxa Illaahay qofka siiyaa,inta uu doono,iyo nooca ay noqonayaan lab iyo dheddegba:

لله ملك السّماوات والأرض يخلق ما يشاء يهب لمن يشاء إناثًا ويهب لمن يشاء الذّكور أو يزوجهم ذكرانًا وإناثًا ويجعل من يشاء عقيمًا إنّه عليمٌ قدير(الشورى)

Aayadda:Alle waxa u sugnaaday,oo uu leeyahay samooyinka iyo arlada,oo waxa uu doono ayuu abuuraa,qofkuu doono wuxu u hibeeyaa,oo siiyaa hablo,oo kuu doonona waxa uu u hibeeyaa,oo siiyaa wiilal,kuu doonona wuu isugu daraa hablaha iyo wiilasha,kuu doonona Alle wuxu ka dhigaa ma dhalays,Alle waa ka cilmiga badan,ee awoodda leh,oo kara waxa uu doono.

Ubadka wanaaggooda iyo waxtarkooda waa wax Alle laga baryo,oo weled saalax ah,in Alle ku siiyo waa la weydiistaa,sida nebiyada qaar Alle ugu dalbadeen,tusaale Nebi Ibraahin :

ربّ هب لي من الصّالحين فبشرناه بغلام حليم(الصّافات)

Aayadda:Rabbiyow ii hibee,oo i sii saalixiinta wanwanaagsan mid ka mid ah,markaas ayaannu ugu bushaarayney wiil dulqaad badan.

Waxa sidoo kale Nebi Sekeriye ayaa Alle ka baryey in uu ubad siiyo:

وزكريا إذ نادى ربّه ربّ لا تذرني فردًا وأنت خير الوارثين فاستجبنا له ووهبنا له يحيى وأصلحنا له زوجه إنّهم كانوا يسارعون في الخيرات ويدعوننا رغبًا ورهبًا وكانوا لنا خاشعين(الأنبياء)

Aayadda:Sekeriye ayaa u dhawaaqay Rabbigiis;Rabbiyow ha iga dhiginkeli,adiga ayaa ugu khayr badan cid wax dhaxasha’e,dabadeed waannu ka ajiibney,oo u hibeynay Yaxye,una islaaxinay xaaskiisa,waxay ahaayeen kuwo ku degdega khayrka, oo naga dalba ducada iyaga doonistooda,iyo cabsi ahaanba,waxanay ahaayeen kuwo leh khushuuc.

Ubadku waxay u baahan yihiin,in ay tarbiyo,iyo barbarian wanaagsan ka helaan waalidkooda,si ay u noqdaan kuwo Allohood yaqaan,oo akhlaaq leh:

وإذ قال لقمان لابنه وهو يعظه يابنيّ لا تشرك بالله إنّ الشرك لظلم عظيم…يا بنيّ إن تك مثقال حبّة من خردل فتكن في صخرة أو في السّماوات أو في الأرض يأت بها الله إنّ الله لطيفٌ خبير يا بنيّ أقم الصّلاة وأمر بالمعروف وانه عن المنكر واصبر على ما أصابك إنّ ذالك من عزم الأمور ولا تصعر خدك للنّاس ولا تمش في الأرض مرحًا إنّ الله لا يحبُّ كلّ مختال فخور واقصد في مشيك واغضض من صوتك إنّ أنكر الأصوات لصوت الحمير(لقمان)

Aayadda:waqtigii(sheeg Rasuul Allow)uu yidhi Luqmaan isagoo waaninaya inankiisa, Inankaygow ha u shariig yeelin Alle,shirkigu waa dulmi weyne………  Inankaygow haddii xabad khardal ah(xabuub yar),ay dhadhaab ku dhex jirto,ama samada taallo,ama dhulkaba Alle waa keenayaa,Alle waa Ladiif oo waa khabiir,Inankaygow salaadda oog,oo tuko,oo dadka wanaagga far,oo xumaha ka reeb, oo u sabir waxa ku asiiba,ee kugu dhaca,arrinkaasi waa go’aan adayge,oo dadka afka haw taagin,oo dhulka ha u socon is qaadqaad,Alle ma jecla qofka kibirka iyo faanka badane,oo deggeni u soco,sawdkaagana hoos u dhig,waxa loogu neceb yahay sawdka dameeraha’e.

Ubadku marka ay yihiin kuwo khayr qaba,oo Alle ka baqaya,waalidkood way adeecaan,oo waajibkiisa ayay gudaan,Nebi Ibraahin markuu inankiisii Ismaaciil,ku yidhi,anoo ku gawracayaan ku riyooday muxuu ugu jawaabey?!

فلمّا بلغ معه السّعي قال يا بنيّ إنّي أرى في المنام أنّي أذبحك فانظر ماذا ترى قال ياأبت افعل ما تؤمر ستجدني إن شاء الله من الصّابرين(الصّافات)

Aayadda:markuu gaadhey sacyigii,ayuu yidhi;inankaygiiyow waxan ku riyooday anigoo ku gawracaya,ee bal maxaad aragtaa,oo ay kula tahay,wuxu yidhi;Aabbow samee waxa lagu amray,insha Allah mid sabraa ayaan noqon doonaaye.

Ubadka wanaagsan waalidkood way adeecaan inta ay nool yihiin,marka dhintaanna Alle ayay,naxariis u weydiiyaan,oo duco ayay ku caawiyaan,oo ducadooda,iyo sadaqada jaariga ah,sida masaajidka,ceelka…iwm,waxa ay ka mid tahay camalka aan go’ayn marka qofku dhinto:

قال عليه الصلاة والسلام : ( إذا مات الإنسان انقطع عمله إلا من ثلاثة إلا من صدقة جارية , أو علم ينتفع به , أو ولد صالح يدعو له ) رواه مسلم

Xadiiska:wuxu Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi;hadduu dhinto insaanku camalkiisu wuu go’aa,oo istaagaa,saddex mooyee;

Sadaqo jaari ah,ama cilmi lagu intifaaco,ama weled saalix ah oo u duceeya.

Maalka iyo Ubadku haddii aanu qofkii xadhiga Eebbe qabsan way fitneeyaan:

{ إنما أموالكم وأولادكم فتنةٌ واللهُ عندهُ أجرٌ عظيمٌ}(التغابن)

Aayadda:Maalka iyo Carruurtu waa fidno,Alle agtiisana waxa ah ajri weyn.

{ المالُ والبنونَ زينةُ الحياةِ الدنيا والباقياتُ الصالحاتُ خيرٌ عندَ ربكَ ثوابًا وخيرٌ أمَلا }(الكهف)

Aayadda:Maalka iyo Ubadku waa quruxda nolosha Adduunka ,baaqiyaadka saalixaadka ah,ayaa khayr badan,Rabbigaa agtiisa,oo rajadoodu khayr badan tahay.

Ubadkiyo maalkuba

Muxibada adduunkiyo

Macaankiisa weeyoo

Macbuudkii ku siiyaa

Mahad looga celiyaa

Maamulkuu ku yidhi raac

Maaraynta gaarka ah

Marinkaa ku toosnow

Masuqmaasuq xumihiyo

Musrifnimo ku tumashada

Ka ilaali maalkoo

Masuugnimo ma fiicnee

Miskiinkana ka kaalmee

Maxastiyo nin baahani

Ha maaleen wanaaggee

Midigtaadu deeqdiyo

Martigelin ha baratoo

Ma huraan la jecelyiyo

Maadhiin ninoo jira

Ku masaw wanaagoo

Marin loo hiranayiyo

Martisoore noqo oo

Ha masuugin weligaa

Maalka Eebbaa bixiyee

Masuul baad ka tahayoo

Muddo aan badnayn baa

Mulki lagaaga yeelee

Maaree jidkii xaq ah

Macnuhuna ha kuu dhaco

Sannad meeriskiisana

Sakadii ku maydhoo

Sadaqadana meel dhigo

Ubadkuna mudnaantii

Mawle hadduu ku siiyoo

Magac aad u bixisoo

Mooska kugula noolyiin

Madax baad u tahayoo

Marinkii saxa ahaa

Meeriskii quraankiyo

Sunnihii u mariyoo

Maankoodu tarbiyada

Mucda diintu dhigaysiyo

Marinkii ha raaceen

Mayalkow adkeeyoo

Mubsuud ha kuu ahaadeen

Muraadkaaga caawinta

Milgo ha kuu ahaadeen

Marka mawdku uu yami

Ubadkii mubaarigi

Mawlay ka tuugaan

Maxabbo iyo raxmaddiis

Marley inuu ku siiyoo

Madashii jannada iyo

Muraadkaaga qummiyee

Ha moogaan tarbiyadood

Maroor yaanay noqonine

Midhiheed aad guratide

Maanta fursadda eegoo

Meel mari rabbaayadda

Manhajkii Illaahay iyo

Muxibadii Rasuulkeen

Maax haw ahaatee

Madhaafaanka uga yeel

Mahwigaan gudhayniyo

Magantiisa noqodka ah

Miyirkood ha noqotee

Diinta moosinkow dhiga

Miisaanka hadalkiyo

Muuqaalka aragtida

Meesha ay ka maaxdaan

Maankooda ku ogow

Khayrka haw mashquuleen

Ku midee cibaadada

Waxan Alle ka baryaynaa in uu innagu toosiyo waddada xaqa ah,oo inooga dhigo nimcooyinka uu ina siiyey,kuwo ina anfaca,oo aynu ku taagersanno cibaadada Eebbe, oo Maalka iyo Ubadka iyo nimcooyinka kaleba ay noqdaan kuwo If iyo Aakhiroba ina anfaca,Aamiin,Aamiin,Aamiin.

Saeed ibrahim Hussein

As/w/w


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo
Web Stats