“Sidee ayay bulshadu u aragtaa waxqabyada Maayar Jiciir?”
Bulshada Hargeysa qaar badan oo ka mid ah, oo uu Akadamigu wax ka weydiiyay sida ay u arkaan waxqabadka Maayar Jiciir, ayaa Akadamiga u muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin waxqabadyada la taaban karo ee uu hirgeliyay Maayar Jiciir, bulshooyinkaas oo kula nool waaxyaha kala geddisan ee Hargeysa.
Maayar Jiciir waa aqoonyahan bartay cilmiga Engineeringka, aqoontaas oo ka caawisay in uu si hufan, wanaagsan, bilaa turxaan ah, heersarena ah ugu shaqeeyo ummadiisa, Maayar Jiciir waxa uu ka mid yahay labada Maayar ee Somaliland ee aan weli la baddalin intii ay dhacday doorashadii Golaha Deegaanka Somaliland, oo dhacday 15/10/2002, iyada oo uu taasna ku weheliyo duqa magaalada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur, oo aan isagana xilka laga qaadin mudadaas todobada sanno ah, Maayar Jiciir waa maayar Engineer ah, taas oo aanay la wadaagin inta badan maayaradii ka horreeyay, waana maayar wax ku qora gacanta bidix.
Waxqabadka Maayar Jiciir waxa uu sababay in la guddoonsiiyo Shahaado-sharafyo dhawr ah sannadkan, kuwaas oo inta aan ognahay ay ka mid yihiin:
1. Horraantii sanadkan 2009, waxa Maayar Jiciir Shahaado-sharaf guddoonsiiyay Unugga Wadaniyada Somaliland “Somaliland Nationalism Cell”, munaasibaddaas oo ka dhacday xafiiska Jiciir, waxa ay ahayd mid ka turjumaysay sida ay bulshadu ula dhacday waxqabadka Jiciir, waxqabadkaas oo ay ka dhalatay guddoonsiinta Jiciir la guddoonsiiyay Shahaado-Sharaftu.
2. Qaybtii dambe ee sannadkan, waxa iyaguna Jiciir Shahaado-sharaf guddoonsiiyay Ururka Hilibleyaasha Hargeysa, kuwaas oo Jiciir uga mahadnaqay sida wanaagsan ee uu ugu hagar-baxay dadka hilibka ka ganacsada iyo guud ahaan dadweynaha ka ganacsada suuqyada magaalada Hargeysa.
3. 27-30/10/2009, waxa garoonka Hargeysa Stadium lagu qabtay tartan kubbada cagta ah oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka iyo macallimiinta dugsiga sare ee Al-Jazeera oo ka mid ah dugsiyada sare ee ku yaalla magaalada Hargeysa, tartankan waxa loogu magacdaray “Jiciir Cup”, waxa ay maamulka iyo ardayda Iskuulku ku sharfeen in ay koobkaas ugu magac-daraan duqa Caasimadda Hargeysa Engineer Jiciir, oo iskuulada waxbarashada la garab taagan taageero weyn, gaar ahaanna waxbadan la qabtay ardayda dugsiga Al-Jazeera, iyada oo uu Maayarka hagayo damiirkiisa aqooneed, masuulnimo, iyo wax-garad.
Maayar Jiciir, waa masuulkii koowaad ee Dawladda ka tirsan, ee isaga oo nool loo gartay in loogu magac-daro tartan-ciyaareed ay ku loolamayaan arday ka tirsan Iskuullada Somaliland, iyada oo ay ardayduna yihiin ubaxii, aqoonyahankii, hoggaamiyeyaashii iyo hormoodkii bulshada ee mustaqbalka. Taasina waxa ay Maayar Jiciir u tahay sad iyo saami aanay la wadaagin siyaasiyiinta kale ee Somaliland, in qofka loo garto kaalintiisa, ayaana qofka uga wanaagsan in la ammaano marka uu dhinto, waayo waxa ay Soomaalidu hore u tidhi “Cayna u guurso, amaanna u dhimo”.
Ugu dambeyntiina waxa uu maamulka Dugsiga Al-Jazeera ku soo casuumay Maayar Jiciir xafladdii xidhitaanka koobka oo ka dhacday xarunta Dusgiga Sare ee Al-Jazeera oo ku taalla jihada bari ee Edna Aden Hospital, ama dhinaca Galbeed ee Isgoyska Total.
Guud ahaanna Shahaado-sharafyada la guddoonsiiyay Maayar Jiciir, iyo qabashada tartannada kubbada cagta ah ee loogu magacdaray Maayar Jiciir, waa qaar ka turjumaya fekerka wanaagsan ee ay bulshadu ka qabto Maayar Jiciir, oo ah masuul in badan ku suntanaan doona bogaga horumarka ee Caasimadda Hargeysa, iyo guud ahaan bogaga lagu xusayo taariikhda, waxqabadka, iyo doorka Maayarada Somaliland.
Ugu dambayn waxa uu Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-Baadhista ee ERA u rajeynayaa Maayar Jiciir in uu noqdo masuul sii labanlaaba dedaalkiisa hoggaamineed ee wax ku oolka, Annaga oo Ilaahay uga baryeyna in uu u fududeeyo xilka balaadhan ee uu u hayo ummada.
Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-Baadhistu, waxa uu uga mahadcelinayaa saxaafadda dalka sida wanaagsan ee ay u tebiyeen maqaaladii aanu kaga hadlaynay Milicsiga Waxqabadyada Maayar Jiciir.
Intaas ayaanu ku soo gebagebaynaynaa qormooyinkii taxanaha ahaa ee ku saabsanaa Milicsiga Waxqabadyada Maayar Jiciir.
Education and Research Academy Desk
Hargeisa, Somaliland
eraorg@ymail.com