Dhaman waxan salaamaya mareegaha sharafta badan iyo macmiisha marwalab soo booqda ee sharafta badan.
Dhaman shacabka JSLand meel kaste o ey ku sugan yiin ba waxan ka raaligalinaya hadalada an micnaha badan leheyn ee sharafta iyo milgaha ka aradan ee kusoo yeedhay badhisaabka gobolka maroodi jeex, Badhisaabka oo ah Maxamed Abdi Daa’uud waqti aad u fog baa igu danbeysa oo anu aheyn arday yar yar oo dugsiga Biyo dhacay waxkabarta intii ka danbeys yaraantayadii Maxamed marna ma naan kulmin, inkastoo anu Saudi Arabia Wada joogney mudo o an maqlay inuu dalka saudiga ku sugan yahay.
Waxan haddaba leeyahay sxbkey Maxamed A Daa’uud maanta Hargeysi mari meyso xiligii qof ama qabiil sheegan laha, mar baa jirtay eynu odhan karno Hargeysi waa magaaladeydii xilligaasi o ahaa runtii xilli aad u fog o inta habeenkii u soo hoyata ba iswada muuq taqaaney, labada daamoodna ey aheyeen dad iswada dhalay o ah runtii inan iyo abtigii, maalintaasi eyey Hargeysi sheegasho mudneyd o loo garaabaya qofka ama reerka Hargeysa sheegta la hanshan heeda magaalo ahaan, maanta maha maalin runtii qof inuu wax garanaya Hargeysa ku musanaabo o u yidhaahda ana leh,
Maxamedow inadr. miyaad iloowday halgankii dheer ee loo soo maray xoreynta dalkeena iyo magaaladan Hargeysa ee ad maanta mas’uulka ad ka tahay, miyaad iloowday isku duubnid iyo jihaadkii an loo kala hadhin ee dalkan lagu xoreyay, miyaanad dareemeyn in ey maanta Hargeysi tahay caasimadii JSLand o cidwal o soomaliland ahi ba soo dagtay o ey waliba maalgashadeen o ey ubadkoodii iyo maatidoodii ba soo rareen, miyaad iloowsantahay mas’uuliyada ku saaran ee lagu igmaday inad mas’uul ka noqoto dhamaan shacabka magaalo madaxda dagan o ad noqoto mas’uul shacabka reer Hargeysi u siman yihiin.
Waxan leeyahay o an u sheegaya mas’uulkaasi Maxamed A. Daauud SAKAARO LABA TUN O LA KALA QALO MALAH, Burco iyo Hargeysi oo laba MATAANOOD o runtii an kala maarmi karin, waa shacabkii dhiigooda iyo maalkooda u huray in ey xoreyan Hargeysa iyo Burco kuwa ad daasada u garaaceysa waa mujaahidiintii dalka kula xoreyay, waa geesiyadii maalimihii adkaa garabkeena ka dagaalamaya ee eynu doonida wada saarney, waa kuwii jeelasha inagula jirey ee la ina wada ugaadhsaneyay xiligii Siyaad Bare dalkan heystay, waa kuwii eynu isku mowqifka aheyn e aynu meel u wada jeednay, waa kuwii dhalsho iyo dhiigaba aynu wadaagno, xashe inadr. ka istaaqfurleyso hadaladaasi gafka ah ee ka soo yeedhay.
Waxan ku soo gabagabeynaya qoraalkeyga Maxamedow siyaasadeedu ma laha saaxiib joogta ah, maanta haddii ad u aragto inaad ceeshow milix tihiin Ina Rayaale beri baad arkii doonta isagoo dhabarka ku sii jeediya sidii Ismail Aden iyo ragg kaloo badan, ee waxan mar kale ka codsanaya inaad raali galin ka bixiso aflagaadadaasi, runtiina an hoos u sii dhaadhace inadr. ma nihin reeraha lagu xanto hadalaasi qaawan ee sharafta iyo milkaha ka aradan, reeraha Hargeysa dagaan ahan lagu sheegan maha kuwa sidaasi dhama ama u hadala.
Waxan leeyaha KULU FIDMO CINDA RAYAALE iyo maamulkiisa, waxaaso afxumo iyo dhaqan xuma ah waxa caadeystay maamulkan ma dhaleyska ah ee raggii sharafta badam SAMCEED ADAHA CODKA DHEER U JEENI QAAREY ee yidhi cidii madaxtooyada soo eegtaba cey iyo aflagaado hawada u mariya. Waxan leeyahay ragga Samceedaha codka dheer loo dhiibayow joojiya afxumada oo sharaftiina iyo mustaqbalkiin danbe u tudha.
Waxan haddaba leeyahay shacabka sharafta badan ee u ooman dawlada cadaalad iyo dimuqradeyda ku dhisan doonayoow fadlan u codeya xisbiga ucid EE MARWALBA HEEGANKA U AH CADAALAD IYO NABADGALYADA IYO DIMUQRADEYDA, Waxa runtii hubaal ah haddii u xisbiga UCID ku guuleysto doorashadaasi inuu dalku ka soo doogi doono dhibtii iyo rafaadkii todobadan sanadood u maamulka Rayaale u geysta, inashalle
Soomaliland GUUL
Cumar Daarood Xassan
Gudoomiyaha Guud Nordic – UCID