Xayiraad ka qaadisatan ayaa ku soo beeganatay ka dib markii maalintii shalay uu dalka dib ugu soo noqday Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aden (Saleebaan Gaal) .
Gudoomiyaha ayaa maanta xafiiskiisa ka soo saaray qoraal uu ku socod siiyay Taliyaha Booliska Somaliland General Saqdhi oo uu kaga dalabanyo in xayiraada laga qaado Xubnahan, iyada oo isla maantaba laga qaaday xubnahan Xayiraadii.
Warqada Gudoomiyaha Guurtida ayaa u qoranayd iyada oo dhamaystiran Sidatan:
” Waxaan Kugu Wargelinayaa in Muddanayaashii Xayiraada laga saaray Golaha Guurtidda laga qaadey xayiraadii fasaxna u yihiin in ay soo galan xarunta Golaha lgaa bilaabo maant aoo ay taariikhdu tahay 16- Jan-2010
Magacyada Mudanayaasha Golaha Guurtida
1. Cabdillahi Ibraahim Xirsi
2. Aadan Shire Faarax.
3. Sahal Iidle Dirir.
4. Cawil Xuseen Axmed
Sidaa Darteed, waxaan marlabaad mudane idinku adkaynayaa in mudanayaasha aan laga celin Xarunta Golaha Guurtida.
Alla Mahad Leh….
Saleebaan Maxamuud Aadan
Gudoomiyaha Golaha Guurtida
Geesta Kale Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa sheegay in khilaafkii Dhex yaalay Golaha Guurtida in ay shir gudoon ahaan iyagu xal ka gaadhayaan , sidaana uu ku soo afjarmay khilaafkaasi.
Warqabadka ToggaHerer
Hargeisa
Somaliland