articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

ADDUUNKA AMA KOWNKA QAYBTII 29 AAD (CIBAADADA)..W/Q;SAEED IBRAHIM HUSSEIN
posted by: Togaherer Team

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu Waxan idiin soo gudbinayaa salaantaa Islaamka ee qaaliga ah.

Adduunka ama Kownka(Qaybtii 29aad)

Cibaadada

Cibaadadu waa ta Alle subxaana watacaalaa inoo abuuray,oo Alle mooyee ma jiro cid xaq lagu caabudaa:

وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون ما أريد منهم من رزق وما أريد ان يطعمون إنّ الله الرّزاق ذو القوة المتين…(ءاية في سورة الذاريات)

Aayadda:Umaan abuurin Jinka iyo Insiga inay i caabudaan mooyaane,kama rabo risiq iyo inay i quudiyaan,illaahay ayaa Raasiq ah,oo leh quwad xoog leh.

Alle isagaa korreeyee wuxu ina amrayaa in Isaga keliya aynu caabudno,oo amarkisa u hoggaansanno:

وَقَضَى رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِنْدَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلاهُمَا فَلا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلا تَنْهَرْهُمَا وَقُلْ لَهُمَا قَوْلاً كَرِيماً” ( الإسراء)

Aayadda: Alle wuxu waajib yeelay inaan isaga mooyee cid kale la caabudin,oo Waalidka loo sameeyo ixsaan,haddii mid waalidka ka mid ah,ama labaduba uu da’ ku gaadho agtaada(yacni aad nolol ku soo gaadho),ha ku odhanin hadal xun(sida uf) hana dhibin,oo ku dheh hadal wanaagsan.

Waxa Aayad kale Alle inoogu sheegayaa,in keligii la caabudo,oo aan loo shariig yeelin,sidoo kale loo sameeyo ixsaan waalidka,iyo dadka qaraabada ah,iyo agoonta iyo masaakiinta,iyo jaarka,qofka laga helo fulinta arrimahan oo dhami,wuxu ku sifoobayaa sifada qofka muuminka ah ee Alle u cibaadaysanaya:

واعبدوا الله ولا تشركوا به شيئا وبالوالدين إحسانا وبذي القربى واليتامى والمساكين والجار ذي القربى والجار الجنب والصاحب بالجنب(النساء)

Aayadda:caabuda Alle oo shayna ha ugu shirki yeelina, una sameeya ixsaan waalidka,iyo dadka qaraabada ah, iyo agoonta iyo masaakiinta iyo jaarka kuu dhow, iyo jaarka kugu xiga,iyo saaxiibkaaga kugu xiga(culimada qaarkood waxay ku fasiraan qofka aad isu dhaxdeen ee ixqabtaan,saaxiibka kugu xiga).

Cibaadadu waa dhamaan wax Alla wixii qofka ka soo fula,ee uu ku kaco,ama sameeyo,ee isugu jira waxa uu niyadda ka doono,iyo waxa uu qowl ama hadal ahaan u yidhaahdo,ama waxa uu hawl ahaan,ama ficil ahaan u sameeyo,ee ula yimaaddo:

قل إنّ صلاتي ونسكي ومحياي ومماتيّ لله ربّ العالمين لا شريك له وبذالك أمرت وأنا أوّل المسلمين(ألأنعام)

Aayadda:waxad tidhaahdaa(Nebi Allow)salaaddayda iyo camalkayga dar Alleed,iyo noloshayda iyo dhimashadayduba Alle ayay u sugan yihiin,oo wax shariig ah ma laha, sidaas ayaana lay amray,waxanan ahay muslimiinta ka ugu horreeya.

waxa waajib ah,ee Alle innagu faral yeelay,iyo waxa sunnaha ah,iyo waxa mustaxab ah,ee la jecel yahay samaynteeda,intuba waa cibaado,aad ugu hoggaansamayso Alle, oo amarradiisa u fulinayso si habsami ah,oo ku eg itaalkaaga iyo inta aad awooddo.

Cibaadada oo ah u hoggaansiga dhamayska tiran ee aad Alle ku adeecayso,ee aad raacayso lana imanayso wuxuu ku faray,kana dheeraanayso waxa uu kaa reebay,bal haddaynu waxyaalaha Alle waajib yeelay ee diinteenna ku cad qaar ka sheegno:

Salaaddu waxay ugu horreysaa ashaadada ka dib waxa qofka muslinka ah laga rabo, waana waxa kala saara muslinka iyo gaalka,ee kala sooca laguna kala garto:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلمالعهد بينكم وبين الكافر الصّلاة

Xadiiska:waxa idinka iyo gaalka idiin dhexeya,ee la idinku kala saaraa waa salaadda.

Salaaddu waa cibaado Alle ina faray oo gudashadeeda ajar aynu ka helno,sidoo kale waxa gudashada salaaddu qofka ka reebtaa,oo ka fogeysaa xumaha iyo faxshiga:

(إن الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر والبغي ولذكر الله أكبر ) العنكبوت.

Aayadda: Salaaddu waxay reebtaa faxshiga iyo xumaha iyo sinada oo digriga illaah ayaa weyn.

Salaadaha faralka ahi waa shan salaadood maalintii iyo habeenkiiba,waxana mid kasta Alle u sameeyey waqti xaddidan,oo u gaara,salaaddana fadligeeda ugu sarreeyaa waa in waqtigeeda la tukado

إنّ الصّلاة كانت على المؤمنين كتاباً موقوتا(النساء)

Aayadda:Salaaddu muuminiinta waxay u tahay mid waqtiyaysan oo leh waqti go’an.

waxana salaadda marka jamac lagu tukado ay dheer tahay ta kale 27 derejo,markaa waxa aynu u ordaynaa,oo u guntan nahay waa in aynu derejo sare helno.

Marka qofku salaadda gudanayo,Eebbihiis ayuu hor taagan yahay,oo la munajonayaa, oo wuxu Alle ugu dhow yahay,marka uu sujuudsan yahay,waa in uu qofku ducada badsadaa,oo waa in uu salaaddiisa si khushuuc leh u gutaa:

والذين هم فى صلاتهم خاشعون  ( سوره المؤمنون)

Aayadda:waa kuwa salaaddooda ku khushuucaya.

Salaadaha sunnaha ah ee salaadaha ama ka horreeya,ama ka danbeeya,iyo kuwa habeenkii dadkoo hurda aad dar Alle u kacdo oo salaatul leyl tukato,iyo salaadda la tukado barqada,ee salaatul duxa la yidhaahdo:

روي عن أبي هريرة رضي الله عنه أنّه قال:قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم لا يحافظ صلاة الضحى إلا أوّاب”

Xadiiska:waxa Abu Hureyra Alle ha ka raalli noqdee laga weriyey,in Rasuulku sallallaahu calayhi wasalame yidhi;ma ilaaliyo salaadda duxe,qof awaab ah,oo denbi dhaaf dalbasho badan mooyee.

Waxa cibaadooyinka Alle innagu faral yeelay ka mid ah sakada,oo u kala baxda ta laga bixiyo maalka ama xoolaha,oo markay sannad ka soo wareegtoba la eego inta xooluhu le’eg yihiin,iyo inta ka baxaysa,oo la siiyo dadka baahan,ee masaakiinta iyo qaraabadaba leh,waxa kaloo sakada laga bixiyaa nafta qof kasta oo markaa,ama maalintaa haysta quudkiisa,sakadu waa rukniga 3aad ee arkaanta Islaamka,sakadu waxa ay daahirisaa wixii laga bixiyey,haddii xoolo laga bixiyo,waxa ay u noqotaa wax safeeya,oo dahiriya,haddii qof naftiisa laga bixiyona sidoo kale waa sadaqo dahiraysa oo nadiifinaysa:

خذ من أموالهم صدقة تطهّرهم وتزكّيهم بها وصلّ عليهم إنّ صلاتك سكنٌ لهم والله سميع عليم (التّوبة)

Aayadda:(Nebi Allow)ka qaad maalkooda sadaqad daahirisa oo nadiifisa,oo xidhiidhi,waxa ay xidhiidhintaadu u tahay degganaan iyo xasilooni’e.

Cibaadada salaadda iyo sakada qofkii sida laga rabo u gutaa,khayr badan buu heli:

” إن الذين آمنوا وعملوا الصالحات وأقاموا الصّلاة وآتوا الزكاة لهم أجرهم عند ربهم ولا خوف عليهم ولا هم يحزنون) “البقرة)

Aayadda:kuwa Alle iyo Nebiga rumeyey ee camalka saalixa ah sameyey,salaaddana oogey,ee la yimid sakada waxay leeyihiin ajarkooda ooy illaahay agtiisa ka helayaan wax cabsi iyo murugo ahina uma sugnaanin.

Cibaadada Alle innagu waajib yeelay waxa ka mid ah Soonka,waana Rugniga 4aad ee Arkaanta Islaamka,waxana qofku isu afxidhayaa dar Alle,oo cuntada iyo cabbidda iyo sahwada ka soomayaa,sidoo kale isha iyo hadalka xun,ee aan wanaagsanayn.

[ يا أيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون ] (البقرة)

Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow waajib ayaa laydinkaga yeelay Soonka sidii loogaga waajib yeelay kuwii idinka horreeyey,waxa la arkaa inaad cabsataane.

Soonka isagoo sunne ah qofku waa gudan karaa,oo isagoo awooddiisa iyo itaalkiisa ku salaynaya,wuxu soomi karaa maalmaha Isniinta iyo Khamiista asbuuciiba,ama waxa uu soomi karaa maalin dhaaf,waa soonkii Nebi Daa’uud oo kale’e,ama bishiiba wuxu soomi karaa saddexda maalmood,ee 13,14 iyo 15 ka,ee loo yaqaan ayaamu biid, waxa kaloo sunne ah,in la soomo maalinta carrafa,ee xajka buurta carrafa la taagan yahay,sidoo kale maalinta la yidhaahdo caashuuraa,ee ah maalinta 10aad ee bisha 1aad ee sannadka hijriga Islaamka,waana lagu dari karaa maalinta ka horreysa iyo ta ka danbaysa,waxa iyana sunne ah oo la soomaa 6da shawaalka,ee ah bisha ku xigta bisha ramadaan,oo ilaa bilowgeeda iyo dhamaadka bishaa shawaal aad ama lixda maalmood isku xejin karto,ama kala googoyn kartid.

Waxa isna ah rukniga 5aad Xajka oo isagu ku xidhan awoodidda ama calaa karaan qofkii awoodi karaya ayuu xajku ku waajibey ka kale Alle ma kellifo qofna,oo awoodiisa wax dhaafsiisan kama dalbo isagaa u cilmi leh addoomadiisa.

” الحج أشهرٌ معلوماتٌ فمن فرض فيهنَ الحج فلا رفث ولا فسوق ولا جدال فى الحج”(البقرة)

Aayadda:xajku waa bilo xaddidan,oo go’an,oo qofka gala waajibka xajku waa in aanu la iman,wax dareen shahwadeed ah,oo uu haweenaydiisa la wadaago,iyo wax fisqi ah, iyo muranba xajka gudihiisa.

Xajku waa cibaado ku waajib ah,muslin kasta oo awooda,mar keliya noloshiisa,kii mar wax ka badan xajka guta waa sunne,oo ajar buu ka helayaa,waxa uu qofku sidoo kale u xajiyi karaa waalidkiisa marka aanu safri karin,caafimaad iyo da’ darted,ama haddii uu mootan yahay,oo geeriyooday.

Camal kasta oo dar Alle,uu qofku u qabto,oo ku dalbayo raalli noqodka Alle,oo Illaahay ugu dhowaanayo,camalkaasina yahay mid bannaan oo diintu ogoshahay,waa cibaado,oo ajar iyo abaal fiican buu ka helayaa:

عن أبي ثعلبة الخشينيّ جرثوم بن ناشر رضي الله عنه عن رسول الله صلى الله عليه وسلّم قال:”إنّ الله تعالى فرض فرئض فلا تضيعوها،وحدّ حدودًا فلا تعتدوها،وحرّم أشياء فلا تنتهكوها،وسكت عن أشياء رحمة لكم غير نسيان،فلا تبحثوا عنها”

Xadiiska:waxa Abi saclaba Alkhushayni Jarsuum Ibnu Nashir Alle ha ka raalli noqdee,laga weriyey in Rasuulku sallallaahu calayhi wasalame yidhi;Alle isagaa korreeyee,wuxu faral yeelay farallo,ee ha dayacina,oo wuxu sameeyey xadad go’an,ee ha ku xad gudbina,oo wuxu xarrimay ashyaa,ee ha burinina,oo wuxu Alle ka aamusay waxyaalaha qaar,iyadoo raxmad idiin ah,oo aan illowshiinyo ahayn,ee waxyaalahaa ha baadhbaadhina,ee sidoodaa u daaya.

Wax kasta oo Alle abuuray,Illaahay bay u tasbiixsadaan,oo caabudaan:

تُسَبِّحُ لَهُ السَّمَوَاتُ السَّبْعُ وَالْأَرْضُ وَمَنْ فِيهِنَّ وَإِنْ مِنْ شَيْءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمْدِهِ وَلَكِنْ لَا تَفْقَهُونَ تَسْبِيحَهُمْ إِنَّهُ كَانَ حَلِيمًا غَفُورًا

Ayadda: Samooyinka iyo Arlada iyo waxa ku suganiba Alle ayay u tasbiixsadaan,ma  jiro shey aan Alle u tasbiixsan,laakiin waxaydinaan fahmeyn qaabka iyo sida uu u tasbiixsanayo.

Cibaadada Alle inoo jideeyey,way badan tahay waana raxmad iyo fursad Alle ina siiyey,oo ay tahay in aynaan iska dayicin,oo ka faa’iidaysanno:

عن أبي مالك –الحارث بن عاصم-الأشعري رضي الله عنه قال رسول الله “الطهور شطر الإيمان ،والحمد لله تملأ الميزان،وسبحان الله والحمد لله تملآن-أو تملأ-ما بين السّماء والأرض،والصّلار نور ،والصّدقة برهان، والصّبر ضياء،والقرءان حجة لك أو عليك،كلّ النّاس يغدو فبائع نفسه،فمعتقها أو موبقها”رواه المسلم

Xadiiska:waxa laga weriyey Abi Maalik- Xaaris Ibnu caasim oo ashcari ahaa,in Rasuulka Alle yidhi;daahirnimadu waa iimaanka badhkii,Alxamdulillaahina waxa ay buuxisaa miisaanka,subxaana Allah iyo Alxamdulillaahina waxay buuxiyaan inta samada iyo arlada u dhexaysa,salaaduna waa nuur,sadaqaduna waa burhaan(xujo iyo marag)quraankuna ama xujuu kuu yahay ama xujuu kugu yahay,dadkoo dhami way kallahaan,oo naftooda iibiyaan,waa mid naftisa xoreeya,iyo mid halaajiya oo hoojiya.

qofku xalaal quudashadiisa,iyo ka fogaanta dagidda Shaydaanka,iyo ka feejignaantiisu waa cibaado:

ياأيها الناس كلوا مما في الارض حلالا طيبا ولا تتبعوا خطوات الشيطان انه لكم عدو مبين….(البقرة)

Aayadda:Dadyohow cuna waxa Arlada ah ee xalaasha wanaagsan ah,hana raacina tallaabada iyo wadada shaydaanka cadaw dhab ah ayuu idiin yahaye.

Amaanada ilaalinteeda iyo ka soo bixisteedu waa cibaado:

)قال رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ أَدِّ الأَمَانَةَإِلَى مَنْ ائْتَمَنَكَ وَلا تَخُنْ مَنْ خَانَكَ‏.‏(مسند أحمد

Xadiiska:waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi; amaanada u celi ciddii ku aaminta,oo ha khiyaamin adigu ku khiyaama.

Sida loo tacaamulayo,ee wax loo kala iibsanayo,ee daymaha loo kala qaadanayo,iyo dhamaan mucaamalaadkoo dhami waa cibaado,markaad sida Alle doonayo u fuliso:

) يا أيها الذين آمنوا إذا تداينتم بدين إلى أجل مسمى فاكتبوه وليكتب بينكم كاتب بالعدل ولا يأب كاتب أن يكتب كما علمه الله(

Aayadda:kuwii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow haddii dayn aad kala deynsataan,qora oo ha idiin qoro dhexdiinna qore caadil ah,oo yaanu diidin qoruhu in uu u qoro sidii Alle u baray.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلاَّ أَنْ تَكُونَ تِجَارَةً عَنْ تَرَاضٍ مِنْكُمْ وَلا تَقْتُلُوا أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيماً (النساء)

Aayadda:kuwii Alle iyo Nebiga rumeyow ha kala cunina xoolaha iyadoo mid ganacsi dhexdiina ah oo aad raalli isaga tihiin uu yahay mooyee,nafihiinnana ha dilina,Alle waa mid idiin naxariis badane.

Cabsida Eebbe iyo adeeciddiisa,aad ku dadaasho awooddaada waxay ka mid tahay cibaadada Eebbe:

(فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ وَاسْمَعُوا وَأَطِيعُوا وَأَنفِقُوا خَيْراً لِّأَنفُسِكُمْ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُوْلَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ(التغابن

Aayadda:Alle ka cabsada inta aad awooddaan,ee karaankiinna ah,oo maqla oo adeeca, oo wax bixiya waxay khayr u tahay naftiinna’e,kii naftiisa ka ilaaliya shaxeexnimada iyo bakhaylnimada,kuwaasi waa kuwa aflaxay.

“ومن يتّق الله يجعل له مخرجًا ويرززقه من حيث لا يحتسب ومن يتوكل على الله فهو حسبه”(الطلاق)

Aayadda:Qofka Alle ka baqa waxa Alle u furaa dariiqyada,oo wuxu ka arsaaqaa meelo,aanu ka filayn,kii Alle talasaartana,Alle isagaa ku filan,oo kafaalo qaadanaya.

Gaaladu ma caabudaan Alle,waxay caabudaan sanamo,iyo hawadooda,oo shaydaan ayay,jidkiisa raacaan,oo caabudaan:

ويعبدون من دون الله ما لم ينزّل به سلطاناً وما ليس لهم به علم وما للظالمين من نّصير (الحج)

Aayadda:waxay caabudayaan,Alle sokadii wax aan Alle u soo dejin xujo,oo aanay wax cilmi ah u lahayn,daallimiintu ma helayaan wax gargaar iyo taageero ah.

Waxa qofka muslinka ah laga rabaa in uu Alle keligii caabudo,oo wax kasta oo ka mid ah,noloshiisa uu ka dhigo,ku dhaqanka diinteenna,iyo shukri naqa Eebbe,oo had iyo jeer eega,oo hubiya waxa uu samaynayo in diintu u bannaysay,oo Alle ka raalli yahay,iyo in kale,markaa wuxuu qofkaasi mutaysanayaa nolol fiican oo Ifka iyo Aakhiroba ah,waana qof u hoggaansamey amarka Eebbe,oo ficil kasta ka dhigay cibaado Alle:

وروي عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال: (الكيس من دان نفسه وعمل لما بعد الموت، والعاجز من أتبع نفسه هواها وتمنى على الله)، قال الترمذي

Xadiiska:waxa laga weriyey Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee in uu yidhi;qofka raganimada lihi waa ka naftiisa ilaaliya,ee u shaqaysta waxa mowdka ka danbeeya,caajiskuna waa ka naftiisa raaciya hawadeeda,ee haddana Alle ka fila wanaag.

Dadka cibaadada suubban,ee sifada muslinka huwan,waa kuwa dareensan,waxa Alle u abuuray,ee dareensan nimcada iyo wanaagga Alle ku mannaystay,iyo sida Alle ugu hawl yareeyey gudashada cibaadada,oo ku xaddidan awooddiisa:

وَعِبَادُ الرَّحْمَنِ الَّذِينَ يَمْشُونَ عَلَى الْأَرْضِ هَوْنًا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ الْجَاهِلُونَ قَالُوا سَلَامًا  وَالَّذِينَ يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمْ سُجَّدًا وَقِيَامًا  وَالَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا اصْرِفْ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ غَرَامًا(الفرقان)

Aayadda:Addoomada Allaha Raxmaanka ahi waa kuwa dhulka u socda si deggan,oo aan isqaadqaad ahayn,oo haddii ay la hadlaan jaahiliintu,salaama oo iska dhaafa,waa kuwa waqtigooda ku qaadanaya iyagoo Alle u sujuudsan,iyo iyagoo salaadda oogaya oo taagan,oo odhanaya;Rabbiyow naga badbaadi cadaabka jahannama,waxa weeye cadaab halis ah oo darane.

Cibaadada waxa ka mid ah,in aad ku fekerto,oo ku cibro qaadato,khalqiga Eebbe:

“ويتفكرون في خلق السّموات والأرض ربنا ما خلقت هذا باطلاً سبحانك فقنا عذاب النار”( آل عمران)

Aayadda:waxay ku fekerayaan abuurta Samooyinka,iyo Arlada,oo odhanayaan Rabbiyow uma aad abuurin si baadil ah,adiga ayaa xumo ka nasahane,naga badbaadi naarta.

Alle qofka si fiican u caabuda,oo ka cabsada,Ifka iyo Aakhiroba wanaag buu siiyaa:

عن أبي هريرة – رضي الله عنه – أن رسول الله – صلى الله عليه وسلم – قال إن الله تعالى ، قال )): من عادى لي وليـًا فقد آذنته بالحرب ، وما تقرّب إليَّ عبدي بشيء أحبَّ إليَّ مما افترضته عليه ، وما يزال عبدي يتقرب إليَّ بالنوافل حتى أحبه ، فإذا أحببته كنتُ سمعه الذي يسمع به ، وبصره الذي يبصر به ، ويده التي يبطشُ بها ، ورجله التي يمشي بها ، وإن سألني لأعطينَّه ، وإن استعاذني لأعيذنه ، وما ترددت عن شيء أنا فاعله ترددي عن قبض نفس المؤمن ، يكره الموت وأنا أكره مساءته

Xadiisul qudsiga:waxa Abu hurayra Alle ha ka raalli noqdee laga weriyey,in Rasuulku sallaallaahu calayhi wasalam sheegay,in Alle yidhi kii collaystay,oo cadawtinimo ku sameeya qof i aaminsan,oo i talo saartay,dagaal baan la gelayaa,oo waxa Addoon iigu soo dhowaado,waxa aan ugu jecel ahay waxa aan ku faral yeelay, kamana suulo Addoonkaygu in uu iigu soo dhowaado,sunnayaasha ilaa aan ka jeclaado,oo haddii aan jeclaado waxan u noqdaa maqalka uu wax ku maqlayo,iyo aragga uu wax ku arkayo,iyo gacanta uu wax ku qabsanayo,iyo lugta uu ku soconayo, oo haddii uu wax i waydiisto,waan siinayaa,oo hadduu i magan galo,waan magan gelinayaa,oo sheyna kama noqnoqdo qabashadiisa,sida markaan ka qabanayo nafta, wuxu karhaa mawdka,anna waxan karhaa wax kasta oo dhibaya.

Dadka oo aad khayrka la wada jeclaato,oo u calool xaadhnaato,isla markaana ugu yeedho wanaagga,iyo waxa diintu ina farayso,waa nooc cibaadada ka mid ah:

ادْعُ إِلَى سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ وَجَادِلْهُمْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنْ ضَلَّ عَنْ سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ (النحل)

Aayadda:ugu yeedh(dadka)xaqa iyo jidka Alle adoo adeegsanaya xikmad iyo waano wanaagsan,ulana dood dadka tii(dooddii) ah mid wanaagsan,Alle waa ogyahay ciddii dariiqa ka luntay,wuuna ogyahay ciddii hanuuntay.

Gudashada waajibaadka Alle iyo adeeciisa,sidoo kale adeecidda dadka hoggaanka haya,ee xaqa ku toosani waa cibaado:

يا أيّها الّذين ءامنوا أطيعوا الله وأطيعوا الرّسول وأُولى الأمر منكم…(النسّاء)

Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow adeeca Illaahay,oo adeeca Rasuulkiinna iyo cidda idiin talisa,ee idin xukunta.

ciddii ku toosnaata Alle waddadiisa,oo cibaadada si fiican u gudata,Alle waa u abaal gudaa,oo deggani iyo cabsi la’aan,buu ku beeraa,wax kastana waa u fududeeyaa:

أَلا إِنَّ أَوْلِيَاءَ اللَّهِ لا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلا هُمْ يَحْزَنُونَ  الَّذِينَ آمَنُوا وَكَانُوا يَتَّقُونَ) (يونس(

Aayadda:waar hooy awliyada Alle(kuwa Alle ku xidhan ee jecel)uma sugnaanin wax cabsi iyo murugo ahi,kuwa Alle iyo Nebigiisa rumaysay,ee ahaaday kuwo cabsanaya.

Cibaadadu waa wixii la inoo abuuray,waa waajib Alle ina saaray,keligii ayayna xaq tahay in la caabudo,oo la dalbo raalli noqodkiisa,iyo raxmaddiisa,mar walba.

Cibaadada ninkii xoojiyee camalfalkeed raacaaya

Ciiddan intuu ku sii baaqi yahay waa casiis mudane

Cimriguna markuu go’o jannuu cidhifsanaayaaye

Cidda Eebbe qudha ka cabsataa way cuddoontahaye

Kalsoonidu inay camiri waa caadla’aan sugane

Ciddi wax le’eg iyo cad weeyn caadil baa qoraye

Ninna Calafkii inaanu celin karayn waa caddaan sugane

Nafta ciirsataa Allaha way cadho go’aysaaye

Casumaad ninkii isu fidshee cabbaya khayraadka

Cawadii timaadaba eega camalkiisa

Cisho iyo ayaan caadilkii janno ka dhawraaya

Ceesh xalaala inuu quuto oo caafimaad helayo

Cindigiisa wuxu ka helo ama calmasho taaggeedda

Cilmigay diintu qabto  iyo sharciga cayntiisa

Caado inuu ka yeeshaa caqligu siiyaaye

Cuqdad iyo colaad iyo weji cabuusnaanta

Cilaaqoba ma ay laha oo isuma cayntaane

Ciil iyo xumaan isma arkaan wax la collaystaaye

Cabashiyo canaan midnaba iskuma ciilkaambiyo’e

Cuqdadli’ida waxawgu wacan waa cibaadada’e

Cadhali’ida waxawgu wacan waa cabsida Eebbaha’e

Codka hadalka Ciirsiga indhaha Cagaha socodkooda

Caqligiyo qalbiga iyo dhamaan wixii cindiga taabaaya

Camalkana meeleeya ee caynka u adkeeya

Caadilkood hadday magansadaan caafimaad hele’e

Cisi iyo wanaag bay ku cuni labada daaroode

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo
Web Stats